Sign in to follow this  
Coloow

Disturbing development: this bad copy of the TFG is selling our souls

Recommended Posts

Coloow   

Assalamu calaykum,

 

Cabdullahi Yusufow xaal qaado adeer. I was a critic of the TFG known as lackeys inc for allowing Ethiopian soldiers march into somalia and in the process murdering, raping and maiming somalis.

 

We had a sigh of relief when the bu-gger left the scene.

 

Xiin so called Peace momentum and caravan; and the aftermath;

kud ka guur oo qanj u guur.

 

How naive we were; how disappointed we soon became. We hoped that there will be change- a real change to tackle the depressing issues that haunt somalia.

 

Before we knew it, it was the same old process; the 4,5 BS (It is really disturbing to read people who at first glance sound fairly smart supporting this maligma). There is nothing good about tribalism (despite Baashi's rants). It is a killer disease; it erodes you ability to reason; it hampers your capacity to think as a human being; It makes you silly; it is a unit that breaks into sub-units; sub-sub units; infinite. This deporable issue is what is holding our nation back; This is toxicating our souls.

 

Qabilism is a big business; it is even used by somali sheikhs (Bismilahi Rahmam Raxiim; ilaahey wuxuu yiri waxaan idin kala qeybinay qabiilooyin (....) sidaasi darted uma arko inuu qabiilka wax xun yahay- is a common narrative given by sheikhs high on the need for qabiil power; and a few bucks; (in the old days a zab or zaka did the trick). These qacli yarayaal- calooshooda u roon- forgot that Allah was not talking about the reer quracs, the reer qanasacs etc who have socially constructed their qabiil.

 

Qabilbased and Religious entrepreneurship is a dangerous combination and what is happening today!!!

 

In the sixties, Abdirashid Ali Sharmarke was everywhere; Arusha, Uganda; the UK, Italy and the arab countries talking (and according to many nearly exchanged blows with the black neo-colonialists. His message was clear; the nation known as somalia is for somalis (yes, a person of somali origin is called a somali- not somalien/ian (sounds like alien). In fact, the somali constitution and the later so called dastuurs carry this in the preamble!).

 

Abdirashid and the rest of the true somalis at the time were first and foremost concerned for somalis colonised by Kenya, France and Ethiopia. The NFD people recall the so called shifta wars (freedom fighting wars); the Djiboutians recall how somalis from everywhere supported their struggle to be free; soomali galbeed iskaba daa.

 

As far as I recall, only two areas in somali-proper (JDS) was ever occupied by an enemy; Balan-baal and galdogob. This is very significant because occupying is not the same as colonising; the NFD and western somalia are colonised; Balanbaal and Galdogob were occupied.

 

It was with great dismay that I read that the hotel-created-qabil- infested-low in IQ- high on getting funds had agreed (or signed a MoU) with Kenya on "disputed territory". I have read the memo (and I hope our sophist can help us reveal the implication) and it appears that a part of somali proper has been sacrificed; the romour mills state that there are natural resources.

 

And guess who agreed to this sell out? the son of our great hero Abdirashid Ali Sharmarke. I wonder when this pseudo-somali government will sell Beled xawo, Doolow, dhuusaay, Ceelberde, qorac joomo, Dhoobley,Beledweyne, Balanbaal, Galdogob; Buhooldle, oodweyne all the way to half of Awdal etc.

I guess the "f..." Cumar (he is not even worth the same sharmarke at the end) got the kenyan authorities to collect taxes from goods into somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Dawladda Soomaaliya oo saxiixdey heshiis Kenya muddo raadineysey.

 

Warkii 08-Apr-2009 iyo Qormadii: Afnugaal New Desk

 

Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi heshiis lagu magacaabey is fahan dhanka xuduudaha badda Soomaaliya iyo Kenya ah ayaan lagu kala saxeexday kaas oo ay kala saxeexdeen Dawlada Kenya iyo Somalia.

 

 

Heshiiskan ayaa waxaa saxiixay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur & wasiirka Arimaha Dibadda ee Kenya Moses Wetang’ula.

 

Heshiiskan ayaa ka dhacay Xarunta Wasaardda Arimaha Dibadda ee Kenya, waxaa goobjoog ahaa heshiiskan:

 

Amb. Longve Hans Wilhelm, la taliyaha khaaska ah ee Wasaarada Arrimaha Dibada ee Norway, iyo weliba Ms.Rina Kristmoen oo ka socotey Safaaradda Norway ee Nairobi.

