Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Kiiniyaa Is Dagaashay

Recommended Posts

Maansadan waxa tiriyeye Maxamed Xirsi Guuleed. Waxay soo baxday 2008-01-31 Waxay ku saabsantahay xaaladda siyaasadeed ee dalka Kenya ee cakirantay iyo saadaasha mustaqbalka ee Soomaalida u fiicnaan lahayd. Wuxu Yidhi:

 

Kiiniyaa is dagaashay

Doorashay isku maagtay

Kun daday iska laysay

Sidii daad isu jiidhe

Daasaskii iska boobe

Qaxu gaadh deriskooda

Dalxiiskii imanaayey

Haddeer sooma dagaan

Kuwii sii degenaana

Degdeg uuga hayaame

 

Duqaydii u sarraysay

Dibnahay cunayaanoo

Isma daymo bogtaan

Inkastoo ergo door ah

Looga soo diray meelo

Way is diidan yihiin

Weli doodu jiq weeye

 

Taasi waa war duleede

Dad dhibaato haleeshay

Inkastoon lagu diirsan

Xigmad duuga ayaa leh

Duul musiibo ku hoortay

Dar kalaa ka macaasha

Waxan uuga danleeyey

Dulmigay madaxdoodu

Ka galeen dariskooda

Haddii uu dildillaacay

Darajaale ilaahoow

Dab hulaaqay ka yeel

 

Shirqoolkay dajiyeen

Duullaankay lallabeen

Dagaalkay holliyeen

Sidii duunyo xaraasha

Dadkay dhofinayeenee

Ka dajeen dhul axmaaro

Waxaas uuga dambeeyey

Sow digniin culus maaha?

Daa´inow mahadaalow

Dagaalkaa kacay maanta

Dabadheere ka yeeley

 

Darajaale ilaahoow

Annagoo isku diin ah

Annagoo isku diir ah

Annagoo isku dood ah

Annagoo isku dookh ah

Ayey dawlad hagaagta

Dacar noo mariyeen

Isku duubniyo xoogna

Dembay nooga dhigeene

Iyagaa kala diinoo

Iyagaa kala diiroo

Iyagaa kala dookhee

Dallna maaha waxaasiye

Dadkan laysku qasbaayo

Jabbaaroow kala daadi

 

Ilaahow darajaaloow

Janankii derdernaa iyo

Kornaylkii dad xasuuqe

Dar la jaada u yeeloo

Ergadii u dadaashaba

Diidnay uun kaga keen

 

Darajaale ilaahoow

Waxa ay is dilaanba

Marka ay isku daasho

Dan alloow na bidaanoo

Ergo soo dalbadaano

Degdeg noogu yimaadda

Farriin loogu diraayo

Doolow meel la yidhaa

Darmo loogu goglaayo

Digniina looga dhigaa:

Isk reeba nindoorka

Dila kii wax yaqaanna

Dafa kii hanti haysta

Intiina uugu damiir xun

Haddana uugu daciifsan

Haysa soo dabayaacdo

Degdeg noogu yimaadda

Dabadeed madashaasi

Dooda loogu naqaayo

Dawlad loogu dhisaayo

Doolow loo bixiyaa

Distoorna loogu qoraayo

Doolow loo bixiyaa

 

Darajaalle ilaahoow

Marka ay degi waydo

Askar ay dalbadaanoo

Gurmad aan u dirnaayo

Dabka aan ka dhignaayo

Dood kaleeto furnaayoo

Xalka uugu dambeeya

Dulucdiisu ahaato:

 

Kukuyooy dalka qayb

Dacalkaa idiinkaa lehe

Dawladdiina samaysta

Luwiyeey dalka qayb

Dacalkaa idiinka lehe

Dawladdiina samaysta

Masaayeey dalka qayb

Dacalkaa idinkaa lehe

Dawladdiina samaysta

Kalanjineey dalka qayb

Dacalkaa idinkaa lehe

Dawladdiina samaysta

Kambayeey dalka qayb

Dacalkaa idinkaa lehe

Dawladdiina samaysta

Kisiiyey dalka qayb

Dacalkaa idinkaa lehe

Dawladdiina samaysta

Meeruyey dalka qayb

Dacalkaa idinkaa lehe

Dawladdiina samaysta

Soomaalaay dalka qayb

Dacalkaa idiinka lehe

Iska raaca dadkiina

 

Saacaddaa dabadeed

Haddii aad is dishaan

Annagaydin difaaci

Haddii laydinku duulo

Annagaydin difaaci

Deeradiyo ugaadhiyo

Dugaagaa wax cunaayiyo

Duurjoogtaad xannibteenee

Dalxiiska loogu yimaadana

Waysku sii dilaysaane

Annagaa dabbarayna

Daynna waydunku leennay

 

Digaashaa yaa afrikaan

Dawladna maydun ahayne

Ninkastaa ha danaysto

 

 

Maxamed Xirsi Guuuleed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this