Xudeedi Posted October 3, 2009 Dhahar-Online Oct,02,2009-Crisaaq Axmed Geeldoon ayaa waxa uu tafasiil dheeraad ah ka bixiyey waxqabadka Dowladda Hoose ee magaalada Boosaaso tan iyo markii isaga loo soo magacaabay xoghayaha Dowladda hoose ee magaalada boosaaso, isagoona xusay in ay waxqabad la taaban karo ka qabteen nadaafada gudaha magaalada Boosaaso ama bilicda magaalada Boosaaso. Crisaaq Axmed Geeldoon, Xoghayaha Dowladda Hoose ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu sheegay in ay xaafaduhu leeyihiin guddiyo u qaabilsan xaafad weliba nadaafadeeda isagoona sheegay in bil weliba xaafad weliba kormeer lagu sameeyo hawlaha nadaafadeeda iyo sida ay tahay isagoona xusey in ay xaafaduhu leeyihiin gaari gacano iyo Fargeetooyinka iyo dhamaanba agabka lagu guro qashinka isagoona sheegay in ay xaafad weliba oo ka mid ah magaalada boosaaso in ay leedahay gudoomiyayaal u qaabilsan arimaha nadaafada isagooan sheegay in la gala xisaabtamo hawlaha nadaafadeed ee xaafada uu gudoomiyaha ka yahay. Mar aan wax ka weeydiiyey C/risaaq Axmed Geeldoon Xoghayaha Dowladda Hoose ee magaalada Boosaaso qaab ay u isticmaal lacagaha canshuurta ah, ayaa waxa uu sheegay in lacagaha canshuurta ah oo dadka laga uruuriyo ay u isticmaalaan hawlaha nadaafada. Isagoo xusey in "meel weliba oo aad marto magaalada boosaaso ay nadaafadeed tahay mid lagu kalsoon yahay islamarkaasna qofkii arka uu ka dareemayo waxqabadkayga", ayuu yiri C/risaaq Axmed Geeldoon, xoghayaha Dowladda Hoose ee magaalada Boosaaso. Xoghayaha Dowladda Hoose ee magaalada Boosaaso Mudane C/risaaq Axmed Geeldoon oo isaga hadalka si aad awh ugu dheeraaday ayaa waxa uu sheegay in ay hada ololo faro badan ay wadaan kaasi oo lagula dagaalamayo qashinka meelaha lagu shubo isagoona sheegay in dadka usameeyeen gawaari qaabisan qashin gurista in ay jiraan. Xoog'hayaha ayaa tibaaxay in xaafad weliba oo ka mid ah magaalada boosaaso subax weliba laga soo guro wixii qashin ah. Xoghayaha waxaa kaloo uu xusay in dadka ganacsatada u sameeyeen meelo ay ku shubaan qashinka sida bacaha iyo wixii la mid ah. Ugu danbeyntii xoghayaha Dowladda Hoose ee magaalada Boosaaso ayaa waxa uu sheegay in ay sanadka cusub hawlahooda sii labi laabi doonaan si ay gabi ahaanba gacanta ugu dhigaan hawlaha nadaafada ee magaalada Boosaaso. Xoghayaha waxa uu xusay in ay iyagu hada hayado faro badan kulamo la qaateen islamarkaasna ay ka wada hadleen sidii loo dardargelin lahaa hawlaha nadaafadeed ee magaalada Boosaaso, taasi oo ah mid baaxadweyn leh islamarkaasna loo baahan yahay in si wanaagsan wax looga qabto nadaafadeed ama bilicda guud ee magaalada Boosaaso. Dhahar Radio Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted October 3, 2009 Bosaso District Officials Quote Share this post Link to post Share on other sites