General Duke Posted February 12, 2007 Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi oo soo gaaray magaalada Nairobi Somaliweyn Media Center (SMC) Nairobi 12/02/07 Midig Buubaa, gudomiyaha Maxkamada Sare Dr. Yusuf Harun oo isu diyaarinaya soo dhaweynta ra'iisul Wasaaraha Wafdi balaaran uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka kmg Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta kasoo dagay garoonka Diyaaradaha Wilson Airport, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Ismaaciil Maxamuud Hurre “Buubaa”, Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr. Yuusuf Axmed Haaruun, Safiirka Somalia ee dalka Kenya Md. Maxamed Cali Ameriko, Taliye kuxigeenka Booliiska Md. Bashiir Goobe iyo xubno kale oo ka tirsan dowlada Federaalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sii gudbi doona dalka France halkaasoo uu uga qeyb gali doono shir lagu wado inuu ka dhaco magaalada Paris oo ay isugu imaan doonaan dowladaha Afrika ee ku hadla Afka Fransiiska iyadoo dowlada Somalia lagu martiqaaday inay ka qeyb gasho shirkaasi. Prof. Geedi ayaa 24saac ee soo socda u duuli doona dalka France si uu ugu qeyb galo shirka dowladaha afrikaanka ee ku hadla afka faransiiska, waxaana lagu wadaa inta uusan ka bixin magaalada Nairobi inuu shir jaraa’id ku qabto dalka Kenya oo ku saabsan xaalada Somalia guud ahaan iyo heerka ay marayso dowladiisa. Ra’iisul Wasaare Geedi ayaa maalmahaanba ku hawlanaa magacaabista dhamaystirka hay’adaha kala duwan ee dowlada Federaalka sida Safaaradaha IWM, iyadoo shalayna ay golahiisa wasiirada Baasiyeen sharciga la dagaalanka Argagixisada iyo sidii dalka Somalia loogu qaban lahaa shir ay isugu imaanayaan bulshada qeybaheeda kala duwan. Dhanka kale waxaa maanta shirkii odayaasha beelaha uga soo dhamaaday magaalada Muqdisho Hotel Kaah kaasoo ay ku qaadanayeen siminaar ku saabsan sidii ay isugu keeni lahayeen beelaha kala dhib sheeganaya ee dhibaatada dhex martay taasoo lagu wado in dhawaan shirkaasi la iclaamiin doono goorta iyo halka lagu qaban doono. Safiirka Somalia ee Kenya Md. Ameriko oo soo dhaweynaya Ra'isul Wasare Gedi Wasiirka Arrimaha Dibadda Buubaa iyo Ra'iisul Wasare Geedi Diinaari iyo Prof. Geedi Midig Safiirka Somalia ee Kenya M. Ali Ameriko, dhexda Wariye Siidi, Bidix Afhayeenka Dowlada Md. C/raxmaan Diinaari Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 12, 2007 Midig Buubaa, gudomiyaha Maxkamada Sare Dr. Yusuf Harun oo isu diyaarinaya soo dhaweynta ra'iisul Wasaaraha Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 12, 2007 Safiirka Somalia ee Kenya Md. Ameriko oo soo dhaweynaya Ra'isul Wasare Gedi Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 12, 2007 Diinaari iyo Prof. Geedi Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 12, 2007 Midig Safiirka Somalia ee Kenya M. Ali Ameriko, dhexda Wariye Siidi, Bidix Afhayeenka Dowlada Md. C/raxmaan Diinaari Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jabarjaan Posted February 13, 2007 Diinaari Xaqii baa soo qabtoo shil intuu galay waa kaas gacanta laad-laadinayo, that is the least u would get for being ethio-********** Quote Share this post Link to post Share on other sites