Ameer Posted May 28, 2010 Shariif Xasan Sh. Adan oo ku guuleystay doorashada guddoomiyaha Baarlmaanka Soomaaliyeed Jimco, May 28, 2010 (HOL) - Wararka naga soo gaaray goobta ay ka dhacayso doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in Mudane Shariif Xasan Sh. Adan ku guuleystay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed. Mudan Shariif Xasan ayaa wareegii 1-aad helay 219 cod halka qofkii ku soo dhawaa uu ah Muane Cabdi Xaashi Cabdullahisi helay 147 cod. Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka dib ka tanaasulay in uu isu soo taago wareega 2-aad sidaa ayuu ku guuleystay Mudane Shariif Xasan . Xildhibaanada halkaa joogay oo codkooda dhiibtayaa ayaa dhammaa 388 xildhibaan Warbixin dheeraad oo doorashadan ku saabsan ayaan dhawaan idiin soo gudbindoonaa Souce Hiiraan.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
UZTAAD Posted May 28, 2010 sharif sakiin asaga ayaa is doortey, aadan madoobe buu meesha ka bannaystey. wallee waa nin balaayo ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted May 28, 2010 Shariif Xassan Shiikh Adam oo ku guuleystey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya May 28, 2010 Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u doortey Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh Adam, Xildhibaanka ayaa waxaa la tartamaayey musharixiin gaaraya 4 kuwaas oo sadex kamid ah ay ka tanaasuleen tartankii, kuwaas oo kala aha: Xil. Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Xil. Axmed Cabdullaahi Xuseen (Fanax) Xil. Cabdikaafi Macalin Xassan Shariif Xassan ayaa helay codad gaaraya 217 cod halka Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu halay 143 cod, xildhibaanada goobta fadhiyey ayaa dhamaa 388 xildhibaan. Kadib doorashada ayaa waxaa isla goobtii lagu dhaariyey Shariif Xassan, waxaana uu ku fariistey kursigii Guddoomiyaha Baarlamaanka. Waa markii labaad ee loo doortey booska afhayeenka sanadkii 2004-tii ayaa Xildhbaano gaaraya 180 xildhibaan u doorteen in uu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka, waqtigaas oo uu ku cusbaa siyaasadda Soomaaliya. Waxaa xilka laga qaadey sanadkii 2007 kadib markii uu ku biireey xoogaga mucaaradka, waxaana lagu baddalay Shiikh Adan Madoobe, oo isaga lagu cadaadiyey in uu xilka iska casilo. Xildhibaanka la tartamaayey Shariif Xassan oo magiciisa la yiraahdo Xil.Cabdi Xaashi ayaa ka soo galay baarlamaanka Gobolada Waqooyi ama Somaliland, waxaana la sheegayaa in uu taageero ka haystey Madaxweynaha Dawladda Federaalka. Dhanka kale waxaa maanta aad loo adkeeyey amaanka xarunta doorashadu ka dhacaysey, mana jirin wax rabshado ah oo dhacay intii doorashadu socotey xoogaga mucaaradka ayaan wax madaafiic ah ku ridin, mudadii doorashadu socotey. Amina Axmed Cali (Ladan) Muqdisho, Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted May 28, 2010 Nin dooran doorta xaw dhahdeen! Oraah Soomaali baa oranaysa "Ninkii khayrkii loo xiirayoow adna soo qoyso" Madaxweyne Sharif muxuu sugayaa, this guy wuu u dhaarsan yahay shaki kuma jiree, hadduusan is geddin oo haddana siyaasad kale hoosta kala soo bixin. Runtii, Soomaaliya in labo jeer la xoreeyo ayay u baahan tahay, marka koowaad Xariif Xasan in laga xoreeyo, marka labaadna Al-habaab. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted May 28, 2010 lol @ Nin dooran doorta xaw dhahdeen! wuu iska dooranaa miyaa sheekadu? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted May 28, 2010 Originally posted by Allamagan: lol @ Nin dooran doorta xaw dhahdeen! wuu iska dooranaa miyaa sheekadu? lol...arkeysidaa saaxiib. Waa iska caddayd markii ay ka billaabatay baarlamaanka gudihiisa doodda ah in Aadan Madoobe wakhtigiisii dhammaaday ay arrintu tahay in Xariif Xasan meesha u soo xusul-duubayo. Anigu kolleyba wakhtigaas ayaan maqlay in xariifku uu diyaargarow ku jiro. Quote Share this post Link to post Share on other sites