Jacaylbaro Posted January 3, 2009 Baarlamaanak Puntlanda ayaa waxaa y maanta doorteen Gudoomiyihii Baarlamaanka maamul Goboleedka Puntland oo maalmihii u danbeeyay si wayn loo hadal hayay doorshada cidda noqon doonta kadib markii xubnihii sida wayn isha loogu hayay inay isu soo taagi doonaan doorashada Puntland ay ka gaabiyeen lana waayay cid isu soo taagta. Gudoomiyahan cusub ee C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa waxa uu isu soo taagay xilka Gudoomiyenimada Baarlamaanka Puntland kadib markii uu waayay cid isla soo sharaxda iyadoo Gudoomiyuhuu kasoo jeedo Gobolka Mudug uuna ka dhashay Beesha ******** iyadoo xilkani ay tan iyo intii Puntland dhidibada loo tagaay ay soo qaban jireen Gudoomiyayaal kasoo jeeda Sanaag Barri. Siihayaha Guddoomiyaha Barlamaanka Axmed Cali Xaashi ayaa waxa uu ku dhawaaqay in xilka Gudoomiyenimada Puntland uu ku guulaystay C/rashiid Maxamed Xirsi kadib markii ay dhacday cod far taag ah uuna sidaa ku helay uuna xilkiisu yahay ansax taas oo ay si wayn ugaga mahad celiyeen masuuliyiintii halkaasi kahadshay. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadalay Gudoomiyaha Cusub oo u mahad celiyay xildhibaanada kasoo qayb galay madashan isagoo halkaasi ka balan qadaay inuu si sharci ah cadaaladna ah uu u gudan doono xilka wayn ee miisaanka leh ee loo diibtay taas oo ay si wayn ugu sacbiyeen xildhibaanadii iyo waliba masuuliyiintii halkaasi ku sugnayd. Hadaba waxaa la filayaa in ay maalmaha soo socda ay yeelan doonaan Baarlamaanka Puntalnd kalfadhiyadoodii caadiga ahayd iyadoo sidoo kalena la filayo inay soo dhisan doonaan gudiyadooda iyo waliba arinta ugu wayn oo ah in 08/01/2009 ay dooran doonaan madaxwayanaha qaban doona xilka madaxwaynenimo ee Puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites