Cowke Posted September 22, 2009 Ciidanka Booliska Somaliland ayaa maalinimadii shalay Rasaas ku furay dhalinyaro ku socotay dhanka magaalada Berbera kuwas oo aha Dalxiis, Dhalinyaradan ayaa lagu qabqabtay degmada Dacarburuq oo u dhaxeeysa Berbera Iyo Hargeysa Dhalinyaradan ayaa la sheegay inay sidaa caadiga ah u socdeen dhanka magaalada Berbera, iyaga oo ka soo baxay dhanka Caasimada JSL ee Hargeysa, Dhalinyaradan u ku safrayey gaawari ayaa la sheegay in loo diiday inay u gudbaan dhanka Magaalada Berbera, kadib markii aay diideen Boolisku gudbida dhalinyaradan ayaa la sheegay in qaar ka mid ah Dhalinyaradu aay jireen Kantaroolkii Booliska Taasina aay sababtay in rasaas lagu furo Labo wiil oo la kala yirahdo Guuleed Faysal oo 12 jir ah iyo Axmed Faraax Diiriye oo 11 jir ah ayaa ku dhaawacmay dhacdada sidaa aay dadka degaanku u sheegen Somalifans Online, in kasta oo dhalinyarada aysan ku dhaawacmin rasaasta ciidanka balse aay soo gareen dhaawacyo kale oo ka soo gaaray kadib markii aay isku dayeen inay rasaasta ka baxsadaan balse aay dhulka ku dhaceen taasi oo sababtay in dhaawacyo ka soo gaaran halkaasi Arrinkan ayaa noqonaya mid ku cusub dadka Safarka ah, waana markii ugu horeysay ee Ciidku u diido Dhalinyaro dalxiis ah in aay u gudban magaalada Berbera, arrinkan ayaa noqonaya mid ku cusub dhegaha shacabka Xukuumadda Rayaale ayaa maalmahan dambe woda olole aay shacabka ku caburineyso, taasi oo aan la aqoon Ujeedkeeda Quote Share this post Link to post Share on other sites