Sign in to follow this  
Somali_Patriot

Mp's in Kismayo and Baydhaba coming to Moqadishu.

Recommended Posts

Xubnaha labada gole ee ku sugnaa Kismaayo & Baydhab oo ku soo jeeda Muqdisho, xilli uu guddoomiyaha baarlamaanka ku sugan yahay Muqdisho

Baydhaba

 

 

Warar aanu ka helnay ilo muhiim ah oo lagu kalsoon yahay, kuna kala sugan Baydhabo & Kismaayo ayaa waxey sheegayaan in Muqdisho ay ku soo fool leeyihiin xubno ka tirsan labada gole oo halkaasi ku sugnaa muddooyinkan.

 

 

Xubnaha ka soo ambabixi doono Baydhabo ayaa waxaa hogaamin doona xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade, waxaana ka mid ah C/llaahi Aadan Axmed (Black) & Max’ed Xuseen ***** (Afaraale), halka xubnaha ka imaanaya Kismaayo uu hogaamin doono wasiirka dib u dhiska & dib u dejinta dowladda federaalka Barre Aadan Shire (Hiiraale).

 

 

Imaatinkooda Muqdisho ayey ku soo beegmeysaa xilli uu Muqdisho ku sugan yahay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan & xubno ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka.

 

 

Xaabsade & Barre Hiiraale ayaa ah xidlhibaano ka soo horjeeda ciidamada dowladaha safka hore keenistooda & in dowladdu farriisin ka dhigato Jowhar & Baydhabo, waxaana ay ku fikir yihiin xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan, iyadoo xildhibaan Xaabsade uu sheegay in magaalada Baydhabo ee uu ka soo jeedo aysan xilligan habooneyn in ay ka soo degto dowladda federaalka, isagoo ku celceliyey in dowladda ay toos u tagto farriisinkeeda Muqdisho.

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan Dayniile,Muqdisho

 

Ku noqo beejka

 

 

------------------------------------------------

Impeachment is near.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this