Sign in to follow this  
General Duke

TFG Police commanders return from UGANDA

Recommended Posts

Qaar Kamid ah Saraakiishii Boliska ee Ugandha Tababarka u Aaday oo Jowhar Kusoonoqday.

E-MAIL THIS PRINT THIS

 

Liibaan Cabdi Cali,Muqdisho

 

Taliyaha Ciidanka Boliska Jan. Cali madoobe

 

Waxaa shalay gelinkii dambe soo gaaray magaaladda jowhar qayb ka mid ah 65 Sargaal oo horaantii bishii hore u anba baxay magaalada kambaala ee dalka yugaandha halkaasoo ay ku soo qaateen tababar ciidan.

 

 

Saraakiishaan oo katirsan ciidan booliiska soomaaliyeed ayaa waxa ay kakala yimaadeen gobaladda jubooyiinka shabeeladda dhexe iyo gobalka banaadir iyagoo soo qaatay tababar la xiriira hormarinta xirfadooda ciidanimo.

 

 

Saraakiishaan oo soo gaaray magaalada jowhar ayaa waxaa hogaaminaya taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed ee uu magacaabay Ra'iisul wasaare (Geedi) Cali Maxamed Xasan(Cali Madoobe) wuxuuna sheegay mar uu war fidiyeenka lahadleyey in ay saraakiishaan soo qaateen tababar ciidan oo uu ku tilmaamay in ay wax badan ka soo faa'idaysteen wuxuuna sheegay in ay ka howlgali doonaan magaalada is lamarkaana ay tababaro siin doonaan maleeshiyooyinkii oo dhawaan lagu xareeyay Xerooyiinka Koongo iyo Mahadaay ee gobalka shabeelada dhexe.

 

 

Saraakiishaan oo ah kuwo ay soo aruuriyeen xubnaha ku fikirka ah Madax weyne C/laahi Yuusuf ayaa horaantii bishan ka ambabaxay Garoonka Cisileey ee Duleedka Magaalada Muqdisho iyagoo ambabaxoodana ay canbaareeyeen Saraakiil farabadan oo booliis ah oo ku kala sugan Magaalada Muqdisho iyo Gobalada dalka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliska Booliiska Soomaaliya oo laga furayo Jowhar

Jowhar:- Waxaa maalinimadii shalay soo gaaray magaalada Jowhar Taliya Booliiska Soomaaliyeed Gen.Cali Madoobe oo kasoo noqday safar uu ku tagay dalka Yugandha.

 

Taliyaha oo markii uu soo gaaray xarunta dowlada Soomaaliya ee Jowhar warsaxaafadeed qabtay ayaa sheegay in magaalada Jowhar laga bilaabay dhismaha Ciidamada Booliiska Qaranka.

 

Gen.Cali ayaa sheegay in hawlahaasi la bilaabay isla markaana Xarunta Booliiska Soomaaliyeed laga hirgelin doono magaalada Jowhar ee hada xarun u ah dowlada.

 

Taliyaha Booliiska ayey safarkiisa ku wehliyeen ugu yaraan 14 kamid ah 70kii sarkaal ee tababarka loogu diray dalka Yugandha.

 

Gen.Cali Madoobe ayaa saxaafada u sheegay in dhawaan ay saraakiisha kale soo gaari doonaan dalka Soomaaliya, isla markaana ka qeyb qaadan doonana dib u dhiska ciidamada Booliiska.

 

Magaalada Jowhar ayey horey uga socdaan dhismaha ciidamada Milatariga ayadoo la sheegay in diwaan gelinta iyo isu aruurinta Ciidamada Booliiska ay dhawaan bilaaban doonaan.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this