Sign in to follow this  
General Duke

Puntland states Bossaso, Garowe, Galkacyu huge demos's in support of PM[ Gama Dheere]

Recommended Posts

Gaalkacyo: Banaanbaxyo waa weyn oo looga soo horjeedo Nuur Cadde iyo Dawladda Kenya oo ka socda Magaalada Gaalkacyo.

17. december 2008

 

Gaalkacyo(AllPuntland)- Banaanbaxyo waa weyn ayaa waqtigan ka soconaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, waxaana looga soo horjeeda Banaanbaxyadan dawladda Kenya iyo Col. Nuur Xasan Xuseen.

 

Banaanbaxyadan waxaa hogaaminaya Maamulka gobalka Mudug iyo Maamulayaasha degmooyinka kala duwan ee Magaalada Gaalkacyo, waxaana si aad ah loo adkeeyey amaanka guud ee Magaalada Gaalkacyo.

 

Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo Col. Axmed Cali Salaad oo hogaaminaya banaanbaxyadan, waxaana ay dadku wataan Boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhagyo looga soo horjeedo Nuur Xasan Xuseen oo dhawaan xilka laga qaaday iyo dawladda Kenya oo shalay sheegtay in ay Cunaqabateyn ku soo rogtay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Qoyskiisa.

 

Dad badan ayaa ku dhawaaqaya hadalo ka dhan ah dawladda Kenya, waxa ayna sheegayaan si deg deg ah ay dawladda Puntland iyo Shacabkeedu aysan raali ugu ahaan doonin talaabada ay ku dhawaaqday dawladda Kenya, ayna ka fariisanayaa talaabada ku bahoon ee ay ka qaadayaan.

 

Wariyaasha jooga Gaalkacyo ayaa ku soo waramaya in ay Banaanbaxyadan sida lasheegayo socon doonaan maalmaha nagu soo aadan, waxaana dhinaca isla Banaanbaxyadan lugu taageerayaa dawladda Faderaaliga ah iyo Raysalwasaaraheeda Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheerre).

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe/Bosaso: Banaanbaxyo looga soo horjeedo Nuur Cadde Iyo Kenya oo ka socda Magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe.

17. december 2008

 

Garowe/Bosaso(AllPuntland)- Banaanbaxyo waa weyn ayaa maanta si wadajir ah uga socda Magaalooyinka Puntland oo idil waxaana looga soo horjeedo Nuur Xasan Xuseen, Raysalwasaarihii hore iyo Dawladda Kenya oo shalay sheegtay in ay Cunaqabateysay Madaxweyne Yuusuf.

 

Boqolaal dad ah ayaa iskugu soo baxay Xarunta Maamulka gobalka Nugaal, waxa ayna ka soo horjeedaan ama ay wataan Halku dhagyo looga soo horjeedo dawladda Kenya iyo Nuur Xasan Xuseen.

 

Dadweynaha ayaa sheegay in aysan dawladda Kenya ka tashan Aayaha iyo xiriirka ka dhaxeeya Shacbiga Puntland iyo Shacabkeeda, ayna qaadatay talaabo ka soo horjeeda Sharciyada caalamiga ah, ayna Puntland qaadi doonto talaabo aan ka yareysan mid ay shalay ku dhawaaqday.

 

Fagaarayaasha Magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe waxaa iskugu soo baxay dad badan, waxa ayna cabirayeen talaabadii ay qaaday dawladda Kenya ee u hiilineysa dhinac ka mid ah dhinacyada Siyaasada Soomaaliya, sidoo kale isla dadkan ayaa cambaareeyey talaabadii ay ku dhawaaqay Gudoomiyaha baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya ee uu ku sheegay in ay Codeeyeen ayna aqbaleen sii shaqeynta Raysalwasaare shaqada laga qaaday.

