Br. Nur Posted June 9, 2003 Istigfaarka Walaal, Waxaa laga soo wariyey Suubanihi SCWS, inuu yidhi : " Dadyohow, Allah dambi dhaaf weydiista, una towbo keena, maxaa yeelay anigu waxaan istigfaarsadaa maainkii boqol jeer" Sidaan horey uga soo hadlay, mar walboo qof dambi ka dhaco wuxuu qofkaas isu bandhigay ciqaab Allah oo ifka intuu joogo ku dhacda, waxaana ciqaabta Allah looga baxsadaa marka hore in la dhowrsanaado,( Taqwo) oon marka horeba dambi lagu dhicin, Laakin waxaan wada ogsoonnahay in bani Adamku uusan marna hureyn inuu dambi ka dhaco, sidaa darteed si looga baxsado ciqaabta Allah markii aan dambi galno waxaa loo baahan yahay in Allah laga baryo dambi dhaaf, ama Istighfaar. Marwalboo dambi naga dhaco, malaaigtu wey qortaa, waxaana loo bandhigaa Allah acmaasheenna xun iyo kuweena fiican maalin walba. Allah naxariistiisa wuxuu noogu soo dedejiyaa ciqaabta dambigeenna adduunka intaan ku noolnahay si aan u galno jannada annagoo nala meydhay, oo daahir noqonnay, maxaa yeelay waxaa laga soo wariyey suubbanihii inuu yidhi Jannadu waa wanaagsan tahay, mana galo qofaan wanaagsaneyn, sidaa darteed, waa in la is meydhaa, taasoo nalagu meydho ciqaabta iyo dhibaatada nagu dhacda intaan adduunka ku noolnahay. Allah SWT wuxuu leeyahay," Wax walboo musiiba ah oo idin soo gaadha, waa waxey galabsadeen gacmihhiina, (sidaas ooy tahayna Allah), wax badan buu cafiyaa" Meeshaas waxaa ka cad in dambi walbaa uu keensado ciqaab adduun. Hadaba, sidee baan uga baxsannaa ciqaabta aan ku muteysanney dambigeenna? Waxaa looga baxsadaa ciqaabtaas in la badiyo istighfaarka, maxaa yeelay istigfaarku wuxuu meydhaa dambiga, sidaa darteed qofkii badsada istigfaarka waa laga dhaafaa ciqaabta uu ku muteystay dambigiisa, Allah wuxuu leeyahay: " Allahna ma aheyn mid (dadka ) cadaaba, ayagoo istgfaarsanaya" . Aayaddaas waxey timaameysaa in qof afka istigfaar ku haya aayan ku dhaceyn musiibo adduun oo ah cadaab dambi, marka istigfaarku waa sida Insurance policy. Waxaana laga wariyey Rasuulka SAWs inuu yidhi, " Qofkii hadwalba istigfaarsada, Allah ayaa wixii hammi ku haya faraj uga fura, markuu cidhiidhi galana, Allah ayaa u fura meel uu ka baxo, Allahna wuxuu qofkaas ka arzaaqa meel uusan ka filaneyn" Waxaa kaloo jirta in dambigeenna uu naga horjoogo inaan helno kheyraadka iyo nicmooyinka aan jecelnahay, sida ubadka, maalka , daaqa xoolaha, iyo wax walboo naga farxiya, sidaa darteed, kadeedku waa ciqaab ah in lagaa horjoogsado in laguu soo daayo nicmooyinka aad jeceshahay ood raadineyso. Allah wuxuu leeyahay: " Rabbigiinna dambi dhaaf weydiista, wuxuu ahaa mid dambi cafis badanee, wuxuu idiinka soo daadin cirka roob badan, wuxuuna idin siin maal iyo ubad, wuxuuna idiin yeeli beero wuxuuna idiin yeeli wabiyaal" Meeshaas waxaa ka muuqata in dambigeenna uu naga horaatgan yahay nicmooyinka cirka iyo dhulka, taasna lagu gaadhi karo in la badiyo istigfaarka. Marka halkaas waxaan ku soo koobnay in dhibaatada looga hortago, laguna celiyo istigfaar. Sidaaso kalena nicmadaha lagu soo daayo istigfaar. Sidaa darteed istgfaarku wuxuu ku dhaxalsiiyaa farxad iyo laab furan, Allah wuxuu leeyahay: " Rabbigiinna weydiista danbi dhaaf, una towbo keena, wuxuu idiin raaxeyn, raaxo wanaagsan" ( Huud 3) Istigfaarku wuxuu kordhiya xoogga, iyo caafimaadka, wuxuuna kaa horistaaga cudurrada: Allaha SWT wuxuu leeyahay: " Rabbigiinna weydiista dambi dhaaf, una towbo keena, cirka ayuu roob badan idiinka soo daadin, wuxuuna idiinku kordhin xooggiinna xoog kale" ( Huud, 52) Alloow, haddey dunuubteyda badatay, waxaan ogaaday in cafiskaagu uu ka weyn yahay dambigeyga, Allow, hadduu qofka wanaagsan oo qudha uu kheyr kaa fisho, Qofka