Sign in to follow this  
General Duke

MP's Ato, Gamadhere, Furux reach Baidoa..

Recommended Posts

Wasiiro iyo Xildhi. Nabdeyn ka waday G/dhexe oo gaaray Baydhabo

 

cadaado2.jpg

Baydhabo 15 April. 06 ( Sh.M.Network) Wasiiradii iyo xildhibaanadii nabadeynta ka waday gobolada dhexe ee Somalia ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo e xarunta gobolka Baay, iyagoo ka soo duulay magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

 

 

Wasiirada iyo xildhibaanada nabadeynta ka waday gobolada dhexe oo si diiran loogu soo dhaweyay magaalada Baydhabo

 

 

Wasiirka howlaha Guud iyo Guriyeynta Cismaan xasan Cali Caato, Wasiirka horumarinka iyo Reer Miyiga Max'uuud Max'ed Guuleed Gacmo-dheere, wasiru dowlaha dekedaha Max'ed Jaamac Furux, Xildhibaan Cali Calas Qaareey, Xildhibaan Nageeye, Odayaal iyo xubno kale ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

 

Wariye Cabdi Max'ed Ismaciil Cabdi Cuud oo ka tirsan Shabelle, lana socday wafdigaasi ayaa waxa uu sheegay in soo dhaweyn diiran ay kala kulmeen magaalada Baydhabo, loona sii gudbiyay xarunta madaxtooyada halkaasi oo wafdiga ay kula kulmeen Madaxweynaha dowladda FS C/laahi Yuusuf, Ra'isulwasaare Geedi iyo xubnaha golaha Baarlamanka, iyadoo kulankaasi ay ku kala warqaadanayaan howlihii nabadeynta ay ka wadeen gobolada dhexe ee Somalia.

 

Qaar ka mid ah wafdigaan ayaa lagu wadaa in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, iyagoo uga sii gudbi doona magaalada Cadaado si ay u sii ambaqaadaan howlaha nabadeynta ay ka wadeen gobolada dhexe, iyadoo bishaan bartamaheeda la filayo tababaro loo sameynayo maleeshiyooyin sugaya amniga gobolada dhexe.

 

Degmada Cadaado ayaa lagu wadaa in uu ka dhaco shirweyne naadeed oo lagu soo afjarayo colaadihii ka dhacay gobolada dhexe, iyadoo kulankaasi ka hor odayaasha labada dhinac ay isku arki doonaan kulamo gooni gooni ah oo ay ku magacaabeen labo geedyare oo loogu gogol xaari doono shirweynaha ka dhacaya magaalada Cadaado bartamaha bisha soo socota.

 

 

 

Cabdi Max'ed Ismaaciil

 

Shabelle Media Network, Baay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this