 

Heshiiskan waxa uu muhimad gaar ah u lee yahay dalka Kenya, sababta oo ah waxaa ku cad in Badda Soomaaliya iyo Kenya aysanba xadeysneyn, sidaas darteedna ay tahay goob muran ku jiro, taas oo Kenya u sahleysa in ay hesho Ceelka ay saliida ka sahansatey dhulbadeedka ku aadan Xeebta Jubada Hoose ee Soomaaliya.

 

Ma jirin cid khuburo sharciga badaha ah oo Soomaaliya ka socotey oo madasha ku sugneyd, Meesha heshiiskan muhiimka ah ka dhacayna waa xarunta Wasaaradii arrimaha dibadda ee Kenya!

 

Wasiirka Qorsheyntu Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxa uu sheegay in Madaxweyne Shiikh Shariif & Raysalwasaare Sharmarke ay la og yihiin heshiiskan.

 

Websiteka Somalitalk.Com ayaa asbuucan horaantyiisi soo bandhigay xog rasmi ah oo la doonayo in Badda Soomaaliya la qaybsado, arintan ayey qaylodhaan xoogleh ka soosaareen.Qaramada Midoobay ayaa u qabatay illaa iyo 13ka bisha soo socota ee May 2009 in wadamada caalamka ay kusoo gudbiyaan xaduudahooda bada, ayadoo wadan walba uu si gaar ah ugu gudbinayo hay’ ada qaabilsan arrimahan.

Waxaa hubaal ah heshiiskan lagu saxiixay caawa magaalada Nairobi in shaki weyn ku jiro isla markaana uu dalka Soomaaliya ku dhumin karo dhul badeed baaxadleh iyo waliba waxa ku hoos jira oo hada Dowlada Kenya u heshay qiil ay ku sheegato.

 

Halkan ka dhegayso Waraysiga Wasiirka & Khuburo ka hadlaaya arintan :

 

Dhegeyso ama soo rogo

Hadal Cajiib ah!

 

Shakiga ugu weyn ee heshiiskan iyo cabsida dadka khubarada ah ayaa rumowday kadib markii uu Wasiirka Soomaaliyeed ee heshiiskan saxiixay Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu caawa BBC-da u sheegay in Bada u dhaxeysa Somaliya iyo Kenya aysan ahayn mid xadeysan oo horey loo cabiray.

 

Warkaasi Wasiirka ayaa ah mid aan wax ka jirin, maadaama Bada Soomaaliya iyo xadkeeda uu horey u sharciyeysnaa isla markaana u cabirnaa, arrintan ayaa muujineysa wel welka iyo mucjisada ah aqoon yarida Wasiirka ee dhinaca xuduudaha.

 

Wasiirku ayaa asagu ku adkeystay in Xadka Soomaaliya uusan waxna iska bedali doonin, balse labada dal ku heshiiyeen in ay sidaa wax ugu gudbistaan xuduudahooda Qaramada Midoobay kahor 13ka bisha May.

 

Hadaba sidee Wasiirka ku ogaaday in Xaduudaha Bada aysan isbedali doonin haduuba sheegay in Xadka Soomaaliya ee Bada uusan ahayn mid cabiran???

 

Illeen haduu sheegay in xadka bada uusan cabirneyn micnaheedu waa shaki baa ku jira oo mustaqbalka waa uu is bedali karaa. Waana qodobkan midka ugu muhiimsan oo ay Kenya ka heshay saxiixan, waa hadii sheekadu u dhacday sida uu Wasiirka u hadlay si lamid ah.

 

Wasiirka ayaa sheegay in khubaro Somali iyo Ajaanib ah ay dowlada kala taliyeen arrintan, asagoo sheegay in khubaradaasi ay sadex maalmood joogeen magaalada Muqdisho, walow uusan magacaabin khubaradaasi la taliyey Dowlada Soomaaliya.

 

Hadalka ah Xaduudaha bada ee Somaliya iyo Kenya ma qeexna ama lama xakameyn ayaa ah hadal horey uga soo yeeray dowlada Kenya oo hada u malabsaneysa qeybo kamid ah Bada koonfureed ee Soomaaliya halkaasi oo ku beegan magaalada Kismaayo, kana mid ah meelaha lagu sheego inuu ku jiro batrool iyo Gaas.

