Sign in to follow this  
Emperor

Sheik Aweys: We could talk to A.Yusuf, Should he withdraw the Freign Troops

Recommended Posts

Emperor   

Xasan Daahir Uways oo sheegay inuu wada hadal la yeelan karo C/laahi Yuusuf , haddii uu ciidamada ajnabiga ah kasaaro Soomaaliya

 

Hogaamiyaha maxkamadihii Islaamiga ee awooddooda la wiiqay Sheekh Xasan Daahir Uways oo kasoo hadlayay meel aan la garanayn ayaa saxaafadda u sheegay in dawladda federaalka ay wada hadal la galayaan haddii ay dalka ka saarto ciidamada ajnabiga ee dalka kusugan.

 

Sheekh Xasan Daahir Uways ayaa sheegay in ciidamada maxkamadaha Islaamiga aysan yeeli doonin inay dalka sii joogaan ciidamo uu ku tilmaamay inay dalka kusoo duuleen.

 

Xasan Daahir Uways wuxuu sheegay inuu wada hadal la yeelanayo madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed haddii uu ciidmamada Itoobiya iyo kuwa Afrikaanka ahba kasaaro Soomaaliya.

 

Hogaamiyaha Maxkamadihii la riday Sheekh Uways wuxuu intaasi raaciyay inay sii wadayaan wax uu ku tilmaamay hal ganno ka dhan ah ciidamada ajnabiga ah ee dalka kusugan.

 

Mar wax laga waydiiyay Xasan Daahir Uways halka uu kusugan yahay inuu sheego waa uu ka gaabsaday, waxayse warar lagu kalsoon yahay sheegayana inuu kusugan yahay xudduudda u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this