Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Somali President gets huge welcome in Puntland

Recommended Posts

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo si diiran loogu soo dhoweeyey Garoowe

 

 

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa saaka ka soo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyey.

 

Mas'uuliyiinta Dawladda Goboleedka Puntland iyo dadweyne aad u fara badan ayaa ka qayb galay soo dhoweynta madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

 

Madaxweynaha ayaa loo gudbiyey xarunta madaxtooyada ee magaalada Garoowe, waxana uu halkaas kula kulmay madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi, isimo, mas'uuliyiin ka tirsan golayaasha dawlad goboleedka Puntland iyo dadweyne aad u fara badan.

 

Madaxweynaha oo hadal kooban u jeediyey dadweynaha ayaa sheegay in uu Puntland u yimid sidii ay isu kaashan lahaayeen dawladda dhexe iyo dawlad goboleedka Puntland, isla markaasna Puntland loo badbaadin lahaa.

 

Wafdiga uu madaxweynuhu hoggaaminayo ayaa Puntland joogi doona muddo saddex casho ah.

 

Cabdinaasir Yaasiin

 

SBC Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe: Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland oo kulamo uga socdaan Xarunta Madaxtooyada Puntland.

27. juli 2007

 

Garoowe(AllPuntland)- Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Maanta Puntland ayaa waxa ay kulamo laqaadanayaan Madaxda Puntland.

 

Kulamadan oo ka socda Madaxtooyada Garoowe ayaa waxa ay yihiin kuwa Saxaafada loo diiday ayadoo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland sheegayaan in waxyaabaha laga wada hadlayo ka mid yihiin khilaaf mudooyinka jiray oo udhaxeeya dawlad gobaleedka Puntland.

 

Madaxweynaha dawlada Faderaalka ee Soomaaliya oo maanta sheegay in uu Puntland u yimid badbaadinta dawlad gobaleedka Puntland ayaa waxaa lasheegay in uu wado dadaalo in uu wax kaga qabto hawlaha ka socda deegaanada Puntland.

 

Wararka ayaa waxa ay kaloo sheegayaan in Wasiirada Puntland oo kulankaan fadhiya soo jeediyeen warbixino ku aadan xaaladaha siyaasadeed ee Puntland,inkastoo aan la shaacin warka arintaan tilmaamaya.

 

Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu safarkiisu ku soo beegmay xili dhawaana Madaxweyne Cade Muuse xilkii ka qaaday Axmed Cabdi Xaabsade wasiirkii arimaha gudaha ,ayadoo lafilayo in arintaasi wada hadal lugu dhameeyo.

 

Waxaa sidoo kale jira laga wada hadlayaa xiriirka Puntland iyo dawlada Faderaalka ee Soomaaliya sidii loo sii ambaqaadilahaa ,isla markaana loo fulinlahaa waxyaabaha kala xadidaya maamulka gobaleedka iyo Dawlada Dhexe.

 

Dawlada Soomaaliya iyo Puntland ayaa waxa ay horay heshiis uga gaareen waxyaabo badan oo soo kala dhexgalay ,ayadoo wafdigii ugu danbeeyey ee ka socda wasaarada gaashaandhiga Dawlada Soomaaliya aysan wax heshiis ah kala saxiixan dawlada Soomaaliya iyo Puntland ayadoo waxyaabaha sida weyn looga wada hadlayo ay ka mid tahay.

 

Madaxda Puntland iyo Wafdiga dawlada Soomaaliya ayaa lafilayaa in warsaxaafadeed kulamadan ku aadan soo saarayaan ,markii ay soo dhamaadeen dhamaan kulamada Wafdigu la yeelanayaan masuuliyiinta kala duwan.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe: Wafdiga dawlada FKMGS iyo Madaxda Puntland oo wada hadal xasaasi ah yeeshay..Warbixin kooban....

27. juli 2007

 

 

Garoowe(AllPuntland)- Shir labo geesood ayaa wuxuu caawa ka dhacay Madaxtooyada Puntland ee Garoowe wuxuuna dhexmaray Wafdigii ka socday dawlada Faderaalka ee Soomaaliya iyo Madaxda Puntland.

 

Maamulka Puntland dhinacooda waxaa kulankan udhafiyay Madaxweynaha Puntland Gen.Cade Muuse ,wasiirada maaliyada,waxbarashada ,kulluumeysiga iyo kheyraadka badda,arimaha haweenka ,shaqada iyo shaqaalaha,warfaafinta iyo dalxiiska,wasiiru dawlaha amniga,cadaalada iyo arimaha diinta iyo Taliyaha ciidamada daraawiishta S/Guuto. Cabdisamad Cali Shire.

 

Dhinaca dawlada faderaalka ee Soomaaliya waxaa kulankaan ujoogay Madaxweynaha dawlada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ,Xildhibaan C/risaaq Cismaan Juurile,Xildhibaan Cali Baashi ,Xildhibaan C/rixmaan Cabdala kana mid ah golaha wasiirada,Xildhibaan C/rishiid Maxamed Cabdi (Ciro) iyo Amaanduulaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed S/guuto. Cabdi Xasan (Xijaar).

