Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Kulan Wasiirada Somaliland ee xajka Soo gudanayay iyo Jaaliyada Somaliland ee Jeddah

Recommended Posts

Habeenimadii ay sabtidu soo galaysay 26/11/2010 ayaa waxa kulan aad heer sareeye ay jaaliyada jeddah ay u samaysay wasiirada sanadkan xajka u soo amba baxay.

 

xasuus ahaan jaaliyada jeddah ayaa xil wayn iska saarta sidii ay u soo dhawayn lahaayeen xujayda jamuuriyada s/land ee sanad kasta gudanaysa waajibaadka xajka.

 

Sidoo kale waxa iyana ay jaaliyada saudi arabia ay u samaysaa kulamo casuumada ah iyo kulamo gaar gaar ah gaar ahaan masuuliyiinta heer qaran ee soo gaadha xajka ama saudi arabia.

 

badanaa kulanadan ayaa waxa ay dhacaan marka ay xujaydu ka soo falaxashaan rugniga aadka u muhiimka ee xajka,

 

Sida aynu warbaahinta kala soconay ayaa sanadka waxaa xajka soo gaadhay wasiiro ka tirsan xukuumada cusub iyo xubno kale oo xildhibaano golayaasha ka tirsan, komishanka xubno ka tirsan.

 

Wasiirada waxaa ka mid ahaa, wasiirka dinta iyo awqaafta mudane SHEIKH KHALIIL CABDALAHi.

 

wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare marwo SAMSAM. wasiirka duulsta hawada mudane MAXAMED XAASHI CABDI

 

xanaanada xoolaha mudane AXMED XAASHI ODAY ganacsiga iyo warshadaha mudane A/RISAQ KHALIIF agaasimaha wasaarada maaliyada mudane JAAMAC AXMED MAXAMED iyo masuuliyiin kale.

 

Hadaba hadii aan yara milicsano qaabkii ay xafladu u dhacday waxay ahayd sida tan.

 

ugu horayn waxaa kulankan ooda looga rogay ayaado quraan ah waxaana si khushuuci ku jirto u akhriyay arday xaafisu quraan ah oo ka soo xajay gobolka togdheer SHEIKH SAKARIYE AXMED rabi khayr faro bada ha siyee.

 

Furitaanka quraanka ka dib waxaa jaaliyada mid mid loo baray wasiirada ka socday xukuumada cusub iyo waliba xilalka loo kala igmaday waxaana xidhiidhiyuhu raaciyay sida uu barnaamijku u kala horaynaayo.

 

Sida caadada ah dadka badanaa way ka ada dharagsan yihiin sida xafladu ay noqonayso, waxaa badanaa codka la siyaa martida waa masuliyiinta ee si ay jaaliyada uga haqab tiraan wixii war iyo wacaal ay wadankii iyo dadkii uga sidaan, isla markaana wasiiradu waxay iska nasiyaan cod baahiyaha una qaybsdaan hadalka oo ninba dhinac abaaraa sida arimaha siyaasada, nabad galyada, wax qabta iyo arimaha dibada, iyo kuwii bulshada ay ka soo kicitimeen.

 

Hadalada wasiirada hadaan wax kooban ka soo qaadano waxaa ka mid ahaa, waxyaabaha xukuumada cusubi ay ku guulaysatay sida daymo faro badan oo xusbigii hore ka tagay oo ay bixiyeen,

 

mudane oday waxa uu dardaaran xog leh u jeediyay muwaadiniinta u dhashay saudia arabia in ay xil wayn iska saaraan arimaha xidhiidhka xukuumada saudi arabi iyo s/land,

 

Isgoo wassiirku hadalkiisa sii wata waxa eed dusha uga tuuray muwaadiniinta u dhashay ksa kana soo jeeda s/land in ay fashiga ka kacaan oo wadanka wax u qabtaan haday ahaan lahayd aimaha agaasimka xashka iyo talaabo kasta oo ay ku horu marin karaan qadiyad s/land kana dhaadhicin lahaayeen wadanka ay dhalashadiisa haysaan.

 

wasiirada waxaa dhinaca wax qabadka ay damaxsan yihiin ay u sheegeen jaaliyada, ( in ay gobolada bariga ay ka badali doonaan lacagta naafaysay ee la hadhay dhaqaalahooda, darajada ciidamada in si deg deg loo bixin doono, dhimista feega iskuulada iyo jaamacadaha aa qaado, dhisida biriishka labaad ee caasimada iyo wax qabad kaloo badan.

 

Wasiirka diinta iyo wasiirka ganacsiga ayaa i yana sidoo kale aad ugu dheeraaday in la xoojiyo xidhiidhka u dhaxeeya jaaliyad ksa iyo dalkii hooyo.

 

Intaasi marka ay masuuliyiintu u kala nasteen ayaa waxa jaaliyada loo fasaxaa wixii su,aalo ay tabanayaan iyadoo markaasi uu xidhiidhiyuhu uu la dhex maro dad waynaha cod baahiyaha,

 

si uu qof waliba su,aasha uu faraqa ku soo gutaday uu ula tiigsado wasiirada.

 

Wasiiradu waxay dhamaan su,aalihii goobta laga waydiiyay ay uga jawaabeen si mug leh jaaliyaduna ku qanacday shaafina ku noqotay inkastoo ay wasiiradu ahaayeen kuwa dhawaan xilka la wareegay.

 

Hadii aynu isku dayno in aan soo ururino su,aalihii la waydiiyay wasiirada ayaa waxa ka mid ahaa,

 

1.dhinaca warbaahinta sida telvstion iyo idaacad ay halkan si fiican uga daawn karaan ,

 

2. dhibaatada tahriibta dhalin yarada oo aad u soo badanaysa sanadahan danbe sidii ay xukuumad ahaan ay ugu abuuri lahaayeen shaqo.

 

3.iyo su,aalo tiro badnaa oo taabanayay dhinacyada siyaasada, horu marinta dalka,

 

Waxa iyana xafladan hadalo kooban ka soo jeediyay (SHIEKH YUSUF ADAN) masuulka guud ee shirkada diyaaradaha ee dallo ariline ksa mudane (IBRAHIM JAMA (IBRAAHIM SHOODHE),

 

Waxa goobta ka hadlay goodmiyaa ururka khayriga ah ee ksa isla markaana ku hadlaayay magaca jaaliyada jeddah mudane (C/RAXMAAN CABDALAH YAXYA( FEERO). gudoomiye feero waxa uu soo dhaweeyay wafdiga wasirada ah ee xajka soo oo gaaray iyo masuuliyiinta kale ilaahayna waxa uuga bayay in uu xajkoodu noqdo kii la aqbalo isla markaana ay ku laabtaan iyagoo nabad qaba.

 

Mudane feero isagoo ka jawaabaya eed ay u jeediyeen wasiiradu jaaliyada ksa gaar ahaan inta dhalahada haysataa ayaa waxa uu yidhi, (idinku dowad ahaan waa inaad soo magacowdaan hubkeedana soo siisaan cidii masuul idiinka noqon lahayd dalkan waa ksa si aad ula xisaabtantaan oo aad u heshaan meel aad idinku wax ka bilowdaan.

 

Madashan ayaa xalay waxay ahayd mid lagu gar naqsaday laysna dhabar taabtay, haday ahaan lahayd kala daad sanaanta ka muuqata jaaliyada ksa iyo habka aanay isugu xidhnayn islamarkaa aanay u lahayn xidhiidh buuran oo muuqda.

 

Intaasi ka dib wariirada waxaa loo galbiyay xagaa iyo cashada, amintii ay cashadu idlaatay ayaa qof waliba waxa u isku dayay sidii uu wasiirada u gacan qaadi lahaa uguna odhan lahaa ilaahay xajka haydinka aqbalo iyo safar noqod wanaagsan,

 

Arinta ugu xiisaha badnayd waxay ahayd markii aan dhex qaaday wasiirada iyo kaftanka jaaliyada ayaa waxa ka mid ahaa( si aad u fuushaan figta sare ee talada dalka waad u soo halganteen wakhtigii doorashada,iyo dumuquraadiyad ayaad muujiseen sadexdiina xusbiba, waxay ahayd tatankii aad gasheen mid idhaha caalamka soo jiitay, fursadan ayaa jaaliyada iyo wasiirada waxay isku waydaarsadeen kaftan aad u heer sareeya,

 

Waxa iyana habeenkaa qayb libaax leh ka qaatay ururka dhalin yarada ee marka magciisa la soo gaabiyo la yidhaah (SYC JEDDAH).

 

 

SOURCE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this