Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso: Habo Tuna Factory + boat making project..PICS

Recommended Posts

Warshad cusub oo Kaluunka ah oo laga furi doono Xaabo Puntland (Daawo Sawirada)

Last Updated::2008-04-04 22:36:15

 

Bosaso(HR Media):-Waxaa dhawaan lagu wadaa in magaalada Xaabo ee gobalka Bari ee Puntland dalka Soomaaliya laga furo warshad aad ubaaxad weyn oo ah nooca kaluunka soo saarta.

 

Shirkaddan oo loogu magacdaray Habo Tuna Factory ayaa ah mid hab casri ah loo dhisay isla markaana waxaa lagu qalabeeyey qalab kala gedisan oo warshadan wax soo saarkeeda sare u qaadi doonta wax soo saarka guud ee Kaluumeysatada Soomaaliyeed.

 

Shirkada Habo Tuna Factor waxay Shaqo bilaabi doontaa bisha September 2008, Waxayna ku Taalaa Degmada Xaabo una Jirtaa 60km Degmada Caluula ee Gobolka Bari.

 

Warshada oo dhawaan lasoo gaba gabeeyey dhismaheeda ayaa waxaa hada dalka soo gaaray qalabkii warshadan lagu raki lahaa kaasi oo ah mid aad u faro badan isuguna jira noocyada kala gedisan ee sameeya qasacadaha kaluunka, nadaafadda, qaboojiyayaal iyo qalab kale.

 

Waxayna noqon doontaa warshada ugu wayn una casrisan ee laga hergaliyo dalka Soomaaliya.

 

 

Wax soo saarkeeduna waxay noqon doontaa Maalintii in lagu xisaabtamo 2000 kartoon oo qasadaha tuunada ah Yar yar iyo waa wayn. Midaasi oo ka dhigeysa warshadan tan ugu wax soo saar badan dalka Soomaaliya.

 

 

Waxaa lagu wadaa in shirkadan ay u shaqo tagi doona shaqaale tiradoodu dhantahay 1500 oo qof si toos ah iyo si dadban iyo 150 saxiimadood oo bada ka shaqayn doona.

 

Tilaabadan ayaa si weyn ay shacabka gobalka Bari iyo guud ahaa Puntland usoo dhaweeyeen ayadoo la filayo in dhaqaale iyo shaqo abuurba ku soo kordhiso dhamaan deegaanada Puntland iyo dhamaanba Soomaaliyoo dhan.

 

Horseed Media

Bosaso, Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkada Habo Tuna Factor waxay Shaqo bilaabi doontaa bisha September 2008, Waxayna ku Taalaa Degmada Xaabo una Jirtaa 60km Degmada Caluula ee Gobolka Bari.

 

Warshada oo dhawaan lasoo gaba gabeeyey dhismaheeda ayaa waxaa hada dalka soo gaaray qalabkii warshadan lagu raki lahaa kaasi oo ah mid aad u faro badan isuguna jira noocyada kala gedisan ee sameeya qasacadaha kaluunka, nadaafadda, qaboojiyayaal iyo qalab kale.

 

Waxayna noqon doontaa warshada ugu wayn una casrisan ee laga hergaliyo dalka Soomaaliya

How far is it from Bossaos?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Peace-action, that is deep Bari. Bari is a huge region with very long coast.

 

We need many factories to drive up the quite steady growth of Somalia's economy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this