 

Shirkaan labo geesood ka ah waxaa shir gudoominayay Madaxweynaha dawlada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed .

 

Ugu horeyn kulankaan waxaa warbixin ku aadan xaaladaha kala duwan ee Soomaaliya ka soo jeediyay Madaxweynaha dawlada Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa wuxuu si gaar ah uga hadlay waxqabadka dawladiisa intii ay tagtay Muqdisho,Shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaalida.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in amaanka Magaalada Muqdisho yahay waqtigan mid soo hagaagaya isagoo Madaxweynuhu sheegay in wali jiraan kooxo meelaha qaarkood bambo gacmeedyo soo tuura ,dawladuna ladagaalamayso.

 

Madaxweyne Yuusuf wuxuu kaloo sheegay in shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed uu si wanaagsan uga socda Xarunta gaadiidka Booliska Banaadir ayadoo kulankaasina Madaxweynaha dawlada Soomaaliya ku tilmaamay mid ladoonayo in wax looga qabto dhibaatada Soomaaliya ka jirtay 17 sanno mudo dhan.

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in shirka Muqdisho ay joogaan dhamaan beelaha Soomaaliya daga ,xataa kuwa dagan gobalada Somaliland la baxay.

 

Md.Yuusuf ayaa wuxuu ka warbixiyay ujeedka ay uyimaadeen Magaalada Garoowe isagoo ku sheegay in ay tahay ,markii ay soo gaareen cabasho ka imaaneysay qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland taasoo ay doonayaan in ay kala hadlaan Madaxda Puntland.

 

Madaxweynaha Puntland oo ugu horeyn mahadcelin ujeediyay wafdiga dawlada Soomaaliya ayaa ka warbixiyay xaaladaha kala duwan ee Puntland isagoo sheegay in dhamaan xaaladuhu yihiin kuwa dagan oo aysan waqtigan jirin wax ka baxsan xaaladaha guud ee Soomaaliya.

 

Gen.Cade Muuse ayaa sheegay in aysan jirin wax khilaaf oo soo kala dhexgalay golayaasha dawlad gobaleedka Puntland isagoo Cade Muuse sheegay in waxyaabihii ugu danbeeyey ee heshiis laga gaaro ay ahaayeen khilaafkii soo kala dhexgalay Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo Gudoomiyaha Maxkamada sare Axmed Siciid ayadoo buu yiri khilaafkaasi la soo afmeeray.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa wuxuu arimaha Puntland ku tilmaamay kuwa inta badan dagan ,ayagoo buu yiri wax kaliya ee ay shacabku ka cabanayaan ay tahay sicir bararka ee ka jira deegaanada Puntland kaasoo oo uu Madaxweynaha ku tilmaamay mid Soomaaliya oo dhan ka jirta.

 

Waqtiga ay jireyso Xukuumada Puntlad ayaa waxaa Madaxweynaha Soomaaliya sheegay in dadku leeyihiin waa 3 sanno ,halka qaarna leeyihiin 4 sanno,balse wasiirada Maaliyada iyo Waxbarashada Puntland ayaa waxa ay soo bandhigeen dastuurka Puntland oo dhigaya jiritaanka golayaasha Puntland in uu yahay 4 sanno.

 

Wasiirka Maaliyada Puntland ayaa sheegay in waxyaabaha hortaagan qaadida afti dadweyne iyo furitaan Xisbiyo siyaasadeed ay tahay hubka faraha badan ee yaala gobalada dawlad gobaleedka Puntland oo ay la wadaagaan guud gobalada Soomaaliya.

 

Dr.Maxamed Cali Yuusuf iyo Axmed Siciid Aw-Nuur ayaa waxa ay siweyn usheegeen in loo baahan yahay in laqaado talaabooyin dheeraad ah oo wax looga qabanayo xaaladaha amniga ee Puntland si bay yiraahdeen loo hirgaliyo qaadida Afti dadweyne iyo furitaanka Xisbiyo siyaasadeed.

 

Madaxdii Puntland ee ka hadashay ee kulankaasi ayaa waxa ay sheegayaan in ay ka go'an tahay taageerida dadaalada dawlada Faderaalka ee Soomaaliya ay ka wado Soomaaliya ayna soo dhaweynayaan wax walba oo talaabo.

 

Puntland waxa ay kaga jawaabtay wararka la gaarsiiyay Madaxweynaha dawlada Soomaaliya in ay ka danbeeyeen qaar ka mid ah golayaasha dawlada Faderaalka ee Soomaaliya iyo dad leh dano siyaasadeed oo ka soo horjeeda midnimada Puntland.

 

Inkastoo kulankaan ay hadalo ka soo jeediyeen Madax fara badan oo ka qeybgashay ayaa waxaa hadana uu ku soo dhamaaday jawi wanaagsan ayadoo lafilayo in mar kale beri subax shirku furmo.

 

Faarax C/qaadir Geylan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Dowlada Fedaralaka Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhoweeyay caasimada Puntland ee Garoowe

 

Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa saakay ka degay xarunta Maamul goboleedka Puntland ee Garoowe halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

 

 

 

Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa saakay ka degay xarunta Maamul goboleedka Puntland ee Garoowe halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay

 

Madaxweyne Cabdullaahi yuusuf Axmed iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo gudbiyay markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee Garoowe xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe halkaasi oo ay dadweyne fara badan ku soo dhoweeyeen.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa dadweynihii halkaasi ku soo dhoweeyay u sheegay in ujeedada socdaalkiisa ay tahay sidii uu u dejin lahaa xiisadaha ka taagan Puntland, xoojinta xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka, wuxuuna mahad celin ballaaran u jeediyay dadweynaha iyo mas’uuliyiinta Puntland ee halkaasi ku soo dhoweysay.

 

Madaxweyne Yusuf ayaa wuxuu sheegey Mudo Sadax maalmood ah inuu Puntland ku sugnaan doono isagoo kulamo kala duwan la qaadan doono Madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse, Golaha Wasiirada, Golaha wakiillada, isimada Puntland iyo waxgaradka kale.

 

Ujeedada ugu weyn ee safarka Madaxweynaha dowladda KMG ayaa ah sidii uu Madaxda Puntland iyo wax garadkeeda ugu adkeen lahaa in ay usuurtoobin cadowga maleegaya burburinta puntland.

 

 

Wixii war ah ee kusoo siyaada kala soco shabakada carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Dowlada Fedaralaka Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhoweeyay caasimada Puntland ee Garoowe

 

Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa ka degay xarunta Maamul goboleedka Puntland ee Garoowe halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

 

Madaxweyne Cabdullaahi yuusuf Axmed iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo gudbiyay markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee Garoowe xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe halkaasi oo ay dadweyne fara badan ku soo dhoweeyeen.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa dadweynihii halkaasi ku soo dhoweeyay u sheegay in ujeedada socdaalkiisa ay tahay sidii uu u dejin lahaa xiisadaha ka taagan Puntland, xoojinta xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka, wuxuuna mahad celin ballaaran u jeediyay dadweynaha iyo mas’uuliyiinta Puntland ee halkaasi ku soo dhoweysay.

 

Madaxweyne Yusuf ayaa wuxuu sheegey Mudo Sadax maalmood ah inuu Puntland ku sugnaan doono isagoo kulamo kala duwan la qaadan doono Madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse, Golaha Wasiirada, Golaha wakiillada, isimada Puntland iyo waxgaradka kale.

 

in laga hortago Musuq maasuqa oo reer Puntland ayaa ka biyo diidsan Makiinadaha lacagta daabaca makiinadahaasi oo ukeenay sicir barar gobolada Puntland.

 

Booqashada C/llaalhi Yuusuf ee Garowe ayaa ku soo beegmaysa xilli uu qalalaaso la xidhiidha sicir barar uu ka oogan yahay deegaanada maamul gobolleedka Puntland, iyadoo dadweynaha reer Garowe ay magaaladaasi ka dhigeen mudaaharaad rabshado wata oo ay uga andacoonayeen sicir bararka ku baahay degaannada Puntland,

 

mudaaharaadkaasoo sababay dhaawac dad rayid ah iyo ciidamada Puntland, iyadoo sidoo kale xayiraad ku soo rogay goobaha ganacsiga iyo howlaha maamulka Puntland.

 

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland Jen. Cadde Muuse ayaa ku eedeeyey arrimaha Garoowe ka soo ururka Islaamiga ah ee Al-islaax iyo Maxaakiimtii Islaamiga ah kuwaas oo uu sheegay in ay doonayaan in ay qas ka sameeyeen maamulka Puntland.

 

Ujeedada ugu weyn ee safarka Madaxweynaha dowladda KMG ayaa ah sidii uu Madaxda Puntland iyo wax garadkeeda ugu adkeen lahaa in ay usuurtoobin cadowga maleegaya burburinta puntland.

 

Jaamac Faarax

 

 

AllSomali Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

The President of the Transitional Federal Government of Somalia makes an Official Visit to Puntland

Saturday, 28-Jul 2007

 

The President of the Transitional Federal Government of Somalia (TFG), H.E. Abdullah Yusuf Ahmad arrived in Garowe, Puntland on a three-day official visit, the main objectives of the visit are to hold talks with Puntland President and Government, to meet traditional community leaders, business Leaders, members of the Puntland Parliament and the general public.

 

The President was received at the airport by the President of Puntland State of Somalia H.E. Mohamud Musse Hersi, the Speaker of the Puntland Parliament Hon. Ahmed Ali Hashi, Puntland Government officials, members of the Puntland Parliament, and local government officials. The visiting delegation was taken to the presidential offices in Garowe for a reception.

 

H.E. Mohamud Musse Hersi made a short speech welcoming President Yusuf and his delegation to Puntland.

President Yusuf thanked the Government of Puntland and its people for their warm welcome. President Yusuf stated, “We come here to see you and to talk to the Puntland Government, to thank you for your support to the cause of Somalia as a nation, we will also share with you the progress that federal government has made in terms of security and national reconciliation.

 

The talks between the TFG delegation and the Puntland Government will focus on issues related to security, and cooperation between the two governments.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this