Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: TFG MP Cabdirashiid Maxamed Axmed (Dirir) applauds the people of Puntland..

Recommended Posts

 

Gaalkacyo:”Dadka Reer Puntland waa kuwo isku tashaday”Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

16. september 2010

 

APL

 

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Gudoomiyaha Gudi hoosaadka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah ee Baarlamaanka Soomaaliya Dr,Cabdirashiid Maxamed Axmed (Dirir) ayaa dadka reer Puntland ku amaanay sida ay Amaankooda uga shaqeeyeen islamarkaasna ay Dawladooda u caawiyaan,waxaana uu sheegey in uu rajeynayo in taasi ay qeybweyn ka qaadan karto sidii Soomaaliya cusub loo arki lahaa.

 

Xildhibaan Dirir wuxuu sheegey in uu ku farxay markii uu arkay Amniga guud ee Puntland oo uu sheegey in uu yahay mid aad u wanaagsan,waxaana uu amaanay xukuumada imika jirta ee Dr,Cabdiraxmaan Faroole oo uu sheegey inay tahay mid hor’umar balaaran inay samayso ku taamaysa,waxaana uu ku celceliyey in dadka reer Puntland aysan marna Soomaalinimada & qiimaheeda aysan ilaawin.

 

“Runtii Waxaa ii farxad ah inaan soo dhamaystay booqashadii aan halkaan idiin la joogay,in Muddo ah ayaanan halkaan imaan,waxaan hada joogay Mudo igu filan,waxaan ku faraxsanahay sida amniga aad u wanaajiseen,dadka Reer Puntland waa dad aad isugu tashada oo kudayasho mudan,Waxaana loo baahanyahay inay halkaas kasoo wadaan”Ayuu yiri Xildhibaankan oo kamid ahaa madax badan oo maanta ka duushay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyagoo u duulay dhanka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

 

Dr,Cabdirashiid Maxamed Axmed Wuxuu hanbalyo u diray dadka reer Puntland wuxuuna sheegey in uu Warbaahinta u marinayo in Salaan diiran,waxaana uu ku baaqay inay dadaalkooda halkaas kasii wadaan,isagoo Shacabka Soomaaliyeed ee kalana ugu baaqay in ay iyaguna ku daydaan dadka reer Puntland oo ay aayahooda & Mustaqbalkooda ka tashadaan.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this