Sign in to follow this  
SOO MAAL

Col.Qaddaafi oo $61 Milyan u balan qaaday Dowladda Soomaalida

Recommended Posts

SOO MAAL   

Col.Qaddaafi oo $61 Milyan u balan qaaday Dowladda Soomaalida

 

 

Burtinle-Online

Khamiis, April 07 2005

 

Iyadoo ay Cabdullaahi Yusuf iyo Cali Maxamed Geeddi weli ku sugan yihiin dalka Liibiya, ayey wararka naga soo gaaraya Tripoli sheegayaan in Cabdullaahi iyo Geeddi ay balan qaadyo lacageed ka heleen hogaamiyaha dalkaas Col.Mucamar Qaddaafi.

 

Ilo xog-ogaal ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa Burtinle-Online ugu waramay in dowladda Liibiya ay dowladda Cabdullaahi iyo Geeddi u balan qaaday lacag dhan $61 Milyan (Lixdan iyo kow Milyan oo doolarka Mareykanka). Lacagtan ayaa la sheegay in loo siin doono sadex qeybood, hadii ay dowladda Soomaalidu kasoo dhalaasho shuruudaha dowladda Liibiya.

 

Col.Qaddaafi ayaa la sheegay in uu $6 Milyan (Lix Milyan oo doolar) gacanta u gelin doono dowladda Soomaalida, balse uu ka doonayo in lacagtan lagu bixiyo dhowr arrimood oo kala ah:

 

Dowladda oo dib ugu laabata dalka, xarunna ka dhigata, Muqdisho, Baydhabo, ama Jowhar

Dowladda oo hubka ka dhigta kooxaha hubeysan

Dowladda oo dib ugu yeerta, dibna u habeysa ciidamadii qalabka siday ee Soomaaliya

Dowladda oo awood ku yeelata dhamaan qeybaha kala duwan ee dalka

 

Maamulka Qaddaafi ayaa la sheegay in ay mudo 3 bilood ah u qabteen maamulka Cabdullaahi iyo Geeddi in ay ku xaliyaan arrimahan aasaaska u ah jiritaanka dowladda, kadibna ay dowladda Liibiya siin doonto qeybta 2aad ee lacagta oo lagu qiyaasay $20 Milyan (Labaatan Milyan oo doolar).

 

Dowladda Liibiya ayaa rajeyneysa in hadii ay dowladda Cabdullaahi iyo Geeddi ku guuleystaan soo celinta xasiloonidii iyo kala dambeyntii ay markaa bixiso qeybta ugu dambeysa ee lacagtan ay u balan qaaday dowladda Soomaalida.

 

Balan qaadyada lacageed ka sokow dowladda Liibiya ayaa balan qaaday in ay qeyb weyn ka geysan doonto dib u dhiska iyo dib u qalabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

 

Maamulka Qaddaafi ayaa sidoo kale la sheegay in uu balan qaaday dib usoo celinta mashaariicdii ay horay u maalgelin jirtay dowladiisa marka ay dowladda Soomaalidu soo celiso amaanka iyo kala dambeynta.

 

Cabdullaahi Yusuf iyo Geeddi oo madax ka ah Dowladda Hogaamiye-kooxeedyada Soomaaliyeed ayaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Liibiya, iyagoo aan wax faahfaahin ah ka bixin waxa ay ka qabanayaan dalkaas.

 

Waxaa shalay oo Arbaca aheyd Muqdisho ka degay Xildhibaano 30 gaaraya oo ka tirsan Garabka Shariif Xassan ee Dowladda Hogaamiye-kooxeedyada Soomaaliyeed, waxeyna Xildhibaanada Muqdisho u dhoofay sheegeen in ay Muqdisho xarun ka dhiganayaan, hadii ay Cabdullaahi iyo Geeddi Muqdisho xarun ka dhigtaan iyo hadii kaleba.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hogaamiya garabka kasoo horjeeda Cabdullaahi iyo Geeddi ayaa la filayaa in uu Muqdisho u dhoofo maalmaha fooda inagu soo haya.

 

Wafdiga Cabdullaahi iyo Geeddi ee Liibiya ku sugan oo ay kamid yihiin Xuseen Maxamed Caydiid, Saalim Caliyow Ibrow, iyo kuwo kale ayaan la ogeyn goorta ay Nairobi kusoo laaban doonaan.

 

Col.Mucamar Qaddaafi ayaa lagu eedeeyaa inuu horay qeyb weyn uga qaatay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya, isagoo hubeyn jiray qaar kamid ah dagaal-oogayaasha Soomaalida.

 

Burtinle-Online

editor@burtinle.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Liibiya oo Dhaqaale Gaaraya 61 Milyaan oo

Dollar Siineysa Dowladda KMG

 

Wararka ka imaanaya Liibiya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka heshay Liibiya dhaqaale aad u badan marka loo eego dhaqaalaha kale ee ay bixiyeen dalalka kale ee Caalamka.

 

Warar laga helay xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Liibiya ay bixisay deeq Lacageed oo gaarayo ilaa iyo 61 Milyaan oo Dollarka Mareykanka ah,lacagtan ayaa la sheegay in la siin doona sadex qeybood haddii dowladda soomaalida ka soo baxdo shuruudo lagu xiray.

 

Shuruudaha ayaa waxaa ka mid in dowladda federaalka soomaaliya dib ugu laabata dalkeeda, xaruuna ay ka dhigato magaalada muqdisho, dowladda oo hubka ka dhigto kooxaha hubeysan,dowladda oo dib u habeyso ciidamadeeda qalabka sida iyo kuwa kale.

 

Dalka liibiya waxaa hadda ku sugan Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo ay la socdaan Wasiiradiisa arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda, waxayna sugayaan in dhaqaalahaas lagu soo wareejiyo.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this