Sign in to follow this  
Jabhad

Mogadishu residents are out to defend our prophet muhammad scw and our religion Islam

Recommended Posts

Jabhad   

Soomaaliya oo maanta dunida muslimka la qeybsatay Jawaabtii laga bixiyey Ihaanadii uu u geystay mid ka mid ah Jaraa’idka Denmark rasuulkii ILLAAHEY NNKH-ahaatee

Mudaharaad.gif

Waxaa maanta ka kala dhacay xilliga salaad Jimcaha kadib banaabnbaxyo ay ka soo qeybgaleen kumanaan kun oo Soomaali ah magaalada Muqdisho & inta badan gobolada dalka Soomaaliya, waxaana banaanbaxaasi lagaga soo horjeeday cartoon lagu aflagaadeeyey Nebi Muxamad NNKH-ahaatee oo ku soo baxay mid ka mid ah Jaraa’idada ka soo baxa dalka Denmark, ayna sii xigteen wargeysyo kale oo reer Yurub ah.

 

Fagaaraha Tarabuunka oo ay isugu soo baxeen dadkii salaadda Jimce ku soo tukaday masaajidada magaalada Muqdisho ayaa lagu gubay calamada dalalka Denmark & Norway, iyadoo dadkii ka soo qeybgalay banaanbaxaasi oo kor u sida Kitaabka ALLE ay iyagoo caro ka muuqatay ay ku qeylinayeen hal ku dhigyo liddi ku ah dowladaha Faransiiska, Norway & Denmark, waxaana dadkii banaanbaxa ka dhacay Tarabuunka ka hadlay ka mid ahaa madaxweynaha TNG-dii Carta Dr. C/qaasim Salaad Xasan oo uga mahadceliyey banaanbaxayaasha shucuurta ka muuqatay, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la lacnado wax kasta oo wax loogu dhimayo sharafta Rasuulkooda Muxamed oo ah Nabigii lagu khatimay anbiyada ALLE.

Mudaharaad1.gif

Gobolada Sh/hoose, Garoowe, Boosaaso & magaalooyin kale oo ka tirsan dalka Soomaaliya ayaa banaanbax la mid ah kan Muqdisho ka dhacay lagu qabtay, iyadoo ay tahay markii ugu horreysay ee gobolada Soomaaliya mar keliya lagu qabto banaanbax isku ujeedo ah.

 

 

Jariirada dalka Faransiiska ee France Soir & Idaacadda BBC-da ayaa xaaladda uga daray shalay markii ay ku celiyeen sawiradii lagu fadeexeynayay Nabiga SCW, waxaana ay warbaahintaasu sheegeen wax ay ku tilmaameen in xoriyadda Ra’yiga reer Yurub haystaan aanay xayiri karin diinta Islaamka.

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan,Dayniile,Muqdisho

 

More pics

Calan_gubid.jpg

Shirwac.jpg

C_Qaasin.jpg

Dadweynah_Banaanbax.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Yeniceri   

^^

 

Thanks for the post. Somalis needed to join the rest of the Muslim world in condemning Denmark - the source of it all.

 

And the pictures are wonderful!

 

p.s. According to SBC, a demonstration also took place in Garoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this