Sign in to follow this  
Abwaan

Cabdi Rizaaq Xaaji Xuseen: Dagaalka Muqdisho waa wax iska caabin shacbeed.

Recommended Posts

Abwaan   

Cabdi Rizaaq Xaaji Xuseen: Dagaalka Muqdisho waa wax iska caabin shacbeed.

 

Minneapolis ,Isniin, April. 23 , 2007 Waagacusub.com

 

Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalka Somalia Cabdi Rizaq Xaaji Xuseen ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.

 

Cabdi Rizaq Xaaji Xuseen oo jooga magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa dagaalka ku tilmaamay wax iska cabin shacbiga Muqdisho ay sameynayaan oo ay sida uu sheegay kaga soo horjeedaan Ciidamada Ethiopia ee qabsaday.

 

Cabdi Rizaq Xaaji Xuseen ayaa sheegay in Somalia ay asiibtay musiibo bani aadannimo oo rasmi ah, Islamarkaana Shacabka u dhaqan magaalada Muqdisho la xasuuqayo.

 

Mr. Xuseen ayaa ka hadlayay kullan ka dhacay xarunta Minneapolis convention center oo ay Bulshada Soomaalida ah ee magaalada Minneapolis ay lacago ugu ururinayeen dadka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka ay kasoo gaareen dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.

 

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Somalia ayaa ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed inay si waxkasa oo ay awoodaan ay ku taageeraan dagaalka wax iska caabinta shacabka ay sameynayaan ka dhashay ee ka socda magaalada Muqdisho.

 

Kullankii Minneapolis Convention Center ayaa waxaa lagu ururiyay lacag gaareysa Soddon kun oo Doollar oo la sheegay in lasoo gaarsiin doono Isbitaalada magaalada Muqdisho ee dadka ay ku dhibaateysan yihiin ayada oo kullankana uu sii socon doono oo marar kale la isugu soo laaban doono.

 

Dagaalka Somalia ka qarxay 29-kii March April ee u dhaxeeya Ciidamada Ethiopia iyo Kooxaha kasoo horjeeda ayaa la qiyaasayaa inay ku nafwaayeen laba kun oo qof aynu ku bara kaceen shan boqol oo kun oo kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this