Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

The other madaxweyne

Recommended Posts

darmaan.jpg

 

Cabdinuur Darmaan oo booqasho ku tagay dalka Israa'iil

 

Hoggaamiya kooxeedka Soomaaliyeed C/nuur Darmaan ayaa waxuu booqosho rasmi ah ku tegay Dalka Yahuudu ay leedahay ee Israa'iil asigoo noqday hoggaamiya kooxeedkii ugu horeeyay ee si rasmi ah u sheega in uu jooga Israa'iil.

 

Darmaan oo ka mid ah hoggaamiya kooxeeyadda Soomaaliyeed ee xiligan danbe soo baxay ayaa waxuu noqday ninkii ugu horeeyay ee sheegta in uu Israa'iil booqosho ku joogo arinkaas oo dad badan la yaab ku noday maadaama Darmaan uu sheegan jiray in uu tageersan yahay muqaawamadda uuna maamula kana soo horjeedo joogitaanka Itoobiya ee dhulka Soomaaliya. Sida uu booqosho ugau tagay dowladda Cadowga kaliya looga aqoonsanyahay dunidda Islaamka xoogana ku heysato dhulka shacabka Carabta ah Reer Falastiin

 

Dowladda Israa'iil iyo dowladda Soomaaliya ayaa aysan jirin wax xiriir dublumaasi ah oo ka dhaxeeyo maadama Israa'iil dhul Carbeed heysato Soomaaliyana dowladaha Carabta ka mid tahay, laakiin waxaa la aaminsanyahay in ay jiraan shaqsiyaad Soomaali ah oo xiriir fiican la leh Israa'iil, dhuumaaleysina ku taga xarunta Israa'iil ee Talaviv sida ay sameeyaan dadkooda dowladda badan oo Carbeed oo anan xariir la laheen Israa'iil.

 

C/nuur Darmaan oo ahaa ninkii ayidoo cidna dooran iska sheegtay madaxtinimada Soomaaliya ayaa waxuu ku sheegay wareysiyo fara badan oo uu siiyay saxaafadda Carabta xiligii uu Jordan joogay inta uusan Israa'iil aadin in uu asiga madax u yahay kooxaha xag jirka ah ee ka dagaalama magaaladda Muqdisho, sida Alshabaab waxeyna dad badani is weydiiyeen Darmaan ma Alshabaab ayuu tageero uga dooonay cadowga Islaamka ee Israa'iil maxaaba lugu diidaa Itoobiyaan hadii Israa'iil la rabo maxeysa kooxahan muqaaawamadda sheeganaayo uga hadli waayeen arintaan maadama uu sheeganaayo Darmaan in uu metelo.

 

[Edited to clarify.]

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is after I witnessed that Somalia is no longer for Somalis, that Somalia has no hope whatsoever, and that Somalis will never have the dignity, sharaf, cizzo, sumcad and magac they used to have and enjoy, and that Somalia will never be a nation that is capable of governing itself while we have munaafiqiin in our midst who bring and invite foreigners without the consent of its citizens .

YES ,,, NUUNE WAS RIGHT

Share this post


Link to post
Share on other sites

darmaanrf0.jpg

 

C/nuur Darmaan: “Markii aan maxaabiista Soomaaliyeed ka sii deynayey xabsiyada Turkiga, mas’uuliyiinta dalkaas waxay igu qaabileen anigoo huwan darajada madaxweynaha Soomaaliya”

 

Dr. Cabdinuur Axmad Darmaan oo ah guddoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed oo taageerayaashiisu u doorteen inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya sanadkii 2003-da ayaa isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu qabtay magaalada Muqdisho waxaa uu cambaareeyey dilalka loo geysanaayo dadka ka shaqeynaya samafalka oo dhowaanahan ku soo badanayey magaalada Muqdisho, isagoo sheegay kuna eedeeyey iney ka dambeeyaan dad cadow ah oo doonaya iney gooyaan gacan kaalmo u fidineysa shacabka Soomaaliyeed.

 

Waxaa uu sheegay C/nuur Darmaan inuu ummadda Soomaaiyeed u soo jeedinaayo inay joojiyaan ugaarsiga ay ku hayaan shaqaalaha ka shaqeynaaya Samafalayaasha, kuwaas uu sheegay inay yihiin kuwo u adeegaya shacabka Soomaaliyeed, dhinaca kale, C/nuur Darmaan ayaa ka hadlay dadka Soomaaliyeed ee ku xirxiran wadamo dhowr ah oo ka tirsan qaarada Afrika “Aad bey u sahlan tahay sidii loo sii dayn lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku xir xiran dalka Tanzania iyo dalalka kale, waxaana jirta in ehalada dadka ku jira Xabsiyada dalkaasi aan u diray liiska Magacyada dadkaasi, haddii la keenana waa sahlan tahay, Balse waxaa jira dalal dhowr ah oo kale oo ay ku xiran yihiin Muwaadiniin Soomaali ah, waxaana dalalkaasi ka mid ah Malaawi, Mozambique iyo Ruwanda” ayuu yiri Cabdi Nuur Axmad Darmaan oo sheegay inuu weli isagu yahay Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Sidoo kale Cabdinuur Axmad Darmaan waxa uu ka hadalay qaabkii uu dalka Turkiga kula kulmay xiligii uu soo daynayay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xir xirnaa dalkeeda. “Waxaan Turkiga kula kulmay anigoo huwan darajo Madaxweyne Soomaliyeed, waxaana dowladda Turkiga u gudbiyay qoraal aan ugu sheegayo in dadka Soomaaliyeed ee ku xirxiran xabsiyadeeda ay igu soo wareejiso, weyna iga ogolaatay, waxeyna ii sheegeen in cidii doonta ee Soomaali ah darajadii ay sheegato ay ku qaabilayaan, arimahooda siyaasadeedna aysan faragashan doonin arrimahooda Siyaasadeed” ayuu yiri C/nuur Darmaan oo sheegay in ay Ummadda Soomaaliyeed ay u taalo cida ay dooranayso Darmaan iyo C/llaahi Yuusuf, wuxuuna sheegay inuu mar kasta dalka yimaado, islamarkaana uu inta badan howsha ka qabto dalka dibadiisa, maadaama ayuu yiri dalka aysan joogin safiirada wadamada caalamka si loogala hadlo arrimaha Soomaaliya.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this