Sign in to follow this  
General Duke

Sudan ready to support TFG

Recommended Posts

Madaxweynaha Dowlada Sudan Omar Al Bashiir ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay taageeri doonto Dowlada Federaalka ee kumeel Gaarka ah ee Somaliya.

 

gediyobashiir.jpg

 

r454475805.jpg

 

Madaxweyne Al Bashiir ayaa kulan khaas ah la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha Somaliya Prof.Cali Maxamed Geedi oo safar ku jooga dalkaasi.

 

Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha amniga iyo waliba sidii ay Xukuumada Sudan uga qeyb qaadan lahayd taageerida Dowlada Somaliyeed.

 

[...Waxaan kuu xaqiijinayaa in Xukuumada Sudan ay taageero walba oo ay heli karto la garab istaagi doonto Dowlada Somaliya...] ayuu yiri Madaxweynaha Sudan Omar Al Bashiir oo la hadlayey Prof.Geedi.

 

 

Ra'iisul Wasaare Geedi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sudan Mohamed Ibrahim Al-Tahir

 

Ra'iisul Wasaaraha Somaliya Cali Maxamed Geedi ayaa safar sadex maalmood ah ku yimid Sabtidii lasoo dhaafay magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan.

 

Safaarada Sudan

 

Dowlada Sudan ayaa sidoo kale sheegtay in ay dib u furi doonto Safaaradii ay ku lahayd dalka Somaaliya, waana markii ugu horeysay oo uu dalka Sudan soo hadal qaado dib u furida xiriirkii Dib lumaasiyeed ee rasmiga ahaa ee uu la lahaa dalka Somaliya.

 

Jaamacada Carabta

 

Cali Geedi ayaa intuu uu joogay Khartuum sidoo kale la kulmay Madaxweyne kuxigeenka Ali Osman Taha, Wasiiro iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sudan Mohamed Ahmed Ibrahim Tahir.

 

Dhamaan xubnihii uu la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Somaliya ayuu ka codsaday in ay ka qeyb qaataan taageerada Sudan iyo Jaamacada Carabta ee xukuumada Federaalka Somaliya.

 

Ciidamada Sudan

 

Dowlada Sudan ayaa ka gaabsatay in ay wakhtigan ku biirto dowladaha ciidamada nabad illaalinta ah ee Midowga Afrika iyo IGAD usoo dirayaan dalka Somaliya.

 

Dowlada Sudan oo hada la tacaaleyso arrimaha gudaha iyo gobalka Darfur ayaa sheegtay in aysan wax ciidamo ah u diri doonin dalka Soomaaliya, balse ay diyaar u yihiin in ay taageero kasta oo ay awoodaan inay la garab istaagaan Dowlada Somaliya

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

alldarwiish@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

I give all my support to ShatiGudud, the man who helped the TFG in its entire existance. He hails from the region and has the full support of his people. He is also considered to be the man who freed Bay and Bakool from the status of captive society.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aden Madoobe would be good for the job but he filled the vacuum of the late Deerow I guess so he's content at the moment with his current job as constitutional minister, I guess although he was the 'original man' that was supported by the SRRC group in the run to the speaker of Parliament but he lost!

 

So shaatiguduud or kishbuur, I would guess! I think it will be more likely Ibraahim kishbuur!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this