Jacaylbaro Posted August 8, 2010 Warar hoose oo soo baxay ayaa ku waramaya in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke uu saanad meleteri u diray maamulka Puntland. Sida uu markacadey.net u xaqiijiyey Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo diiday in magaciisa anu isticmaalno ayaa sheegay in todobaadkaani Diyaarad sida Saanada Meleteri ay ka duushay Magaalada Muqdisho iyadoona ka degtay Magaalada garoowe ee Caasimada Maamul Goboleedka Puntland. Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Cumar Cabdi Rashiid saanada maleteri uu u dhiibay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka gaar ahaan kuwa heeb ahaan ka soo jeeda Puntland. Xildhibaanka oo sheegay in arinkaasi ay sharci daro tahay ayaa xusay in u jeedada loo dhiibay hubka ay tahay in lagu xoojiyo amaanka magaalooyinka Puntland ka dib markii looga baqay in uu soo xoogeeysto Hoogaamiye Diimeedka dagaalka kula Jira maamulka Puntland ee lagu Magacaabo Max’ed Saciid Atam kaasi oo lagu sheego in uu xiriir la leeyahay Al Shabaab. Warkaan soobaxay ayaa waxa uu ku soo aadaya xili maalintii shalay Madaxweynaha Maamulka Puntlad oo shaaciyey in uu dagaal ku qaadayo ciidamada uu hogaamiyo Maxamed Saciid Atam. Quote Share this post Link to post Share on other sites