Sign in to follow this  
General Duke

News in Audio + TFG troops search for illegal weapons

Recommended Posts

Ciidamada dowladda KMG ah ee soomaaliya oo Maanta howl-gal ay sameeyeen ku soo saaray miino.

 

May-21-2007-HornAfrik, Mogadishu

 

Ciidamada dowladda fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta howlgalo ay ka sameeyeen agagaarka Hotelka Ramadaan iyo meel u dhaw xarunta warshada COCO-COLA ee Magaalada Muqdisho ayey ku soo saareen miino dhulka kujirtay iyo waliba hub si sharci daro ah loo haystay.

 

Ciidamo katirsan dowladda fadaraalka Soomaaliya ayaa howlgal ay maanta ka sameeyeen agagaarka hotelka ramadaan ku soo saaray miino halkaasi kujirtay.

 

Howlgalkii ay Maanta Ciidamada ay sameeyeen ayey guri kuyaalay xaafada COCO COLA ee degmada Yaaqshiid ka heleen hub sida ay hornafrik u xaqiijiyeen dad ka agdhawaa goobtaasi.

 

Ma ahan markii ugu horaysay oo Ciidamada dowladda fadaraalka soomaaliya ay howlgal nuucaan oo kale ah ku soo saaraan miino iyo waxyaabo qarxa ay gacanta ku dhigeen.

 

Maalmihii ugu dambeeyey Ciidamada nabad ilaalinta ee midowga Africa oo kaashanaya kuwa itoobiyaanka ayaa baaritaano ay sameeyeen waxay ku soo saareen hub iyo miinooyin aad u fara badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

cidankadfs.jpg

Ciidamada Dowladda F. Oo Soo Qabqabtay Rag Xiran Dareyska Ciidamada Oo Dhac Geysanaya

Muqdisho(Calanka.com) 21-May-2007

 

Ciidamada saldhigga degmada Howlwadaag ayaa howlgalo ey fuliyeen waxa ey kusoo qabqabteen kooxo xirnaa dareeska ciidamada oo dhac iyo isbaaro u geysanayey dadka kuwaasoo ey ciidamada u taxaabeen xabsiga.

 

Taliyaha ciidamada saldhigga Howlwadaag Bashiir Qaasim oo sheegay tirada burcada ey soo qabqabteen ey yihiin ilaa sadex burcad eyna ka qaadanayeen dadka wixi ey haystaan siiba mobilada iyagoo iska dhigaya ciidamada dowladda watana bistoolado

 

Taliyaha ayaa sheegay in ey howlgallada ceynkan oo kale ah ey sii wadi doonaan tan iyo inta ey ka sifeynayaan kooxaha ku qaraabta magaca iyo dharka ciidamada dowladda.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo howlgallo ceynkan oo kale ah sameeyaan ciidamada dowladda oo ey kusoo qabqabtaan tuugada iyo raga soo qaata dareeska ciidamada.

 

Deegaanka afar-irdood ee degmada Xamarweyne ayaa waxa ey sidoo kale kasoo qabqabteen ciidamada dowladda kooxo xiran dareska ciidamada oo dhac ka geysanayey halkaa.

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:Ciidamada Dawlada Soomaaliya oo hawlgalo ka sameeyey Xaafadaha ku dhow dhow Vila Soomaaliya.

 

21. maj 2007

 

 

Muqdisho(AllPuntland)-Ciidamada Dawlada Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada dawlada Itoobiya ayaa waxa ay saaka hawlgalo ka sameeyeen xaafadaha ku dhow dhow Vila Soomaaliya oo uu dagan yahay madaxweynaha dawlada Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Ciidamada dawlada Soomaaliya ayaa waxa ay hawlgaladaasi ka sameeyaan guryo looga shakisanaa in hub lugu qarinayo waxaana lasheegay in dhamaan guryahaasi gudaha ay ugaleen ciidamada dawlada Soomaaliya.

 

Hawlgaladan waxaa lasheegay in aan lugu soo qaban wax hub,inkastoo hakadla galiyay gaadiidka BL-ka looyaqaano oo wadadaasi isticmaali jiray.

 

Warar kala duwan ayaa waxa ay ka soo baxayaan sababaha xiligan keenay hawlgaladan waxaana lasheegayaa in ay ka danbaysey ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in xaafadaha kuyaala agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.

 

Hawlgaladan oo qaatay saacado ayaa waxaa ciidamada dawlada Itoobiya waxa ay ku wareejiyeen sugitaanka wadooyinkaasi soo gala Vila Soomaaliya ciidamada dawlada Soomaaliya oo iskugu jira Boolis Iyo milateri.

 

Waa markii ugu horaysay tan iyo markii dawlada Soomaaliya lawareegtay Caasumada Soomaaliya oo hawlgaladan oo kale laga sameeyo agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this