Jacaylbaro Posted January 2, 2008 Hargeysa (Jam)- Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay soo saaray go’aan ku saabsan dhaqangelinta xeerka ka-hortagga iyo ku-tagrifalka hantida qaranka iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa. Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu xalay fiidkii soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada. Warsaxaafadeedkaas oo faahfaahsanna waxa uu u dhignaa sidan: “Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta [shalay] soo saaray go’aan ku saabsan dhaqan-gelinta Xeerka Ka-hortagga Ku-tagri-falidda Hantida Qaranka iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa. Madaxweynuhu isaga oo tixgelinaya oggolaanshihii Golaha Wasiirada iyo go’aankii Golaha Wakiillada Somaliland ee ku salaysnaa go’aankaas oo ay hore u ansixiyeen, waxa uu go’aansaday in uu dhaqangalo xeerka lambarkiisu yahay 302/2007 oo la xidhiidha Ka-hortagga Ku-tagri-falidda Hantida Qaranka iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa, xeerkaas oo waafaqsan qodobka 75-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa daraadeed, ay lagama maarmaan tahay in go’aankaas uu si rasmi ah u dhaqangalo, loona faafiyo.” Jamhuuriya Online Quote Share this post Link to post Share on other sites