Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

The 2 xassans arrive in galguduud.

Recommended Posts

xasantud.jpg

Sheekh Xasan Daahir iyo Xasan Turki oo ku sugan Gobolka G/guduud ciidamo iyo tikniko badana wata.

Warkii 06-Jun-2009 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk

Waxaa gaadhay Gobolka Galguduud labada wadaad ee awooda xoogan kuleh koonfurta Dalka Somalia labadan wadaad ayaa waxa ay gaadheen deegaankaasi iyagoo wata tikniko aad u fara badan iyo ciidamo kuwaas oo ay doonaayaan inay kaga saaraan Gobolka Galguduud wadaada Ehlu sunna waljamaaca.

 

 

Xasn Daahir Aweys ayaa waxa uu hadda yahay Gudoomiyaha ururka Xisbul Islaam waxaana uu kala wareegay Dr: Cumar Iimaan wadaadkan ayaa waxa uu doonayaa inuu lug ku tago magaalada uu kasoo jeedo ee Dhuusomareeb oo ay gacanta ku hayaan wadaada Ehlu sunna waljamaaca oo ka qabsaday Ururka Al-shabaab.

 

Labadan wadaad ee Xasan Daahir Aweys iyo Xasan Turki ayaa waxa ay shir la qaateen saraakiishii hogaaminaysay dagaalkii Wabxo ee lagaga qabsaday wadaada Ehlu sunna iyadoo labadan wadaad oo ahaa saraakiishoo xoogga dalka Somalia ay dejiyeen khariirada dagaalka sida ay noo xaqiijinayaan saraakiil ka tirsan Ururka Xisbul Islaam iyo Ururka Al-shabaab.

 

Labadan xisbi ayaa waxaa la mideeyay cudooda militery iyagoo inta badan dagaalada wada gala iskana barbar dagaalma iyagoo waqtiyadaasi guulo kasoo hooya dagaalada ay inta badan la galaan xoogga kasoo horjeeda ee Dawlada KMG ah ee Somalia iyo wadaada Ehlu sunna waljamaaca.

 

Isku soo wada duuboo labadan wadaad ayaa waxa ay doonayaan inay ka sifeeyaan Gobolka Galguduud wadaada Ehlu sunna waljamaaca iyadoo Xasan Daahir Aweys uu kasoo jeedo Gobolkaasi isagoo ku tilmaamay wadaada Ehlu sunna kuwo u adeegaya Ethiopia loona baahan yahay in laga sifeeyo Degmooyinka ay ku sugan yihiin.

 

Afnugaal News Desk

 

info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this