Sign in to follow this  
Emperor

Puntland Admin condemned for extraditing civilians to Ethiopia

Recommended Posts

Emperor   

Ururka Midowga Qurba Joogta Soomaaliyeed oo fariin adag u diray Ummada reer Puntland.

 

Ururka Midowga Qurba Joogta Soomaaliyeed, (USD) ee saldhigiisu yahay Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, wuxuu aad uga xun yahay Canbaaraynayaana, dhacdada murugada leh ee ka dhacday Dhulka Puntland, in dad Soomaaliyeed oo Jooga dhulkoodii hooyo cadow loo gacan galiyo. Waxaan Tacsi gaar ah u diraynaa dhammaan eheladii iyo qaraabadii ay kadhasheen dadka la dhiibay, si guudna waxaan ugu tacsiyeynaynaa Ummadda Soomaaliyeed ee ka murugaysan ficilkaan tiiraanyada leh.

 

Waxaan aad ugu Mahad celinaynaa Culumada, Isimmada, Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo dhamaan Waxgaradka reer Puntland ee Baaqa Taariikhiga ah kasoo saaray 04/28/2008 Gobalka Bari. Baaqaas oo si toos ah u cambaaraynayey iibsigii Itoobiya laga iibsaday Maxamed Axmed Caafi (Dhiirre), iyo Cabdi Nuur Maxamed Sooyaan 04/22/2008 oo ahaa dad Soomaaliyeed. Sidaa si leeg waxaan ugu Mahad celinaynaa Abdalla Jaamac Jibriil oo Bisha May 2, 2008 BBC-da ka canbaareeyey isagoo ku sagan magaalada Gaalkacayo, sheegayna inay talaabo ka qaadidoon iibisaga sideeda dhalinyarada ah ee Gaalkacayo laga qafaashay loona dhiibay Gumaystaha Itoobiya 05/02/08.

 

___________________________

May 3, 2008 USD#0003

Minnesota USA

 

Ku : Isimada Maamul Goboleedka Puntland

: Culimada Maamul Goboleedka Puntland

: Siyaasiyiinta Maamul Goboleedka Puntland

: Aqoonyahanka Maamul Goboleedka Puntland

: Ganacsatada Maamul Goboleedka Puntland

: Shacabka Maamul Goboleedka Puntland

: Maamul Goboleedka Puntland

: Shacabka reer Soomaali Galbeed

 

Ka: Ururka Midowga Qurba Joogta Soomaaliyeed

 

UJEEDO: BAAQ

 

Ururka midowga Qurbajoogta Soomaaliyeed, kadib markuu ogaaday dhacdooyinka foosha xun ee soo noqnoqonaya ee ka dhanka ah Islaanimada, Soomaalinimada, Wadadhalashada, xiriirka, isdhexmarka, iyo ganacsiga, wuxuu ugu baaqayaa Ururku Isimada, Culimada,Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo dhamaan waxgaradka reer Puntland inay joojiyaan, is hor taagaana dadka Soomaaliyeed ee Maamulka Puntland kagadanayo Dowlada Itoobiya.

 

Isimmadu waa dadkii dhisay islamarkaana dhidibada utaagay Maamulka Puntland, sidaa daraadeed waxaan ugu baaqaynaa inay go'aan cad kaqaataan dhacdadan foosha xun, kana soo saaraan go'aan ay u dhanyihiin oo ay ku hor istaagayaan inaan qof danbe oo Soomaali ah oo jooga dhulka Puntland loo dhiibin Itoobiya. Sidoo kale waxaan Isimmada ugu baaqaynaa inay Maamulka Puntland ku cadaadiyaan inay shuruud la'aana usoo celiyaan dadka Soomaaliyeed ee laga taxaabtay Ciida Puntland. Isimmada waxaan kaloo ugu baaqaynaa inay dowlada Itoobiya fariin u diraan inay joojiso falalka ka dhanka ah, Soomaalinimada, wada dhalashada, ganacsiga iyo daris wanaaga ee ay ka wado shacabka reer Puntland iyo shacabka Soomaali galbeed dhexdooda, soona celiso dadkii loo gacan galiyey shuruud la'aan.Sidoo kale inay u cadeeyaan inaysan reer Puntland diyaar u ahayn colaad ka curata shacabka reer Puntland iyo shacabka reer Soomaali galbeed dhexdooda, ficilkoodana loo fasiran karo isku ***.

 

Culimada Soomaaliyeed ee jooga Puntland waxay ka midyihiin aasaasayaashii dacwada ka jirta Soomaaliya, miisaan wayna waxay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda, waxaan ugu baaqaynaa inay cadeeyaan waxay diinta Islaamku ka qabto u gacan galinta qof muslim ah cadow aan bad baadin doonin. Sidoo kale inay Fataawa qoran kasoo saaraan, kuna cadeeyaan xukunka qofka dhiiba qof islaama wuxuu noqonayo.

 

Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Puntland waxaan ugu baaqaynaa inay ka hor yimaadaan dhacdadaan ceebaysan ee aan qof damiir leh ka suuroobin. Waxaan ugu baaqaynaa inay ka hadlaan Saxaafada gudaha iyo dibadaba cadeeyaana Siyaasad ahaan dhibaatada ay mustaqbalka reebi karto dhacdadaanu. Waxaan u sheegaynaa Siyaasiyiinta inay arintani tahay fursad qaali ah oo soo martay, shacabka reer Puntland iyo ummada Soomaaliyeedna ay ku qiimayn doonaan barri mowqifka ay ka qaataan arintaan.

 

Ganacsatada reer Puntland oo ah laf dhabarta dhaqaale ee Maamul Gobaleedka Puntland, waxaan ugu baaqaynaa inay dad waynaha u cadeeyaan faa'idada ganacsi ee laga helayo isku xirnaanta iyo isu socodka Shacabka Soomaali Galbeed iyo haduu ganacsigaas istaago khasaare intee le'eg ayaa ka imaan kara. Waxaan kaloo ugu baaqaynaa inay cadeeyaan inaysan raali kanoqon doonin inuu Maamul kushaqeeya canshuurta ay bixiyaan uu ka ganacsado dadka Soomaaliyeed.

 

Shacabka reer Puntland ee nabada jecel waxaan ugu baaqaynaa inay ka dhiidhiyaan taxaabida laga taxaabayo dad Soomaaliyeed Guryahooda, hadii si kale loo dhigana iyaga martida u ah. Waxaan ugu baaqaynaa inay ku garab istaagaan cidkasta oo arintaas isu taagta sida: Isimmada, Culimada, Siyaasiga, Aqoon yahanka iyo Ganacsatada. Waxaan kaloo ugu baaqaynaa inaysan ka liidan lo'o gisida oo neefkii bahal ka qabsado aan uga harin ee inta kusoo rogmada qoob iyo qaylo iyo gees kaga soo rita. Waxaan idinku adkaynaynaa inaysin dhicin in qof 11aad laga hogaansado ciida Puntland.

 

Maamulka Gobaleedka Puntland waxaan ugu baaqaynaa inay ixtiraamaan rabitaanka shacabka ay matalaan iyo inay ilaaliyaan sharciga iyo qaanuunka u degsan Maamul Gobaleedka Puntland. Sidoo kale waxaan u sheegeynaa inay ogaadaan inay ayagu qaadidoonaan masuuliyada Natiijada ka dhalata ficilka ay ku kacayaan. Gaar ahaan waxaan u sheegeynaa inay ayagu masuul kanoqon doonaan wixii dhibaato ah oo shacab reer puntland uga yimaada ama kasoo gaara arintan.

 

Shacabka reer Soomaali galbeed waxaan ugu baaqaynaa in ay ogaadaan in aan shacabka reer Puntland iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed raali ka ahayn, kana noqon doonin dhacdadan qalafsan. Waxaan ugu baaqaynaa Shacabka reer Soomaali galbeed inay ka feejignaadaan hagardaamooyinka cadowgu uga gol leeyahay inuu dabka isugu dhiibo ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan labada shacab ee walaalaha ah.

 

Ugu danbayntii waxaan xasuusinaynaa dhamaan qaybaha sharafta iyo ixtiraamka mudan ee aan soo xusnay , in xil layska saaro joojinta ka ganacsiga banii'aadamka qardhiga kow iyo labaatanaad, loona maro xalinta mushkiladan qaab waafaqsan shareecada Islaamka Dhaqanka, Aqoonta Siyaasada iyo Caqliga saliimka ah.

 

Xasan Maxamed (Xasan Dhooye)

Gudoomiyaha Ururka Midowga Qurba Joogta Soomaaliyeed

Minnesota USA

unitedsomalid@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Baaq Cambaarayn Ah Oo ay Soo Saareen Waxgaradka Beesha *********** Ee Ku Dhaqan Muqdisho Iyo Kismaanyo...

 

Iyo Suldaan Axmed Cali Sonkor, oo kamid ah Odayaal dhaqameedka beesha ****** ee Koonfureed oo Ka hadlay Raggii Loo dhiibey Itoobiya

 

Waxgaradka,aqoonyahanka iyo Odayaasha beesha *********** ee ku dhaqan magaalada muqdisho iyo kismaanyo ayaa Baaq wadajir ah kasoo saaray xubno la sheegay in dhowaan loo dhiibay xukuumada ethiopia oo kasoo jeeda beesha ****** islamrkaana lagu eedeeyey jabhada ONLF taasoo ay sheegeen inay tahay mid ka baxsan xaquuqda bani aadamka iyo sharciga islaamkaba .

 

Baaqan ay wadajirka usoo saareen Odayaasha iyo waxgaradka beesha *********** ayaa cambaareeyey falkan waxashnimada ah islamrkaana aan hore loogu arag gudaha wadanka ama xeerka soo jireenka ah ee beelaha walaalaha ah ee beesha wada sheegta taasoo ay sheegeen inay cambaaraynayaan Kuwii falkaasi ka dambeeyey iyo weliba masuuliyiinta puntland .

 

Sidoo kale odayaasha iyo waxagardakan ayaa bayaankooda ku xusay inay aad uga xun yihiin arintan Foosha xun islamrkaana ay uga tacsiyeynayaan iyagoo shaaca ka qaaday inaysan marnaba raali ku noqon doonin dhibaatada ay sameeyeen maamulka puntland gaar ahaan kuwa masuuliyiin isku sheega ah ee u adeega Ethiopia .

 

Baaqan ay soo saareen waxagaradka ,odayaasha iyo aqoonyahanka beesha *********** ayaa waxaa ku saxiixnaa Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kala ah .

 

Ugaas Maxamuud Ugaas Xuseen (Baqow)

Caaqil Yuusuf Haybe Abokor

Dr C/risaaq Maxamuud Ibrahim(Raamaale )

Caaqil Salwiye Cali

Cabdi Xasan Xuseen

Maxamed Jaamac Xuseen

Maxamed Aadan Jiciir

Maxamed Axmed Qaalib

Siciid Maxamed Jaamac

G/dhexe Cabdikariim Cumar Xaashi

G/lle Maxamed Cabdulaahi Warsame

Cabdi Saleebaan Dirir

Cabdi Barkhadle Cashuur

Maxamed Ugaas Maxamuud Ugaas Xuseen( Baqow)

Iidle Maxamed Aadan

Aadan Siciid

Maxamed Boqor Muuse

Xuseen fanax

Axmed naasir (bidde)

cali Boobe cabdille

jaamac Suudi faarax

Wabilaahi Towfiiq

 

Suldaan Axmed Cali Sonkor oo Ka hadlay Raggii Loo dhiibey Itoobiya

 

Suldaan Axmed Cali Sonkor oo kamid ah Odayaal dhaqameedka beesha ****** ee deegaanada koonfureed ayaa ayaa sheegay inay arintaas rag loogudhiibey Itoobiya ay tahay mid aad u Fool xun oo cawaaqib xumo keeni karta islamrkaana Xumaato ku abuurtay haddii ay yihiin beesha ******, waa siduu hadalka u sheegaye oo uu Ku sheegay mid aan laga Fiirsan islamrkaana looga baahan yahay inay maamulka puntland oo uu sheegay inay Eeda leeyihiin hal beel ay arintaasi raali gelin ka Bixiyaan soona Celiyaan Xubnihii beesha ****** ee ay u dhiibeen ethiopia .

 

faytin yaasiin

yaasiinfaytin@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2008

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Sheikh Fu'aad Xaaji Nuur oo aan ka waraysanay raggii loo dhiibay ciidanka Itoobiya(Dhagayso)

 

DSC00092C.jpg]

Sheekh Fuaad oo uhadlay Culuma Puntland

 

 

Boosaaso:-Waxaa inoo suurta gashay inaan waraysi ka qabano mid ka mid ah culimada ku sugan Gobolada Puntlland gaar ahaan magaalada Boosaaso oo lagu magacaabo Sheikh Fu'aad Xaaji Nuur.

 

waxaana Sheikh Fu'aad Xaaji Nuur ka warasanay rag la sheegay in loo dhiibay ciidanka Itoobiya

 

Halkaan ka Dhagayso Waraysiga Sheikh Fuaad Xaaji Nuur

 

Dhagayso hadalki Sheekha

 

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this