Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The Anti-Corruption Law Signed by the President

Recommended Posts

Hargeysa (Jam)- Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay soo saaray go’aan ku saabsan dhaqangelinta xeerka ka-hortagga iyo ku-tagrifalka hantida qaranka iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa. Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu xalay fiidkii soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada.

 

Warsaxaafadeedkaas oo faahfaahsanna waxa uu u dhignaa sidan:

 

“Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta [shalay] soo saaray go’aan ku saabsan dhaqan-gelinta Xeerka Ka-hortagga Ku-tagri-falidda Hantida Qaranka iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa.

 

Madaxweynuhu isaga oo tixgelinaya oggolaanshihii Golaha Wasiirada iyo go’aankii Golaha Wakiillada Somaliland ee ku salaysnaa go’aankaas oo ay hore u ansixiyeen, waxa uu go’aansaday in uu dhaqangalo xeerka lambarkiisu yahay 302/2007 oo la xidhiidha Ka-hortagga Ku-tagri-falidda Hantida Qaranka iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa, xeerkaas oo waafaqsan qodobka 75-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Sidaa daraadeed, ay lagama maarmaan tahay in go’aankaas uu si rasmi ah u dhaqangalo, loona faafiyo.”

 

 

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this