 

Banaanbaxyadan ayaa ku soo beegmaya xili ay shalay dawladda Puntland siweyn uga soo horjeesatay talaabadii uu qaaday Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe) iyo warkii dawladda Kenya ee ay kaga soo horjeestay Madaxweynaha Sooomaaliya.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaanbax lagu Taageerayo Magacaabida Ra’isul wasaaraha Cusub ka dhacay Garowe

 

Wednesday, December 17th, 2008 at 9:15 am

Iyadoo shalay uu Madaxweynaha Dowlada KMG ah C/laahi Yuusuf Axmed uu ku dhawaaqay in Maxamed Maxamud Guuleed (Gacmadheere) uu yahay Ra’isul wasaaraha Dowlada Kmg a ayaa waxaa Caasimada Puntland ee Garowe ka dhacay Banaan baxa lagu taageerayo go’aankaas.

 

 

Boqolaal ka mid ah qeybaha kala duwan ee dadweynaha Caasimada Garowe ku nool ayaa waxaa Fagaaraha Barxada weyn ee Caasimada kala hadlay Odayaal iyo waxgarad reer Nugaal ah.

 

 

 

Odayaasha iyo dadkii goobta ka hadlay waxa ay sheegay in ay taageersan yihiin go’aanka Madaxweyne Yusuf oo ku dhawaaqay oo ahaa in Ra’isul wasaare yahay Gacmadheere.

 

 

 

Dhanka kale Banaan baxayaasha ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen Hadlo ka dhan ah go’aanka Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Kenya Watingula oo ahaa in dalkiisu uu madaxweyne Yuusuf ku soo rogayaan inuusan duulimaad ku tagi karin isaga iyo qoyskiisa sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

Dadweynaha oo ay ka muuqneysay Caro xoog leh oo ay u qabaan Hadalka Dowlada Kenya oo ahaa sidoo kale in ay xayiraad ku soo rogeyso hantida u taalla madaxweyne Yuusuf dalka Kenya.

 

Banaanbaxaan ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa hadalo maalinimadii shalay aheyd ka soo baxay Maamulka Puntland kaas oo ahaa in ay taageersan yihiin Madaxweyne Yusuf iyo Ra’isul wasaare Gacmadheere.

 

C/weli Xasan Gooni

Horseed Media-Garowe

gooni@horseedmedia.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaanbaxyo looga soo horjeedo Nuur Cadde Iyo Kenya oo ka socda Magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe.

 

Banaanbaxyo waa weyn ayaa maanta si wadajir ah uga socda Magaalooyinka Puntland oo idil waxaana looga soo horjeedo Nuur Xasan Xuseen, Raysalwasaarihii hore iyo Dawladda Kenya oo shalay sheegtay in ay Cunaqabateysay Madaxweyne Yuusuf.

 

Boqolaal dad ah ayaa iskugu soo baxay Xarunta Maamulka gobalka Nugaal, waxa ayna ka soo horjeedaan ama ay wataan Halku dhagyo looga soo horjeedo dawladda Kenya iyo Nuur Xasan Xuseen.

 

Dadweynaha ayaa sheegay in aysan dawladda Kenya ka tashan Aayaha iyo xiriirka ka dhaxeeya Shacbiga Puntland iyo Shacabkeeda, ayna qaadatay talaabo ka soo horjeeda Sharciyada caalamiga ah, ayna Puntland qaadi doonto talaabo aan ka yareysan mid ay shalay ku dhawaaqday.

 

Fagaarayaasha Magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe waxaa iskugu soo baxay dad badan, waxa ayna cabirayeen talaabadii ay qaaday dawladda Kenya ee u hiilineysa dhinac ka mid ah dhinacyada Siyaasada Soomaaliya, sidoo kale isla dadkan ayaa cambaareeyey talaabadii ay ku dhawaaqay Gudoomiyaha baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya ee uu ku sheegay in ay Codeeyeen ayna aqbaleen sii shaqeynta Raysalwasaare shaqada laga qaaday.

