Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu clean up job continues PICS.

Recommended Posts

ho4.jpg

Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Amisom oo howl-gallo nadiifin ah ka wada caasimadda

 

ho3.jpg

Ciidamada Midowga Africa oo howlo nadiifin ah ka wada wadada KM4

 

ho2.jpg

Ciidamada AMISOM oo qashin dhulka ka qaadaya isla markaana ku qaadaya gaari Militari

 

ho1.jpg

Mid ka mid ah ciidamada dowladda iyo askar Ugandes ah oo taagan isgoyska KM4

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

It is sad kuwii Soomaalida ahaa inay baabuurta sidii koronkorradii saaran yihiin, halka Ugandans ay jidadkoodii nadiifinayaan. Haddana ma waxay dhihi doonaan Ugaandhays baa lacag ku soo qaatay inay dhulka nadiifiyaan ee yaan loo dhaqaaqin?

 

Unfortunately this phrase was famous for many years!

 

And where are those famous images during the UIC where local women used to gather for the clean up of streets...Ah I know why, they were wearing indho-shareer which is now not allowed in this area I guess and Also the mines...waxay ka baqayaan in qashinku uu ku noqdo beer miino oo rag meeshaan ka abuurteen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Ciidamamda Uganda oo maanta howlo nadaafadeed ka sameeyay Magaalada Muqdisho

Posted to the Web May 10, 15:41

 

Muqdisho (PP) – Ciidammada Uganda ee ku sugan Muqdisho ayaa waxay maanta howlo nadaafadeed ka sameeyeen Magaalada Muqdisho qaybo ka tirsan, iyagoo howlaha nadaafadeed ka sameeyay Isgoyska KM4 iyo agagaarkiisa.

Ciidammada Uganda oo ka tirsan AMISOM oo ah ciidammo ay Midowga Afrika ku baaqeen inay tagi doonaan Dalka Soomaaliya, balse kaligood xilligaan ka jooga ayaa waxay u isticmaalmayeen fogeynta qashinka gawaaridooda dagaalka.

 

Askariga ayaa qashinka si toos ah uga qaadayay laamiga iy meelaha kale ee uu ku jiro isagoo garabka uu u sugan yahay Qorigiisa, waxanaa lagu arkayay waddada hareeraheeda askar ka ilaalinaysa qowlaysatada ciidammada kale ee qashinka ururinaya.

 

Kumannaan Soomaali ah oo aan waxba ka qabanayn qashinka ayaa waxay ku sugnaayeen waddooyinka hareerahooda iyagoo daawanayay qashinka la qaadayo, waxaase mararka qaar lagu arkayay Dhallinyaro Somaaliyeed oo qashinka wax ka saaraya gawaarida walow ay yaraayeen.

 

 

Haddaba, Aqriste Shabakadda Wararka ee Puntlandpost waxay ka soo qaadday howshaas sawirro si caddeyn ay kuugu noqdaan, haddana waa kuwan sawirradii ee Daawasho wacan

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dowladda oo howl-gallo burburin ah ka fuliyay Suuqa Bakaaraha

 

Click here to find shabelle news in english

Daawo Sawirada

Mogadishu 10, May.07 ( Sh.M.Network) Ciidamada dowladda KMG ah ayaa maanta howlo lagu burburinayo dhismayaasha sharci darada ah ee Suuqa Bakaaraha waxa ay ka wadaan gudaha suuqa iyo wadooyinka soo gala.

 

Howlahaan lagu burburinayo dhismayaasha sharci darada ah ayaa maalintii labaad ka soconaya gudaha Bakaaraha, waxaana horkacaya ciidamada Militariga dowladda KMG ah oo iyagu xoog u adeegsanaya dadka ka dhago adeega in ay fujistaan sandaqadahooda.

 

Ilaa iyo wali qeybaha la burburiyay ee dhismayaasha sharci darrada ee Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ka mid ah wadada isku xirta Isgoysyada Black Sea iyo Bakaaraha iyo qeybta dharka.

 

Qaar ka mid ah ganacsatada laga burburiyay goobahooda ayaa waxa ay ka codsadeen dowladda KMG ah in ay siiso meelo kale oo ay ku shaqeeyaan.

 

Col. C/risaaq Max'uud oo horkacayay ciidamadii howl-gallada ka fuliyay suuqa Bakaaraha oo shabelle ay kula kulantay halkaasi ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka in ay u hogaansamaan awaamiirta dowladda iyo howl-gallada lagu burburinayo dhismayaasha sharci darrada ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciimada Ugandha oo howlo nadaafadeyn ah ka bilaabay magaalada Muqdishu

Posted to the MOL May 10, 2007, 11:18 am

 

 

Ciimada Ugandha ayaa maanta howlo nadaafadeyn ah ka bilaabay magaalada Muqdishu, howlahaas oo dib loogu soo celinayo bilicdii magaalada Muqdishu lahayd. Wararka ayaa sheegaya in maanta isgays km4 lagu arkay ciidamada Ugandha oo wata gawaari waaweyn oo ka guraya dariiqyada qashin.

 

 

Dadka reer Muqdishu ayaa aad ugu riyaaqay hawl karnimada ciidamada Ugandha oo runtii walow ay yihiin ciidamo yar haddana magaalada ka haya hawlo aad u muhiim ah. Ciidamada Ugandha ayaa u xilsaaran illaalinta Garoonka iyo dekada Muqdishu. Waxay kaloo rondooyin ku soo maraan xaafaha ay masuulka ka yihiin.

 

Ciidamada Ugandha ayaa ugu baaqay shacabka Muqdishu inay kala qayb qaataan hawlahaan bilic soo celinta taas oo qayb ka dadaalka nabadeynta Muqdishu.

 

Dhinaca kale dawlada Ugandha ayaa muujisay sida uga xuntahay daahida ku timid ciidamadii laga sugayay dawladaha kale ee Afrika. Dawlada Ugandha ayaa ku hanjabtay inay ciidamadeeda Somaliya kala noqon doonto haddii aysan Afrika si deg deg ah u keenin ciidamadii ay balan qaadeen.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

t is sad kuwii Soomaalida ahaa inay baabuurta sidii koronkorradii saaran yihiin,

lool Abwaan, ma ila aragtey sawirkaas, xata qumaati uma saarna baabuurka, sidii rah iyo anyax bey is dul saaranyhiiin, ma jawaano masagaa maxaa is dul saarey!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by nuune:

lool Abwaan, ma ila aragtey sawirkaas, xata qumaati uma saarna baabuurka, sidii rah iyo anyax bey is dul saaranyhiiin, ma jawaano masagaa maxaa is dul saarey!

loool...nuune saaxiib aaway dhaqan celintii la lahaa kuwaan waa soo mareen...mise many of them were forgiven! lol you know musuqmaasuqa Somalida ...kornayl hebel...ina abtiday baa ilmo u dhashay...wasiir hebel is used to be my neighbour...oh the most common one... Kabtan dafaaye waa CIDDA nooh!

 

Ilaahow Soomaali adigaa u maqan ee silicaan naga saar iska saari weynaye...

 

Ninyahow masawirka waaba ku noqnoqday rah ma ahane wax kale maba moodid...I feel shame inaan kuwaas Somali isla nahay. The poor Ugandans must be thinking...War dalkaan dadkiisii aaway?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by The Duke:

Abwan you have some point there, though this is the beggining. Though the Somali's seem not to want to get their hands dirty.

Duke to be honest inaan isku raaxayno ma ahan we have to be self-critic. Including MYSELF dadkeenna waa laga yaabay...Barwaaqo aan jirin inaan iskugu raaxayno maahan.

 

I don't think we can cover this on a keyboard, Somalia has a looooooong way to go. Ilaahoow jidka noo soo gaabi oo jid khayr qaba nooga dhig. You know the first important think is to be confident on ourselves and think that we have to get out off this mess by just innagoo Soomaali lee ku xisaabtamayna Ilaahna talo saaranayna.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^We agree on more points than we disagree brother. Somalia has lost a generation of people and time for nothing other than our own failures.

 

Now its time to move on, insha Allah we will get out of this hole that we dug. One has to build on what ever he has. This government is only tranistional, we need to built upon it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Baga horta sandaqadahaas foolxumadooda iyo qaabdarradooda halla fujiyo. Do we know that Suuqa Bakaaraha inaad ku dhex lugeysid ay kugu qaadanayso saacado halka waagii adduun adduun ahaa laga soo billaabo dhinaca cowska iyo qoryaha lagu dejiyo illaa geeska kale ee baaskiillada lagu kireyn jirey ay kugu qaadaneysey wax yar.

 

I know in nabadgelyo xumo ay keentay in dadku Bakaaro keliya ku soo uruuraan, laakiin arrintu duruuf un waa ka weyneyd. Qofba meeshuu rabo ha iska dhistana waa ku jirtey meesha. I hope in Suuqa Xamarweyne oo last year markii UIC waddankaan nabadda u horseedday awal baan warlords caqligaan lahayne ay bilicdiisii soo if-baxday dadka loo ogolaado inay ka ganacsadaan oo dadkaan jiingadda gacmahooda ku diiraya aan bannaan cidlo ah loo dirin cause they deserve inay nolol helaan. Waxaan ka baqayaa in kuwa amxaarada u adeegaa ay doollar iyo laaluush dhahaan hannaloo keeno...oops Geeddina waa joogaa bal yaanan xasuusin hadduu leeyahay Fanaxleey mid la dhaho baan suuqa Xamar Weyne madax uga dhigay!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by The Duke:

^^^We agree on more points than we disagree brother. Somalia has lost a generation of people and time for nothing other than our own failures.

 

Now its time to move on, insha Allah we will get out of this hole that we dug. One has to build on what ever he has. This government is only tranistional, we need to built upon it.

Duke I am glad you see things this way now, but yaanaan weli isku raaxayn I don't beleive wax transitional la dhaho inay meeshaan yaalaan. Abdullaahi iyo Geeddi iyo odayaashaan la wada midka ah ee amxaaradu meesha keensatay durbaanka qabiilna lagala daba ordayo inay tegayaan ma aaminsani Ilaah inuu na dhaafiyo maahane.

 

Where is the dastuurkii la dhahay within two years baa lagu diyaarin? I am sure inaan qalin iyo warqad Baydhabo iyo Jowhar laga waayin... inta Barasaabyo la magacaabayo, loosers Western World dhooban ay Soomaaliya ugu ordayaan aan safiir soo helo ama Envoy aan dhammaan iyo Agaasime, geel-jire laga dhigayo kornayl geeljireyaal kale oo la leeyahay waa la dhaqan celiyey iyagoon xitaa bil tababar ah qaadan madax looga dhigayo, ruufiyaan kasta oo amxaaro u shaqeeyey jago muhiim ah abaal-gud looga dhigayo...arrintu ma dhawa!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this