Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Sharif Vs Sharif

Recommended Posts

Waxaa khilaaf soo kala dhexgalay masuuliyiinta Ururka dibu xoraynta Dalka Somalia ee Jabuuti fadhigoodu yahay iyagoo khilaafkaasi uu ka dhashay kadib markii dhawaan ay heshiis la saxeexeen Dawlada KMG ah ee Somalia kuna kala saxeexdeen magaalada Jabuuti ee Djibouti.

 

 

Khilaafkan ayaa waxa uu yimi kadib markii ay timi in la qorsheeyo qaabka loo qaybinayo xubnaha kamid noqonaya Golaha Baarlamaanka ee lasiiyay mucaaradka Dawlada KMG ah ee Somalia taas oo ay si wayn isaga hor yimaadeen labada Shariif ee hogaaminaya Mucaaradka Dawlada KMG ah ee Somalia.

 

Wararka kasoo baxaya halkaasi ayaa waxa ay sheegayaan in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu soo jeediyay in Golaha Baarlamaanka ee lasiiyay mucaaradka Dawlada KMG ah ee Somalia loo qaybiyo qaab 4.5 kaas oo xusay in Beelaha Soomaaliyeed oo idil ay iska dhex arki karaan shaashada Baarlamaankan cusub ee dhawaan lasoo dhisayo.

 

Dhanka kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu xusay in aan sidaa loo qaybin ee lasiiyo mucaaradka xubanahan laguna salayn qaabka 4.5 ee lagu saleeyo mucaardka Dawlada KMG ah ee Somalia taas oo loo eegayo qaabka dadka kasoo horjeeda Dawlada KMG ah ee Somalia uuna ka dhashay khilaaf xoogan oo hadda ka taagan Jabuuti.

 

Hadaba khilaafkan soo kala dhex galay labada Shariif ee mucaaradka ku ah Dawlada KMG ah ee Somalia ayaa waxa uu yahay mid yimi kadib markii Dawlada KMG ah ee Somalia masuulo ka socdaa ay heshiis la galeen mucaaradka kaas oo mucaaradka loogu ogaalano inay qayb ka noqdaan Dawlada KMG ah ee Somalia.

 

 

Afnugaal News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheikh sharif ba saxsan 270 mucaraadka leh.

kuwa baydhaba jooga shaqo kuma laha ama 4.5 ka halka lugu soo dhoodhoobay . tiiro kordhintan barlamaanka jabuuti ba lugu sameeye oo lugu heeshiyee marka mucuraadka leh marka mucaaradda t f g ka so hor jeeda aya oo taala ama hayb beeled mucaardku ha oo qeybsado ama habb diin . ama hadu alla ku roonyahay habb siyaasaded oo aan qabil ku salaysneyn laakin 4.5 baydhabo shaqo kuma leh wa mucaraad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this