 

Banaanbaxyadan ayaa ku soo beegmaya xili ay shalay dawladda Puntland siweyn uga soo horjeesatay talaabadii uu qaaday Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe) iyo warkii dawladda Kenya ee ay kaga soo horjeestay Madaxweynaha Sooomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bayaan ka soo baxay Jaaliyadaha Dibada ee Puntlannd Gaar ahaan Denmarka iyo Sewden.

 

Arbaco 17. 12. 2008

 

Anagoo ku Hadlayna Magaca jaaliyadaha Dibada ee punlannd waxaanu qaadacnay ganafkana ku dhuifanay dhaleeco foolxuna dusha uga tuuraynaa Go,aankii been abuurkaahaa ee uu G/Baarlamanku ku dhawaaqay 15.12.08 waxuuna la mid yahay go,aankiiMarch 17, 2005: Gudoomiyaha baarlamaanka DFKMG, Shariif Xasan Sh Aadan, ayaa kulan uu Nairobi ku yeeshay baarlamaanka DFKMG

kaasoo ahaa been aan sal iyo raad lahayn.sidaas daraadeed anagoo tix raacayna qoraalka ka soo baxay Dowlad gobaleedka puntland 16. december 2008 APL

waxaanu Diidnay wixii ka soo baxay go,aankii been abuurkaahaa,waxaana uga digaynaa dhamaan wadamada Caalamka iyo wadamada Dariskaa in aan geeska afrika loo horseedin dhib iyo colaado hor leh.

Jaliydaha Puntland ayaa diiday oo ku tilmaamtay mid aan waxba ka jirin go'aankii lasheegay in ay shalay gaareen Baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana ay ku eedeeyeen Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Aaden Madoobe nin ku tuntay Axdi Qarameedka udagsan dawladda Soomaaliya.

Masuuliyiin ka tirsan Jaaliyadaha Dibada ee Puntland oo ka hadlayay magaalooyinka Gothenberg ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin warkii ka soo baxay Gudoomiyaha baarlamaanka Sooomaaliya, waxa ayna sheegeen in loo baahan yahay in laga taliyo Maslaxada Umada Soomaaliyeed.

Siyaasiin iyo Waxgarad ayaa sheegay in ay jiraan Xubno ka tirsan dawladda Soomaaliya oo aan dooneyn in ay nabad ka dhalato gudaha dalka Soomaaliya, kuwasoo mar walba doonaya in ay burburiyaan axdi qarameedka dawladda Soomaaliya.

 

" Waa in Gudoomiyaha baarlamaanku ka bixiyaa raali galin deg deg ah ugafida uu ugafay Sharciga udagsan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waayo wuxuu jabiyey Xeer hoosaadka baarlamaanka Soomaaliya" Ayuu yiri Salah Adam Cabdi-Oradheer oo u hadlay Jaaliyadaha Puntland ee kunool Denamrk iyo Sweden.

Sidoo kale waxaa lagu taageeray talaabadii uu qaaday Madaxweyne yussuf

Jaaliyada dibada ee Puntland ayaa soo dhaweysay talaabadii uu qaaday Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliyeed Md. C/laahi Yuusuf Axmed, waxa ayna sheegtay in talaabadii lugu magacaabay Raysalwasaare Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma dheere) ay ahayd talaabo horey loo qaaday.

 

Abwaan saalax oo ka mid ah Jaliyada Sewden ayaa tixyar ah u tiriyay Aadan madoobe wuxuuna ku bilaabay.

 

Alifyeen adduun waa socdee aadan bal u sheega

Allawshahakan baas iyo ka tagay amar ku dheeraadka

Ninba ururka dhow buu la iman ` eed wuxuu falaye

Ajashiin intii aanay iman toobadda ogaada.

 

Tayteen Allaa taajiroon tuna illoobeyne

Tawfiiqda nimuu siiyey baa tegey sariirtiiye

Tawxiidka iyo toobaddaa lagu tacjiilaaye

Tacabka u badsada Aakhiraa loo tukubayaaye’

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this