Sign in to follow this  
General Duke

Carmo, magaalo ku dayasho mudan

Recommended Posts

Carmo, magaalo ku dayasho mudan W/Q:Cabdixakiim Jaamac Jooje

 

Posted to the MOL February 12, 2007, 11:24 pm

 

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayey korkiisa ahaatay.

 

Kadib burburki ku yimid dowladii dhexe ee Soomaaliya, sanadi 1991di, ayaa waxa dhacday in dad tiro baddan ay u qaxeen asal ahaan goboladii ay ka yimaadeen, halkaasoo ay ka bilaabeen nolol. Meelaha sida aadka ah loogu qaxay waxaa ka mid aheyd Deegaanada Puntland, gaar ahaan magaalooyinka Boosaaso, Laascaanood, Garoowe, Gaalkacayo, Qardho, Baran iyo kuwo kaloo baddan.

 

Qaxitaankaas loo qaxay deegaamadaas waxaa barbar socday iyagana magaalooyin yar yar oo aad iyo aad u dhismay. Magaalooyinkaas oo runti ka faa’ideystay aaga ay ku yaalaan iyo baahida loo qabay in la helo magaalooyin laga dhigto deegaan ama kuwo loo xagaa baxo.

 

Haddaba magaalooyinkaas waxaa ka mid ah magaalada Carmo, oo ah magaalo u dhaxeysa Boosaaso iyo Qardho. Carmo waa magaalo run ahaanti aad iyo aad u dhisantay, oo horumar ka sameysay dhinacyo baddan. Carmo waxey ka mid tahay magaalooyinka lagu dhisay qaab qordheysan ( City Planning ) taasoo soo jiidatay dadweyne aad iyo aad u tiro baddan, oo runti ku dhiiraday inay ka dhistaan guryo. Waxyaalaha kale ee aad loogu amaanay waxaa ka mid ah iyadoo uu u furan yahay inay maal gashadaan cid alla cidi daneyneysa, iyadoo aan loo eegeyn qabiil iyo halka uu kasoo jeedo.

 

Mashaariicda la taaban karo ee laga hirgaliyay, Carmo waxaa ka mid ah Akadeemiyada Booliiska, oo runtii loo dhisay qaab casri ah oo cid walba soo jiidaneysa. Waana runtii akadeemiyo loogu talagalay, in lagu tababaro, laguna xereeyo booliiska Soomaaliya, meel walboo ay ka yimaadaan.

 

Carmo waa magaalo ay runtii ka muuqato horumar lagu amaani karo, iyadoo runtii ka hormartay Degmooyin iyo magaalooyin fac weyn oo horey u jiray. Carmo magaalo ahaan waa magaalo da’yar, oo gebigeediiba waxaa la asaasay sanadihi 1997 – 1999ki. Horumarka ay sameyneyso Carmo, runti waa mid lagu amaani karo, lana oran karo waa magaalo ku dayasho mudan.

 

Inkastoo ay Carmo, tahay magaalo soo koreysa, oo sameyneysa horumar, haddana waxaad moodaa weli inaanay helin qeybtii degmo ahaan ay ku laheyd maamul Goboleedka Puntland. Haddaba waxaanu leenahay oo ka codsaneynaa maamul goboleedka Puntland inuu ku dhiirogeliyo magaalooyinka noocan ah ee iskood u sameeyay horumarka, si ay ugu deydaan magaalooyinka kale, oo uu weliba maamulku lagarab istaago baahiyahooda.

 

Qaabdhismeedka Carmo ayaa runtii ah mid la jaanqaadaya dhismayaasha casriga ah, weliba cabirka iyo waddoyinka dhinac walba ka mara magaalada.

 

Haddaba qormdeyda danbe ayaan kusoo qaadan doonaa, adeegyada magaalada Carmo iyo mustaqbalka yoolka ay higsaneyso, iyadoo waliba sawiro wadata.

 

Lasoco qeybta danbe

Wabilaahio Towfiiq

 

Cabdixakiim Jaamac Jooje

 

 

Social Development Adviser

saicentadv@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this