Sign in to follow this  
General Duke

New Trained troops arrive + national troops tighten grip on capital

Recommended Posts

Ciidamada dawlada oo xiray wadada dheer ee isku xirta Balcad iyo Muqdisho kadib hawlgalo.

 

Ciidamada Dawlada oo ay gacan siinayaan ciidamada nabad ilaalinta wadanka Ethiopia ayaa xiray wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo balcad kadib markii halkaasi ay ka sameeyeen hawlgalo xoogan oo lagu sifaynayo kooxaha qaran diidka.

 

Ciidamada dawlada ayaa la arkayay maanta iyagoo ku qalabaysan gaadiidka dagaalka oo gaaf wareegaya jidka dheer ee laamiga ah oo ka soo gala dhinaca Balcad halkaasoo gaadiidka soo galaya magaalada mqudisho loo diiday inuu u soo talaabo dhinaca ex-kontool balcad.

 

Lama oga wali sababta rasmiga ah ee ka dambaysa xiritaanka wadadan iyadoo xiritaankan uu ka dambeeyay kadib markii ciidamada ethiopianku ay shalay hawlgal ay ka sameeyeen dhinaca suuqa xoolaha ay ugu soo talaabeen dhinaca ex-kontorool Balcad halkaasoo ay si wada jir ah uga hawl galayaan kuwa dawlada somaliya.

 

 

AllMudug.org kala soco wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Somalidaba.

 

Please Contact Us.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Ciidamo Soomaali ah oo tababar ugu soo xirmay Burundi soona gaaray Baydhabo.

28. december 2007

 

BAYDHABO(AllPuntland)- Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo bilihii ugu danbeeyey tababaro uga socdeen dalkaasi Burundi ayaa todobaadkan soo gaaray dalka Soomaaliya ,ayagoo ka soo dagey Magaalada Baydhabo.

 

Ciidamadan oo aan tiradooda la aheyn ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey soo qaadanayey tababaro ku aadan sidii ay ula dagaala milahaayeen Kooxaha Magaalooyinka ku dhex dagaalama.

 

Ciidamadan ayaa tababarada waxaa siinayay Saraakiil Khibrad uleh dagaalada sida looga hortago iyo Ilaalinta wadan mudo dowlad la'aan ahaa ,Maadaama dalka Soomaaliya aysan dowlad ka jirin.

 

Garoonka diyaaradaha markii ay ciidamadan ka soo dageen waxaa soo dhaweeyey qaar ka mid ah Taliyaasha ciidamada dowlada Soomaaliya ,ayagoo Saraakiishiisii ciidamadaasi horkacayso ay gaareen Magaalada Muqdisho.

 

Dowlada Soomaaliya ayaa horey uga codsatey dowladaha Africa iyo Beesha Caalamka in tababaro lasiiyo ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ,si ay amaanka dalka ugala wareegaan ciidamada Shisheeye ee uyimid wadanka Cawinta dowlada Soomaaliya.

 

Xukuumada Burund-ina waxa ay horey usheegtay in ay tababaro Casri ah siineyso ciidamada dowlada Soomaaliya ,ayna ciidamo nabad ilaalin ah geyneyso dalka Soomaaliya ,ayagoo qeybahoodii ugu horeeyey todobaadkii hore ay tageen Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Tababaradan kala duwan ee ay soo qaateen Saraakiishan Soomaalida ah ayaa la filayaa in mudooyinka dhow laga dareemo dalka Soomaaliya oo dhan ,gaar ahaana goobaha ay dowladu hada amaankooda sugeyso ee ay ka mid yihiin Caasumada Soomaaliya ee Xamar.

 

Mahan markii ugu horeysay oo tababaro ciidamo Soomaaliyeed oo soo qaatey ay tagaan Magaalada Muqdisho ,ayagoo maalmihii ugu danbeeyey Magaalada ay tagayaan ciidamada Itoobiya kala wareegaya amaanka Muqdisho.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

I hope that Mugdisho does become a peaceful city for its people, but what will be so different from the chaos of the last 17 years, Dukey

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this