Xaaji Xunjuf Posted December 1, 2010 Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam Oo Ku Dagaalamay Degmada Buur-hakaba Waaheen(Buur-hakaba) Ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo kuwa Xisbul Islaam ayaa maanta dagaal uu ku dhexmaray degmada Buurhakaba oo ka tirsan gobolka Baay ee Koonfurta dalka Soomaaliya. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen gudaha degmadaas oo ay ka talinayeen in mudo ah Ururka Xisbul Islaam,waxaana uu dagaalku dhacay subaxnimadii maanta. Wararka ayaa sheegaaya in Xarakada Al-Shabaab ay saacado kadib dagaalka ay la wareegtay dhamaan gacan ku haynta degmada Buurhakaba,iyadoo uu dagaalkaas ka dhashey khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Dadka degaanka ayaa ku waramay in ugu yaraan 5-ka tirsan Maleeshiyada Xisbul Islaam ay ku dhinteen dagaalkaas tiro kalena ay ku dhaawacmeen,waxaana aan la ogeyn khasaaraha dhinaca Al-Shabaab oo weerarka soo qaaday. Lama ogaa sababta ka dambeysay dagaalkaan inkastoo wararka qaar ay sheegaayan inuu yimid kadib markii Ururka Xisbul Islaam ay kasoo horjeesteen amar kasoo baxay maamulka Shabaab ee gobolka Baay. Xaaladda degmada Buurhakaba ayaa xilligaan laga dareemaaya deganaansho,waxaana dadka degaanka ay ka walwal qabaan in dagaalka uu mar kale dhaco,waxaana weli wax war ah kasoo bixin dhinacyadii dagaalamay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted December 2, 2010 Afahayeenka Howlgalada Xisbul Islaam ayaa si hoose waxa uu uga hadlay Qabsashada Al-Shabab degmada Buur Hakabo kaasi oo si xoogan u canbaareeyay tilabadaasi. Maxamed Cismaan Caruus ayaa seegay in ay Al-Shabab ku xadgudbeen hishiis ay horay ukala saxiixdeen Daahir Aweys iyo Abuu Mansuur kaasi oo dhigayay in la joojiyo colaada u dhaxesa labada Urur. " Aad baan u canbaareyneynaa falkii waxashnimada ahaa ay shalay Shabab ku qabsadeen Degamda Buur-Hakabo ,halkaasi oo ay dad masaakiin ah kubarakiciyiin tilabadasina waan ka jawaabi doonaa" Caruus. Waxa uu sheegay Afhayeenka in ay malmahani jirtay xur gof ka dhlatay Gaari kuwa dagaalka ah oo ay Al-Shabab qabsdeen asiga oo marayay Isgooska Ex-Coonatrool Balcad . "anaka oo xalinta gaarigaasi ku jirna ayaa waxaa shalay si gadis ah ku maqalnay waxa ay hadana la wareegeen Degmada Buur Hakabo arintaasi looma adkeesan karo" Caruus. Ugu danbeyntii waxa uu fartiin u diray saraakiisha Al-Shabab asigoo u sheegay in ay soo celiyaan degmadasi si loo dajiyo x Quote Share this post Link to post Share on other sites