dambiilaha ah, yuu baryaaa oo cafiya oon adiga aheyn? Allow, ma lihi tab aan kugu soo gaadho, oon aheyn, inaan raalli kaa ahay xukunkaaga, oon raadinayo cafiskaaga, anigoo ah Muslim. Nur [ July 10, 2010, 02:54 AM: Message edited by: Nur ] Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted July 13, 2003 Salamu Caleykum walaalayaal Meeshan miyaan ku soo qaldamay mise malaa ig baa daggan? Maxaa dunuubta looga hadli la' yahay? mise waa la wada xishooanayaa? Xishood waxaa mudan Allah mar walba na arka xaalad walba oon ku sugan nahay, ee halkan ha la isugu kaalmeeyo in laga wada hadlo dhibaatada dunuubta iyo sidii loo yareyn lahaa. Dooddani waa furan tahay, kaligey isla ma doodi karo, ee meesha ha igu cidleynina. Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites
Iffah Posted July 13, 2003 Nur, once again...great article! Jizakallah Khairan...aad baa ugu mahadsantahay mowduucaan noo soo dhigtay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
StarGazer Posted July 13, 2003 Waa iga yaabisay Nur. Not only can you effectively communicate your mssge in english, but your somali is off the hook too. Although some words threw me off, I enjoyed reading it. Shukran Akhi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted June 4, 2006 Nomads Waxaa la hubaa in dadku ka fogaan karin dunuubta, inkastoo dadku ay kala dadaal badan yihiin, dambi bey ehel u wada yihiin, sidaa darteed waxaa la doorbidaa in la isku gaashaamo xasuusta Alle marwalba, maxaa yeelay, dambigu wuxuu naga dhacaa markaan illowno xasuusta Allah. Xasuusta Allahna waxaa a mida ah inaan xasuusanno inaan dambi dhaaf Allah weydiisanno si uu noo cafiyo, maxaa yeelay intaan afka ku heyno istighfaar, laga ma yaabo in nala cadaabo siduu Allah naga ballan qaaday, yaana ka run badan Allah? Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted July 9, 2010 Nomas Waa is xasuusin kale, Afar sanadood kadib, inaam badinno istighfaarka. Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites
Muriidi Posted July 10, 2010 why is istighfaar & tawba (repentance) vital ? even if you know you'll do it again and might even make the same mistakes .. did you know that if one does not repent after his normal daily deeds ,even "salaat" , it is something like this : They have taken their scholars and monks as lords besides Allah .. (altawba - 9:31) .. so istighfar is "waajib" after worldly enjoyment(even if halal) and salaat/prayer .. but i was just researching in the library or chatting with my friends !! repent .. or it was something like this : (And the person who turns to mediums and familiar spirits, to prostitute himself with them, I will set My face against that person and cut him off from his people.)Leviticus 20:6 but it's my favorit teacher/imam i grew up with .. ..repent .. or it's like this : ( Or a charmer, or a consulter with familiar spirits, or a wizard, or a necromancer) Deuteronomy 18:11 if people pray jama'a .. forget to repent .. but we are praying .. no worldly pleasures involved ..this must be the ultimate eperience and way to God .. istighfar and tawba (repentance)after every salaat the more khushuu' the more often you say astaghfirllah after it's done .. and not think ,.. but i read the sura perfectly .. the prayer was so serene .. yes thank God for that , but repent even more .. !! (Many of them also which used curious arts brought their books together, and burned them before all men ..) Acts 19:19 familiar spirits and curious arts : to take the "ah'baar" and "ruhbaan" as lords solution : repent after worldly enjoyment and also after salaat Quote Share this post Link to post Share on other sites