General Duke Posted November 13, 2007 FariintaWC:- Abuu Maansuur Ilaaheey kaama xigo!! Dhab ka hadalka Waagacusub.com Mukhtaar Rooboow Cali oo berya dhexe la baxay Abuu Maansuur wuxuu ahaa ku xigeenka madaxa Amaanka ee Maxaakiimta Islaamka ee Xajka Cibaadeeysi u tagay markii xulufadda Itoobiyaanka iyo dowlada federalka ee iskaashanayay ku soo fideen degaankii uu masuuliyadiisa sheeganayay sida Daynuuneey iyo Iidaale ,isagoo halgankiisii ku dhameeystay inuu Jiddeh ka habaartamo halkii la filayay inuu noloshiisa ku difaaco dalka iyo diinta uu balanqaaday inuu u dhimanayo. Rooboow wuxuu joogay dalka Sacuudigga markii Soomaaliya dirirta ugu culusi ka jirtay isagoo kadibna u gudbay dalka Ereteria markii Maxaakiimta Islaamka ay ka barakaceen inta badan ee goboladda koofurta iyo kuwa dhexe ,wuxuuna dadaal weyn u galay Mukhtaar Rooboow inuu noqdo Xoghayaha difaaca ee Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya balse xilkaasi waa loo garan waayay markii la fiiriyay waxa uu ku soo kordhin karo Halgamada hubeysan ee Islaamiga iyo wadaniga. Wuxuu caro ku tagay Dalka Qatar,wuxuuna uga sii gudbay Sacuudiga isagoo dhuumaaleeysi ugu dambeyn ku soo galay Dalka Soomaaliya,waqtigaas oo uu hore ka bilaabay nacaybshaha iyo dacaayada xulufadda Casmara ee xilka u diiday,wuxuuna ugu dambeyn rabitaankiisa shaqsiyadeed uu ku riixay inuu sheegto jago aan la isku raacsaneeyn ee Afhayeenimadda Dhaqdhaqaaqa Shabaabka Soomaaliya ama Xoogaga isbiirsaday ee dagaalada ka wada Muqdisho. ' Quote Share this post Link to post Share on other sites