Sign in to follow this  
Liibaan

Dayniile: Sharif oo ka Daray C/Yusuf,oo sidoo kale Dalbaday Ciidamo Shisheeye iyo Hub

Recommended Posts

Liibaan   

DAYNIILE ONLINE: Madaxweyne Sheekh Shariif oo sida Madaxweynihii ka horeeyay ee C/llaahi Yusuf ka badin la Ciidamo Shisheeye iyo RaadinHub iyo in Cunaqabataynta Hubka laga qaado Soomaaliya…

 

Madaxweyne Sheekh Shariif oo sida Madaxweynihii ka horeeyay ee C/llaahi Yusuf ka badin la Ciidamo Shisheeye iyo RaadinHub iyo in Cunaqabataynta Hubka laga qaado Soomaaliya…

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh axmed ayaa qaylo dhaan iskugu jirta Ciidan Raadin, Hub Raadin iyo in laga qaado Cunaqabataynta Hubka ka Jeediyay Kulanka Qaramada Midoobey ee ka furmay Magaalada New York, Shalay.

 

 

Dad badan waxay is waydiin karaan Maxay is dhamaan Madaxweyne Yusuf iyo Mdaxweyne Shariifka hadii uu taaganyahay halkii uu taagnaa 2004-Tii Madaxweynihii Hore Soomaaliya Yusuf ee ahaa in 20-Kun oo Ciidamo ah la keeno Soomaaliya, halka maanta Shariifka uu Dalbanayo Ciidamo iyo in Cunaqabataynta Hubka laga qaado Soomaaliya’ oo la Ogyahay Dhibaatada ay u keentayHubka Sharci darada ah ee yaala 20-kii sano ee la soo dhaafay.

 

 

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ka dalbaday Golaha Ammaanka si loo helo Ciidamo suga Ammaanka Dowladda ay haboon tahay in la qaado Xayiraada Hubka ee uu horay Golaha Ammaanka muddo hada laga joogo 17-sano ka hor ku soo rogay.

 

 

Sheekh Shariif, wuxuu sheegay in qaadintaanka Cunaqabateynta hubku uu Muhiim u yahay dib u dhisida waxa uu ugu Yeeray ciidamada Amniga ee Somalia, waxa uuna sii raaciyay

 

 

“ Waxaan ku boorinayaa Golaha Ammaanka inay dib u eegaan qaraarkii cunqabateynta hubka ee Somalia, oo ay naga caawiyaan dib-dhiska hay’adaheena Ammaanka.

 

 

Xili walbaa Saacad walbaa iyo maalin walba ayay Ciidamada Ugandha kuwa Dowlada u soo dagaan Hubka Nuucyadiisa kala duwan, ayaga oo u soo mara Cirka Bada, balse dadka u dhuun daloola arimaha amaanka ayaa la yaaban sida uu Madaxweyne Shariifka oo laga sugayay Dajinta xalka Soomaaliya uu haatan Caalamka uga Codsanayaa in Cunaqabataynta Hubka laga qaado Soomaaliya, taasi oo lagu Macneeyay baasiin ay Beesha Caalamka ku sii shubayso dabka ka socda Soomaaliya.

 

 

Sheekh Shariif, wuxuu mar uu ka hadlayay arrimaha Dibuheshiisiinta sheegay in inkastoo dowladiisu ay sii wadayso hanaankii Dibuheshiisiinta, balse kooxaha Mucaaradka ay ka go’an tahay bur-buriyta Dowladiisa.

 

 

wuxuu sheegay in waqtiyada qaarkood dagaalada kooxaha mucaaradka ay Hogaamiyaan dad Ajanabi ah. Shariif wuxuu xusay inuu diyaar u yahay inuu sii wado wadahadal uu la galo kooxaha Mucaaradka.

 

 

Sheekh Shariif wuxuu ka hadlay xaallada bini’aadanimo ee Somalia oo uu ku tilmaamay mid sii liidanaysa. In kabadan 3 malyuun oo qof ayuu Madaxweyne Shariif sheegay inay ku dhibaataysan yihiin Somalia, gaar ahaa koonfurta kuwaas oo u baahan gargaar bini'aadanimo oo deg-deg in lala gaaro.

 

 

Laba bil ka hor ayay ahayd markii Hub gaaraya 40-tan balse la sheeghay in uu ka badnaa ay Dowlada Maraykanka ugu Deeqday Soomaaliya taasi oo iskugu jiray qoryaha ARBJ-ga ee loo Yaqaano sabanka iyo kan BKMka ee dabajeexa loo yaqaano’ kuwaasi oo laga soo Dajiyay Markab balse wali aan la galin gacanta Ciidamada Dowlada ayna hayaan Ciidamada Amisom, oo lagu aamini waayay gacanta Maleeshiyaadka Dowlada oo aan sidaas loogu kalsoonayn .

 

 

Dadka Odorasa Xaaladaha amaanka iyo dhibaatada Hubka ayaa waxay Bogan u sheegeen in Madaxweyne Shariifka uu haatan Xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya uu ku Lumay waxyaabo uusan la Kulmin Xiligii Uu ahaa Amiirka Maxkamadaha islaamka, halka uu Bilo ka hor ahaa Hogaamiyaha ugu Shacbiyada badan Soomaaliya, haatana u Muuqda in uu sii liicayo kadib markii uugalay Xayndaab ama shirqool ay maleegayaan Wadamada Horay u maray gaar ahaan Maraykanka.

 

 

Xiligii uu ahaa Hogaamiyaha Maxkamadaha Madaxweynaha haatan jira waxaa si toos ah Garoonka Muqdisho uga soo dagi jiray Diyaarado wata Calaamada Dalka Eratareya Kuwaasi oo u keeni jiray Hub, Daawooyin iyo agabyo kale oo Milatari Xoogagii Maxkamadaha islaamka, balse haatan waxaa lala yaabanyahay Codsiga Madaxweynaha ee ah in hubka loo fasaxo Soomaaliya’ ayada oo afarta Dhinac ay maalin walbaa ka soo galaan Hub.

 

 

Cabdixakiin Cilmi Xasan:

 

Xakiin11@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this