Jacaylbaro Posted January 10, 2008 Laascanood (Qaran)-Waxaa maalmihii lasoo dhaafay ay dibuhabayn ku socotay Guriga Gobolka Dawlada Hoose iyo Maxkamada Gobolka,dibuhabayntaa oo ay bixisay Dawlada Somaliland kadib markii ay la wareegtay gacan ku hanyta Gobolka Sool kalana wareegtay maamulka Puntland. Dibuhabaynta lagu samaynayay goobaha Dawlada ayaa keentay kadib markii maamulka Somaliland uu bixiyay dhawr mashruuc oo wax lagaga badalayo qaabka xafiisyada Dawlada ee kuyaal magaalada Laascaanood kuwaas oo ahaa kuwo aad u dayacan. Axmed Cabdi Timir oo ahaa gadhwadeenka hawsha mashruuca dibuhabaynta Guriga Gobolka Sool kana mid ah ganacsata Gobolka oo aan la kulanay ayaa waxaan wax ka waydiinay sida ay hawshu ku bilaabatay iyo cidda mashruucan sida tooska u fangaranaysay?. Hadaba Axmed oo su’aashaa ka jawaabayaa ayaa waxa uu yiri waxa aan kamid ahaa shaqsiyaad ganacsato ah kuwaas oo lagu kala magacaabay dhawr mashruuc oo wax looga kala qabanayo xafiisada Dawlada ee ku yaal magaalada Laascaanood kuwaas oo dayactir iyo dibu habayntoona aan helin tan iyo Dawladii dhexe ee dalka waxaana mashruucan bixiyay Dawlada Somaliland ee maaha mid hay’ado bixiyeen. Hadaba goobaha dawlada oo horey u ahaa meel marka aad aragto aadan maankaaga uusan kusoo dhacayn waa xarun dawlaeed oo teetal sare leh oo ahayd meel si wayn uburburswanayd waxna uusan ka qaban maamulka Puntland intii uu gacanta ku hayay Gobolka ayaa hadda waxa ay umuuqataa meel lagu tilmaami karo xafiis Dawladeed oo wax wayna laga qabtay walina uu hadda socdoto hawsheedii. Qarannews Laascanood Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites
A.J. Posted January 10, 2008 Another positive development in the region,, things are starting to go back on the right road. Quote Share this post Link to post Share on other sites