General Duke Posted April 4, 2008 Warshad cusub oo Kaluunka ah oo laga furi doono Xaabo Puntland (Daawo Sawirada) Last Updated::2008-04-04 22:36:15 Bosaso(HR Media):-Waxaa dhawaan lagu wadaa in magaalada Xaabo ee gobalka Bari ee Puntland dalka Soomaaliya laga furo warshad aad ubaaxad weyn oo ah nooca kaluunka soo saarta. Shirkaddan oo loogu magacdaray Habo Tuna Factory ayaa ah mid hab casri ah loo dhisay isla markaana waxaa lagu qalabeeyey qalab kala gedisan oo warshadan wax soo saarkeeda sare u qaadi doonta wax soo saarka guud ee Kaluumeysatada Soomaaliyeed. Shirkada Habo Tuna Factor waxay Shaqo bilaabi doontaa bisha September 2008, Waxayna ku Taalaa Degmada Xaabo una Jirtaa 60km Degmada Caluula ee Gobolka Bari. Warshada oo dhawaan lasoo gaba gabeeyey dhismaheeda ayaa waxaa hada dalka soo gaaray qalabkii warshadan lagu raki lahaa kaasi oo ah mid aad u faro badan isuguna jira noocyada kala gedisan ee sameeya qasacadaha kaluunka, nadaafadda, qaboojiyayaal iyo qalab kale. Waxayna noqon doontaa warshada ugu wayn una casrisan ee laga hergaliyo dalka Soomaaliya. Wax soo saarkeeduna waxay noqon doontaa Maalintii in lagu xisaabtamo 2000 kartoon oo qasadaha tuunada ah Yar yar iyo waa wayn. Midaasi oo ka dhigeysa warshadan tan ugu wax soo saar badan dalka Soomaaliya. Waxaa lagu wadaa in shirkadan ay u shaqo tagi doona shaqaale tiradoodu dhantahay 1500 oo qof si toos ah iyo si dadban iyo 150 saxiimadood oo bada ka shaqayn doona. Tilaabadan ayaa si weyn ay shacabka gobalka Bari iyo guud ahaa Puntland usoo dhaweeyeen ayadoo la filayo in dhaqaale iyo shaqo abuurba ku soo kordhiso dhamaan deegaanada Puntland iyo dhamaanba Soomaaliyoo dhan. Horseed Media Bosaso, Puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 4, 2008 Shirkada Habo Tuna Factor waxay Shaqo bilaabi doontaa bisha September 2008, Waxayna ku Taalaa Degmada Xaabo una Jirtaa 60km Degmada Caluula ee Gobolka Bari. Warshada oo dhawaan lasoo gaba gabeeyey dhismaheeda ayaa waxaa hada dalka soo gaaray qalabkii warshadan lagu raki lahaa kaasi oo ah mid aad u faro badan isuguna jira noocyada kala gedisan ee sameeya qasacadaha kaluunka, nadaafadda, qaboojiyayaal iyo qalab kale. Waxayna noqon doontaa warshada ugu wayn una casrisan ee laga hergaliyo dalka Soomaaliya How far is it from Bossaos? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Geel_jire Posted April 4, 2008 mashalaah good to see progress back home Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action Posted April 5, 2008 http://www.fallingrain.com/world/SO/3/Xabo.html Quote Share this post Link to post Share on other sites
Koora-Tuunshe Posted April 5, 2008 Peace-action, that is deep Bari. Bari is a huge region with very long coast. We need many factories to drive up the quite steady growth of Somalia's economy. Quote Share this post Link to post Share on other sites