 

Waxaana la yaab noqotay in Wasiir Soomaaliyeed uu ku hadlo hadalkii Kenya isla markaana shaki geliyo xuduudaha Soomaaliya oo horey loo cabiray heshiisyadii hore ee caalamiga ahaa illaa xiliyadii ay wadanka maamulayeen Gumeystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska.

 

Xuduuda bada Soomaaliya ayaa ah mid calaamadeedu raaceyso halka uu ku egyahay xadka Soomaaliya, balse Kenya ayaa ayadu horey ugu gudbisay Qaramada Midoobay in xadkeedu uu dhexmaro qaar kamid ah Shanta Jasiiradood ee koonfurta Soomaaliya kuna beegan magaalada Kismaayo. Cabirkaasi oo ah mid ay Kenya sameysay kadib burburkii Soomaaliya.

 

Wasiirka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur masoo hadal qaadin Cabirka Khaldan ee Kenya sameysay una gudbisay Qaramada Midoobay, saxiixa uu maanta saxiixayna waxay tusaale u noqon kartaa in Dowlada Soomaaliya aysan waxna ka qabin qorshaha Kenya ay u gudbisay Qaramada Midoobay, taasi oo loo adeegsan karo Dowlada Soomaaliya hadii ay murran mustaqbalka ka keento cabirka ay Kenya gudbineyso.

 

Qorshaha Kenya ayaa ah mid ay kula wareegayso hadii ay u hirgasho dhul cabirkiisu yahay 38,000km2 oo dhul badeed ah.

 

Wasiirka Soomaaliyeed ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ma soo hadal qaadin qorshaha Kenya ay horey ugu gudbisay, oo ah mid horey loo shaaciyey isla markaana ku jira dhamaan shabkadaha xogta ee Qaramada Midoobay.

 

Arrintan waa mid u baahan in dowlada Soomaaliya ay dib isugu noqoto, ayna si fiican uga baaraan degto waxa ay saxiixeen, isla markaana soo bandhigaan Qoraalka rasmiga ah ee heshiiska Kenya lala saxiixdeen, taasina waxaa kasii muhiimsan sidii Wasiirada aan cilmiga u lahayn taariikhda xaduudaha Soomaaliya iyo shuruucda caalamiga ah aan lagu siideyn go’ aanada noocaan oo kale ah.

 

 

Xigasho: Afnugaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by [Waranle]:

 

And guess who agreed to this sell out? the son of our great hero Abdirashid Ali Sharmarke. I wonder when this pseudo-somali government will sell Beled xawo, Doolow, dhuusaay, Ceelberde, qorac joomo, Dhoobley,Beledweyne, Balanbaal, Galdogob; Buhooldle, oodweyne all the way to half of Awdal etc.

I guess the "f..." Cumar (he is not even worth the same sharmarke at the end) got the kenyan authorities to collect taxes from goods into somalia.

yup! i guess fat-boy swapped it for a life time of ice cream supply... :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Reer Baadiyye,

Your anarchic tendency is evidenced and manifested in your postings. Qalawdii yeertaaba waxay xoojinaysaa marmarsiiyahaad u raadinaysay dawlad diidnimadaada

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

Xiin,

 

Brother, meedey, meedey, ma haayne meedey dawlad ku sheegta aad taageertid?

 

 

Thus far what your government did is to sell a piece of somalia.

 

You are using terms such as "anarchic tendency" " Confused" with posters who give a different view than yours.

 

Is deji sxb.

 

This is serious brother Xiin. Condemn this sick government; Because they cannot take control of somalia the only thing they can do is to sell some parts of it.

 

BTW who wrote the following in a related thread?

 

Laakiin waxaa cajjiib ah sababta hadda loo shaaciyey maritime dispute aan hore runtii dadka intiisa badan u maqal. That's what is fishy about this so called memo of understanding.

 

Not this baadiye jaahil- but our great xiin faniin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Honestly, I dunno what better time for kenya than this time to get this sh1t signed when they dealing with these let-me-sign-it-for-y ou-happy inexperienced and illiterate "wasiiro". Kenya ayaa istiri xoolahan xooluhu dhaleen aanu inta hotel isugu keeno quraacna siino iyo min hal malyan oo dollar aanu ka saxiixano, waana dhacday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this