Emperor Posted April 14, 2007 Xasan Daahir Uways oo sheegay inuu wada hadal la yeelan karo C/laahi Yuusuf , haddii uu ciidamada ajnabiga ah kasaaro Soomaaliya Hogaamiyaha maxkamadihii Islaamiga ee awooddooda la wiiqay Sheekh Xasan Daahir Uways oo kasoo hadlayay meel aan la garanayn ayaa saxaafadda u sheegay in dawladda federaalka ay wada hadal la galayaan haddii ay dalka ka saarto ciidamada ajnabiga ee dalka kusugan. Sheekh Xasan Daahir Uways ayaa sheegay in ciidamada maxkamadaha Islaamiga aysan yeeli doonin inay dalka sii joogaan ciidamo uu ku tilmaamay inay dalka kusoo duuleen. Xasan Daahir Uways wuxuu sheegay inuu wada hadal la yeelanayo madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed haddii uu ciidmamada Itoobiya iyo kuwa Afrikaanka ahba kasaaro Soomaaliya. Hogaamiyaha Maxkamadihii la riday Sheekh Uways wuxuu intaasi raaciyay inay sii wadayaan wax uu ku tilmaamay hal ganno ka dhan ah ciidamada ajnabiga ah ee dalka kusugan. Mar wax laga waydiiyay Xasan Daahir Uways halka uu kusugan yahay inuu sheego waa uu ka gaabsaday, waxayse warar lagu kalsoon yahay sheegayana inuu kusugan yahay xudduudda u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya. CCC Farayaamo AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites