Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu clean up job continues PICS.

Recommended Posts

Abwaan   

No wonder in daacuun iyo cudurro aan la aqoon dalka ka dillaaceen and guess what I have seen this tree which has conquered the whole city oo Soomaali badani iska dhaadhicisey maraykanka ayaa deliberate ugu beeray in 90s. Anigu waxaan is leeyahay waa geed uu Ilaahay sabab uga dhigay inuu soo haajiro cagta dad dibedaha ka yimidna soo raacay oo si dhakhso ahna u fiday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwan it matters not what position we take however we must not loose sight of the reality.

 

Only a government can bring about real change, this is happening it right now.

It will be difficult we have allot of arms in the poublics hands we have some clans who feel they have lost out due to the defeat of their militias. However the course has been charted.

 

Its only the TFG that clsoed the gun market, and who created local admins for every region notably the lower Shabbele. Thus its not one clan or two which benefits but the majority of clans specially those that were once unarmed and treated like slaves in their own country.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Duke saaxiib waxaan aad ka hadleysid Cusbo ayaan u arkaa, what is the point haddii raashinkii dhammaa ee cusbada lagu dari lahaa uu maqan yahay? Cusbo maa la cunaa?

 

Let me correct you TFG horteed baa cirtoogte loo dhammeeyey and it was the UIC remember.

 

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "Haruub ninkii lisay la ogyahay, ninkii sidi lahaa ha sido"

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Abwan the clan courts never closed down Cirtoogte. If you have proof please provide it.

Forget closing a single market down they never even disarmed the business groups.

 

Also the clan courts never even set up a single admin theirs was clan support on drugs and a media frenzy led by Yusuf Garad, but we covered that before saxib.

 

Again if you can bring evidance to support the alleged clan courts closer of the gunmarket.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

loool...Duke anigaaba joogey markii ay dheheen qofkii xabbad kor u rido oo ummaddu ka seexan weyso waa lala kacaa wax yar ka dibna waa la xiray. Adiga dhib baa ku haysta Ciilka aad Yusuf Garaad u qabtid ee muxuu TFG idaacadda ugu furi waayey iyo Maxkamadihii Gaal iyo Muslim loo riyaaqay waxqabadkooda baa iskaga kaa khaldan oo aad isku dhex yaacisay.

 

Do you think inay habboonayd inay magaalo kasta xukun baarashuut ku keenaan? I don't think inay taasi sax ahayd, waad ogtahay just Jowhar inay Maamul u magacaabaan inay wakhti dheer ka baaraandegeen and you know Banaadir inaysan ku degdegin waayo dhibka ka dambeeya ayey ogaayeen xitaa way xushmayn jireen Cadde Gaabow waayo ma aysan samayn cid hore ka bedesha!

 

Ninyahow qandho ama feebare wax waan ka qaadi karnaa oo nici karnaa laakiin xaqiiqda yaan laga fogaan. Dekadda aad meelahaan masawirradeeda cut an paste ku samaysay iyo ayroboorka bilicdiisa la yaabay oo u xirnaa Maxamed Dheere, C/qaybdiid iyo Cali Mahdiga la leeyahay Soomaali buu nabad u keeni, Gacmadheere iyo inta Warlord ah waad ogtahay cidda FURTAY! yaa kale hee The UIC.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Abwan, brother I was not there but I remmeber in their last month they were calling on the Business community who were armed to the teeth, they were ignored.

 

As for the gun market it never closed, the guns were on sale throught the six months of the courts rule. They never once attempted to close it. The TFG has, and has also demanded the businessmen turn over their weapons as they ahve the warlords.

 

The TFG closed down Ceel Macaan and has set up an admin for the previously occupied Lower Shabbele.

 

The clan courts made some strides ins ecuring Mogadishu, but they failed to set up a single admin, their is history but I find amusing when people pretedn that this sub-clan coalition was a panacea to Somali problems.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Masuuliyiinta Maxkamadaha Jubooyinka Hoose Oo Mamnuucay haysashada Hubka fudud Gudaha Magaalda Kismayo 19 Nov 2006

Guddoomiye Xigeenka Golaha Maxkamadaha Islaamiga ee Gobolada Dhexe C/fataax Max'ed Cali, oo maanta Shir Jaraa'id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay in Magaalada Kismaayo iyo Gobolada Jubboyinka uu mamnuuc ka yahay ka Ganacsiga iyo Heysashada Hubka.

 

Gudoomiye Xigeenka, ayaa sheegay iney dhawaan xafiis ka furi doonaan Magaalada Kismaayo, iyadoo dhaqaalaha uu ku fadhiyo hubka loo celin doono cidii iska laheyd ee xafiiskaasi keensada.

 

C/fataax Max'ed Cali , waxa uu sheegay in qofkii raba in la ciidameeyo la soo dhaweynayo isaga iyo qorigiisa si uu ugu howl-galo.

 

Mas'uulkaani ka tirsan Golaha Maxkamadaha Islaamka, ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay howl-galo hubka lagu uruurinayo magaalooyinka hos yimaad maamulada jubooyinka.

 

Mas'uuliyiintaan ayaa qeybaha kala duwan ee ku dhaqan Magaalada Kismaayo ugu baaqay, iney kala shaqeeyaan Amniga Magaalada Kismaayo iyo la dagaalanka hubka sida sharci darada looga heysto Gudaha Magaalada Kismaayo

 

Si kastaba ha ahaatee, arintaan ayaa la ogeyn iney noqon doonto mid ka hirgasha Gobolada Jubbooyinka, maadaama dadka halkaasi ku dhaqan intooda badani ay heystaan hub aad u fara badan.

 

Bosasotimes

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Abwan, Mohamed Dheere baned guns in Jowhar, the topic is not Kismayu since it never had a gun market or "business men" armed to the teeth.

Did they close Cirtooge? I guess the answer is no the trade was going on then.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Maxkamada islaamiga magaalada Baladweyne oo mamnuucday hubka in lagu dhex sito gudaha magaalada Baladweyne.

 

 

Baladweyne, 28-October-06 Maxkamada islaamiga magaalada Baladweyne ayaa mamnuucday in hubka lagu dhex qaato ama lagu lagu tijaabiyo gudaha magaalada Baladweyne,waxa ayna u soo jeedisay hay'adaha samafalka in ay diiwaan geliyaan hubkooda si loogu sharciyeeyo.

 

Tallaabadan ayaa waxa ay gacan ka gaysanaysaa sidii loo xoojin lahaa amniga magaalada Baladweyne oo haatan mid aad u wanaagsan isla markaana loo baabi'in lahaa muuqaalada hubeysan si hubka uu ugu soo haro gacanta ciidamada maxkamada islaamiga oo qura.

 

Madaxa amniga iyo difaaca maxkamada islaamiga Baladweyne Amiin Barqadle Guure Amiin Daacad oo maanta shir jaraa'id ku qabtay saldhiga booliska ee magaalada Baladweyne ayaa uga digay dadka rayidka ah in ay hub ku dhex qaataan gudaha ama ay ku tijaabiyaan hubka,isagoo ugu baaqay hay'adaha samafalka in ay diiwaan gelinayaan hubkooda si loogu sharciyeeyo.

 

Dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa soo dhaweeyay tallaabadaasi,waxa ayna sheegeen in ay sii xajinayso amniga iyo nabada haatan ka jira magaalada Baladweyne tan iyo wixii ka danbeeyay markii maxkamada islaamiga magaalada Baladweyne ay la wareegtay magaaladaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Xitaa Cirkii Baa duceeyey !!

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

 

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Muqdisho, Soomaaliya

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

16-kii sano ee dagaalka sokeeye ka socday Soomaaliya, waxay dhibaatadu gaartay meel kasta, oo ay ugu horeyso bulshada, haddaba maqaalkan oo aan ugu magacdaray (Cirkii oo Duceynaya), waxa uu xambaarsan yahay arrimo fara badan, qof waliba waxa uu la yaabi doonaa waxa loola jeedo cirka duceynaya.

Markii Maxaakiimtu qabsadeen Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobalada dalka, waxay neefi ka soo fuqday intii dhibaato ka soo gaartay dagaalkii Sokeeye.

 

Dadka Soomaaliyeed waa kuwo ay erey bixintoodu aad u sareyso, markii la eryay Dowladdii Max’ed Siyaad Barre waxa uu hubkii gacanta ku galay shacabka Soomaaliyeed, waxaana soo baxay suuq loogu magacdaray “Suuqa Cirtoogte”, waayo qof kasta oo tijaabinaya hub waxa uu u ridaa dhinaca Cirka.

 

16-kaas sano, cirka waxaa maalin walba lala dhacayay hub noocyadiisu ka duwan yihiin xanuunkaas cirku cid uu u sheegto ma garaneyn, waxaa maalin walba ka soo yeerayey cabashooyin uu bulshada kaga codsanayey in laga dhaafo hubka maalin walba lagu tijaabinayo.

 

Cirka oo hadlay ayaa yiri “Maalintii iigu darneyd waxa ahayd maalinkii la saaray Max’ed Siyaad Barre, waxaa igu soo dhacay rasaas noocyadeedu kala duwan tahay hadba dhinac ayaan u boodaa, saqiir iyo kabiirba rasaasta way ila dhacayeen, ayagu farxad ayey muujinayeen anna dhibaato iyo waxyeelo ayaa I soo gaareysay, maalinkii xigay waxay ahayd oo xasuusta igu reebay maalinkii USC ay gacanta ku dhigtay Magaalada Kismaayo, waxaa I saaqay rasaas isugu jirtay kuwo guduudan iyo kuwo jaale ahba, maalin walba, waxaa is iraahdaa goorma ayaa ka baxeysaa dhibkaan iyo murugadaan, waxaa maalmahaas ka sii darnaa maalinkii General Caydiid loo magacaabay in ay uu noqdo Guddoomiyihii USC, waxaa is dhahaayey waa lagaa neefin doonaa hubka lagu ridayo, hase yeeshee USC halkeedii ayey ka sii miistay, iyagu way faraxsan yihiin, aniga waxaa I gaaray dhaawacyadii ugu cuslaa”.

 

Cirka waa uu sii hadlay oo yiri “Waxa iigu yaab badnaa markii canug yar oo 11 jir ah loo dhiibay qori AK47 ah, waxaana u dhiibay Aabbihii, wiilkii ayaase ku yiri ‘Aabbe qoriga inteen ku ridayaa, waxa uuna ku yiri Cirka, waan naxay, oo waxaan iskula hadlay xitaa ilmihii yaryaraa kuma cafinayaan, hoogayoo iska dhintay, Ilaah ayaa mar kasta baryey, in uu dhibkaani iga du l qaado” “Waxaa iigu sii yaab badneyd markii iyana loo dhiibay qori M-16 Haweeney, iyadoo la dhacdhaceysa oo garan la’ meel ay u rido ayaa waxaa lagu yiri ‘Naahoow qoriga cirka ku seyri, wixii xumba ma xaawaa iska leh ayaa hoosta ka iri, waxaase niyadda iigu jirtay in Dumarku ka naxariis roon yihini Ragga, hase yeeshee qayb ku lahaayeen waxyeeladii la I gaarsiinayey, inkastoo ragga ay iigu badnaayeen oo iyagu habeen iyo maalinba igu soo fiiqayey hubka noocyadiisa kala duwan, Ducadeydii ayaan sii watay, waxaan mar kasta Allaah ka baryey in uu iga bixiyo dhibkaan igu gaamuray, Inkastoo aan ku soo koobi karini dhibkaas, haddana waxaan xasuustaa habeen ka mid ah habeenada oo dhinac waliba ay iiga soo dhaceen hub noocyadiisu ka duwan yahay, waa habeenkii uu bilowday dagaalkii afar biloodka ahaa, inkastoo hubka xoogiisu ku dhacayey dhulka, haddana waxaa isoo gaarayay hub aan ka yareyn midkii lagu waday dhulka, habeenkaas dhibaatada waxaa ila qaybsaday Dhulka, Geedaha, Xawaanaadka, Guryaha iyo Dadka, waxaana dhibkaan ku jirnay mudo dhowr bilood ah, mar is iri waan nasatay ayaa haddan meeshii laga sii Miisay dhibkii la igu hayey, dhinaca aan sida weyn uga sheeganayo waa dhankaa iyo suuqa laygu magacdaray ee Cir Tooge, halkaas oo aan si aad ah uga bislaaday, Ilaah Mahadiis maanta waan nastay, waxaana mahadeeda iska leh, Maxaakiimta Islaamiga ah oo gebi ahaanba mamnuucay in wax huba ah lagu dhex tijaabiyo bulshada Dhexdeeda ha yaraado ama ha weynaado”.

 

Qof walba oo caqli u saaxiib ah waa uu la socdaa in hub lala gaarin ama lala Karin cirka, hase yeeshee dulucda sheekadeyda waxay tahay sidii aan dadka u dareen siin lahaa, dhibaatada baahsan ee ka taagenyd tijaabinta hubka, ee bulshada dhexdeeda loo isticmaalayey, dadkaas oo ay waxyeelo kala duwani ka soo gaari jirtay tijaabada hubka, sida naxdin, Shook, Argagax iyo Cabsi, waxaan maqlay ama la ii sheegay in Haweenay Uur leh oo laga dul riday hubkaasi ay ilmihii banaanka keentay, marka Cirku waxa uu ka taagan yahay Dadka Deriska la ah goobaha lagu tijaabiyo hubka, haatanna mahad balaaran u jeedinaya Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, sidoo kale waxaa mahad tan la mid ah jeedinaya Dadka kale oo iyana uu gaari jiray dhawaqa rasaasta, Xayawaanaadka, Geedaha iyo Wixii kaloo la mid ah.

 

Isku soo duuboo, Duceydii cirka illaah waa uu aqbalay oo maanta waad aragtaa in cirkii damaashaadayo, macnaha deggan yahay, urta rasaastana ka ammaan helay,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

MMI ee gobollada Jubooyinka oo albaabada u laabay Suuqii Cirtoogte ee magaalada Kismaayo.

Posted to the Web Dec 02, 15:34

 

 

Kismaayo:-MMI ee gobollada Jubooyinka ayaa maanta albaabada u laabay suuqii Cirtoogte ee magaalada Kismaayo kadib markii ay si buuxda ula wareegeen hubkii halkaasi yaallay,ayadoo ganacsatadii hubkaasi lahayd la siiyay lacagihii ay iibinayeen.

 

MMI ee gobollada Jubooyinka ayaa 19kii bishan mamnuucay haysashada hubka sharci darrada ah,waxaana loogu baaqay dhamaan ganacsatada iyo shaqsiyaadka hubka haysta in hubkooda ay ku soo wareejiyaan golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed,si lacago loogu celiyo.

 

Sheekh C/fataax Maxamed Cali oo shir jara’aid ku qabtay xaruntiisa Baranwaa ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in si toos ah ay ula wareegeen hubkii yaallay suuqa Cirtoogte ee lagu iibin jiray hubka kadib markii lacago ay u celiyeen ganacsatadii hubkaasi lahayd.

 

“Waxaan ku dhawaaqeynaa in aan la wareegnay hubkii yaallay suuqa Cirtoogte kadib markii aanu siinay ganacsatada qarashkii ka galay hubkaasi” ayuu yiri Sheekh C/fataax.

 

Xiritaanka Suuqa Cirtoogte ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo oo isbadal weyn oo la taaban karo dareemaya tan iyo markii maxkamadaha islaamiga ay la wareegeen magaaladaasi oo ka mid ahayd goobaha ugu rabshadaha badan dalka.

 

Halgan.net

C/qaadir Osman

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by The Duke:

^^^Saxin Amin Khasaro a sposkeperson for Chircoole Clan Court is not the point did they close down the gun market?

Duke goormaa qancaysaa? Awal baa la yiri "waano abuuris baa ka horreysey". Haddii xitaa proof hortaada la soo dhigay what more do you want?

Share this post


Link to post
Share on other sites

http://www.somaliaonline.com/cgi-bin/ubb/ultimatebb.cgi?ubb=get_topic;f=9;t=010809

 

Ganacsadahaan ayaa u sheegay sidoo kale Shabakadda wararka ee shabeeladahoose in hubkaan uu isugu jiray kuwo waaweyn iyo kuwa yaryar, waxaana uu sheegay in rasaas aad u fara badan laga qaatay halkaas.

 

Suuqa Cirtoogte ayaa ah goob hubka lagu kala iibsan jiray muddadii ay dalka ka jireen dagaallada sokeeye ee salfaday dad fara badan, isla markaana baabi'iyay hanti aad u fara badan, waxaana suuqaan cirtoogte loogu bixiyay iyadoo rasaasta laga rido suuqa loo rido inta badan cirka.

 

Last Updated ( Monday, 07 May 2007 )

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this