Sign in to follow this  
RedSea

Xarakatu Alshabaab Mujahadeen/ Xizbul Islam recaptured lost positions.

Recommended Posts

RedSea   

Ururka Xisbul islaam iyo xarakatu Shabaabul Mujaahidiin oo sheegay in ay dib ula wareegeen goobo shalay laga qabsaday.

Posted: 7/13/2009 7:47:00 PM

Shabelle: MUQDISHO

Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam ee ka dagaalama Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in ay dib u qabsadeen goobo badan oo ka tirsan Waqooyiga Magaalada Muqdisho kuwaasi oo maalintii shalay ay kala wareegeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

 

 

 

Kadib hal maalin oo ay dagaal qaraar ku dhaxmareen Ciidamada dowladda KMG oo garabsanayay Ciidamada AMISOM iyo Xoogaga ka soo horjeeda qeybo kamid ah degmooyinka Kaaraan,Shibis, iyo C/Casiis kuwaasoo ay ku hardamayeen dhinacyadii dagaalamayay gacan ku haynta degmooyinkaasi.

 

 

 

Xoghaya Gaashaandhiga Ururka Xisbul Islaam Sheekh Muuse Cabdi Caraale oo Shirjaraa’iid ugu qabtay Saxaafada aagagii ay ku dagaalamayeen iyaga iyo Ciidamada dowladda KMG ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen goobihii shalay lagala wareegay.

 

 

 

Sidoo kale Wakiilka Gobolka Banaadir ee xarakatu Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Max’ed Xuseen oo bahda Warbaahinta kula hadlayay Saldhiga kaaraan ee Waqooyiga Magalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in ay dib u qabsadeen islamarkaana ay la wareegeen fariisimo dhowr ah oo horay gacan ku heyntooda looga qabsaday shalay.

 

Waxaa uu Sheegay in ay soo gaba gabeeyeen Wareegii hore ee dagaalada ayna ka guulyesteen dowladda KMG islamarkaana ay bilaabayaan wareeg kale oo ay la galayaan Ciidamada AMISOM ee jooga Gudaha Caasimadda Muqdisho waxna ay ka badalayaan Jihaadka ay kula jiraan ciidamada Shisheeye.

 

 

Xaafadaha degmooyinka maalmihii la soo dhaafay ay dagaaladu ka socdeen ayaa dadkii degenaa oo u adkaysan waayay diryanka noocyada kala duwan ee hubka la isku adeegsanayo ayaa qasab kaga dhigatay in ay isaga firxadaan xaafadsihii ay ku noolaayeen oo haatan noqday goobo ka caagan dadka shacabka .

 

 

 

Dhismayaasha iyo wadooyinka soo gala xaafadahaasi ayaa waxaa ka muuqda bur burka raadadka ay reebeen dagaalada ,iyadoo wadooyinka ay buuxaan qol faha rasaasta la is waydaarsanayay,waxaa na dhismayaasha ku yaala halkaasi ka muuqda bur bur xoogan.

 

 

 

Dagaalada xiriir ka ah ee wali ku dhaxmaraya qeybo ka mid ah Waqooyiga Magaalada Muqdisho Ciidamada dowladda KMG iyo Xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda ayaa u muuqda kuwo xarag jiid ah kuwaasi oo aan la ogayn xilliga ay dhamaan doonaan.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Read the news buddy. Alshabaab is now in control of the few blocks they withdrew from. Sorry mr. president. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this