Sign in to follow this  
Jacaylbaro

And the Arresting continues in Somaliland

Recommended Posts

hadhwanaag 2007-11-12 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Ciidamada Booliska ee Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa maanta Xabsiga u taxaabay 10 qof oo isugu jiray Masuuliyiinta Urur Siyaasdeedka Qaran iyo qaar ka mida taageerayaashooda Iyada oo qaar kalena la raad-goobayo

 

Xadhiga tobankan qof oo todoba ka mid ahi ahaayeen taageerayaasha Ururka Qaran oo lagu qab-qabtay Magaalada Burco, kadib markii ay Saaka abaabuleen banaan bax ay kaga soo hor-jeedaan Xadhiga Madaxda Ururka Qaran ee ku xidhan Xabsiga Man-dheera muddo 3 bilood iyo in ka badan.

 

Sida uu ku soo waramayo Weriyaha Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ee Magaalada Burco Cabdi Salaan Maxamuud Ducaale [il-kacase] inay Xadhiga raggan oo ahaa dad shiciba inay ka danbeysay, kadib markii ay Sameeyeen banaan bax ay kaga soo hor-jeedaan Xadhiga Hogaanka Ururka Qaran.

 

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere oo aanu wax ka weydiinay Xidhiga dadkan ay xidh-xidheen ayaa waxa uu yidhi. “Waxaanu dadkan u xidh-xidhnay iyaga oo aan wax fasaxa ka soo qaadan Gobolka ayey Banaan bax Sameeyeen, sababta keentay inaanu dadkan qab-qabanaana waa taas”

 

Halka, Sadexda kale oo qaar ka mid ahi ay yihiin Masuuliyiinta Sar sare ee Ururka Qaran ayey Saaka Ciidamada Boolisku ka soo qab-qabteen aqaladooda oo Xabsiga loo taxaabay, kuwaas oo kala ah Af-hayeenkii Ururka Qaran Maxamed Cabdi Daa’uud, Muxyadiin MursalGaboose iyo Cismaan Yuusuf Gaboose oo saaka Subaxnimadii laga soo qab-qabtay aqaladooda.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Cirro] oo ka hadlayey xadhiga Masuuliyiintan ayaa waxa uu sheegay inay xubnahaasi abaabulayeen banaan bax aanay ruqsad u heysan oo ay Wasaaradu diiday oo ay rabeen inay maanta [isniin] ka dhigaan Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

 

Md. Ismaaciil Cali Cirro waxa kale oo uu sheegay sida ay Boolisku Warka ku heleen inay dadkaasi ku hawlanaayeen nabad-gelyo daro oo ay hub uruursanayeen.

 

Dhinaca kale, Maxamed Cabdi Daa’uud oo ka mida Guddida Fulinta ee Urur Siyaasadeedka Qaran oo saaka abaaro 6:30 Subaxnimo laga soo qabtay isaga oo wakhtigaa aqalkiisa ku sugnaa, oo ku xidhan Saladhiga Kood-buur ee Magaalada Hargeysa oo aanu Caawa khadka tilifoonka Gacanta ee Mobile-ka kula xidhiidhnay ayaa waxanu wax ka weydiinay sida uu u arko Xadhigiisa, waxa uu yidhi “Xadhigeyga waxaan u arkaa mid sharci darro ah oo dulmiya oo keli-talisnimo ah oo aan loo soo marin dariiqii saxda ee Sharcigu jideeyey, waayo waxay ahayd inay Waaran Xadhigaygau si-taan, ee may ahayn in Sida Digaaga Xero na lagu soo Xareeyo”

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Ilaa imika waxaan u xidhanay ma garanayo, in nala sii daayo iyo in kale-na ma garanayo”.

 

Maxamed Cabdi Daa’uud waxa uu ku dooday inuu Dastuurka Somaliland u fasaxayo inay dadka Muwaadiniintu shucuurtooda ku muujiyaan banaan bax, isla markaana banaan baxan ay ogeysiiyeen Wasaarada arrimaha Gudaha, oo aanay wadin wax khal-khal gelinayaa Nabad-gelyada.

 

Si kastaba ha ahaate, Boolis fara badan ayaa saaka lagu arkayey Wadooyinka waaweyn iyo Magaalada Hargeysa qaarkood, kuwaas oo ka baqo qabay inuu mudaharaad dalka ka dhaco, halka ay tibaaxayaan wararka naga soo gaadhaya Magaalada Burco-na inay Boolisku kala didiyeen dad banaan baxayey oo Baabuur Saarnaa.

 

Xadhiga raggan ayaa daba socday Mudaharaad ay ku dhawaaqeen Guddida Hogaanka Ku meel gaadhka ee Urur Qaran inay maanta oo ah Isniin inuu ka dhaco la filayey Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, kaas oo ay ku tilmaameen inay kaga soo horjeedeen Xadhiga Gudoomiyihii Ururka Qaran Maxamed Cabdi Gaboose iyo labadiisii ku-xigeen Maxamed Xaashi iyo Jamaal Caydiid oo muddo sadex bilood iyo in ka badan ku xidhan Xabsiga mandheera, balse ay Xukuummadu is-hortaagtay inuu dalka ka dhaco banaan baxaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this