Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Buur Madow as Boqorka Borrada Soomaaliyeed

Recommended Posts

Liibiya(Qarannews)-Shir ay isugu yimaadaan Boqorada Afrika Sanad walba Bisha sagaalaad Sageelkeeda ayaa lagu qabtay sanadkan 09/09/09 wadanka Liibiya kalfadhiga Boqorada Qaaradda Afrika, Shirkan ay ka soo qayb galeen boqoro aad u fara badan oo ka kala yimi wadamada kaladuwan ee Afrika.

 

Fikradda Shirkan in la qabto sanad kasta waxaa aasaasay oo iska leh Hogaamiyaha wadanka Liibiya Muammar Al-Qaddafi ahna Hogaamiyaha ururka Midowga Afrika, Ujeedada looqabto in laysugu yimaado Shirkan sanad walba waxay tahay Sidii loo adkayn lahaa Dhaqankii Afrika talada Afrika sidii loogusoo celin lahaa Hogaanka iyo tallooyinka Boqorada iyo Salaadiinta Dhaqanka , waxa ay Boqorada isugu yimi shirkan isku afgarteen in meesha qudha ee laysiga ilaalin karo inuu gumeysi ku soo noqdo Afrika ay tahay inay doortaan ayna caleemo saaraan sanad kasta Boqor Afrikaan ah.

 

Shirkaas waxa lagu casuumay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) iyo wefti uu hogaaminayo , waxana Boqorada Soomaaliyeed ee shirka ka soo qayb galay u caleemo saareen Boqorka Boqoradda Soomaaliyeed sanadkan 09/09/09 inuu noqdo Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) .

 

Waxa ay Boqoradaas Afrkaanka ah ay u doorteen oo cusbooneeyey Al-Qaddafi inuu ahaado Boqorka Boqoradda Afrika sanadkan 09/09/09 , waxa kale ee Goluhu sanadkan ansixiyey maamul kooban oo sanad walba labedeli doono sanadkasta boqor ayaa ka madaxnoqondoona iyada oo sanadba uu wadan hayn doono sida Ururka Midawga Afrika.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this