Jacaylbaro Posted December 10, 2008 Waxaa khilaaf soo kala dhexgalay masuuliyiinta Ururka dibu xoraynta Dalka Somalia ee Jabuuti fadhigoodu yahay iyagoo khilaafkaasi uu ka dhashay kadib markii dhawaan ay heshiis la saxeexeen Dawlada KMG ah ee Somalia kuna kala saxeexdeen magaalada Jabuuti ee Djibouti. Khilaafkan ayaa waxa uu yimi kadib markii ay timi in la qorsheeyo qaabka loo qaybinayo xubnaha kamid noqonaya Golaha Baarlamaanka ee lasiiyay mucaaradka Dawlada KMG ah ee Somalia taas oo ay si wayn isaga hor yimaadeen labada Shariif ee hogaaminaya Mucaaradka Dawlada KMG ah ee Somalia. Wararka kasoo baxaya halkaasi ayaa waxa ay sheegayaan in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu soo jeediyay in Golaha Baarlamaanka ee lasiiyay mucaaradka Dawlada KMG ah ee Somalia loo qaybiyo qaab 4.5 kaas oo xusay in Beelaha Soomaaliyeed oo idil ay iska dhex arki karaan shaashada Baarlamaankan cusub ee dhawaan lasoo dhisayo. Dhanka kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu xusay in aan sidaa loo qaybin ee lasiiyo mucaaradka xubanahan laguna salayn qaabka 4.5 ee lagu saleeyo mucaardka Dawlada KMG ah ee Somalia taas oo loo eegayo qaabka dadka kasoo horjeeda Dawlada KMG ah ee Somalia uuna ka dhashay khilaaf xoogan oo hadda ka taagan Jabuuti. Hadaba khilaafkan soo kala dhex galay labada Shariif ee mucaaradka ku ah Dawlada KMG ah ee Somalia ayaa waxa uu yahay mid yimi kadib markii Dawlada KMG ah ee Somalia masuulo ka socdaa ay heshiis la galeen mucaaradka kaas oo mucaaradka loogu ogaalano inay qayb ka noqdaan Dawlada KMG ah ee Somalia. Afnugaal News Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 10, 2008 Sheikh sharif ba saxsan 270 mucaraadka leh. kuwa baydhaba jooga shaqo kuma laha ama 4.5 ka halka lugu soo dhoodhoobay . tiiro kordhintan barlamaanka jabuuti ba lugu sameeye oo lugu heeshiyee marka mucuraadka leh marka mucaaradda t f g ka so hor jeeda aya oo taala ama hayb beeled mucaardku ha oo qeybsado ama habb diin . ama hadu alla ku roonyahay habb siyaasaded oo aan qabil ku salaysneyn laakin 4.5 baydhabo shaqo kuma leh wa mucaraad Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fabregas Posted December 11, 2008 I thought you meant: this guy: http://uk.youtube.com/watch?v=1n6ZnaJEV-o&feature= related vs this guy: http://uk.youtube.com/watch?v=N4iZi05BpY4 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Resistance Posted December 11, 2008 ^ Abu Diapy was shite xalayto. and how come they have not lebelled him yet as terrosit yet, Quote Share this post Link to post Share on other sites