Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Djibouti MP calls for Somali peace, unity praises Puntland..

Recommended Posts

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jabuuti oo ku baaqay in nabadda Soomaliya laga shaqeeyo

 

Xildhibaan%20Caasho.jpg

Xildhibaanad Caasho Dhabar Geelle

Jimco, 29 October, 2010 (HOL) - Xildhibaanad Caasho Dhabar Geelle oo ka mid ah xildhibaanada Barlamanka Jabuuti kagana qayb gashay Garowe shir u socday haween Soomaaliyeed ayaa baaq nabadeed u dirtay dhinacyada isaga soo horjeeda Soomaaliya.

 

Hadalkan ayey caasho ka sheegtay qado sharaf sa gootin ahayd oo uu sameeyay gudoomiyaha barlamanka Puntland ,waxaana ay xustay in lama huraan ay tahay nabadda Somaliya iyo midnimada umadda.

 

"Waxaan u mahadcelinayaa wasaarada haweenka Puntland oo shirkii noo socday suurtagalisay,waxaana ugu baaqayaa dhinacyada somalida in nabadda ay markasta qaataan " ayey tiri xildhibaanadda oo warbaahinta Garowe la hadashay.

 

Sidoo kale xildhibaan caasho ayaa sheegtay in shacabka Puntland ay salaan uga gayn doonto madaxda Jabuuti,isla markaana labada shacab ay kulumada noocaan oo kale isu soo dhawaynayaan.

 

"Markasta waxaan jeclahay in walaalaha Soomaaliyeed ay midoobaan ,si looga soo kabto wixii dhacay " ayey hadalkeeda sii raacisay,iyada oo ku sugan Garowe

 

Xildhibaan Caasho Dhabar Geelle oo ka mid ah barlamanka dalka Jabuuti ayaa ka mid ahayd haweenkii ka qayb galay shirkii nabadda ee Garowe ,waxaana madaxda Puntland ay ku umaantay qabsoomada shirkii la soo gaba gabeeyay.

 

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online

Boston@hiiraan.com

Boosaaso,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe:Dawlada Jabuuti oo Puntland ka codsatay isku keenista Soomaalida Dirirku dhaxayso.

28. oktober 2010

 

APL

 

Garoowe:(Allpuntland)-Xukuumada Jabuuti ayaa dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ka codsato inay u istaagto sidii ay isugu keeni lahayd qeybaha kaladuwan ee Soomaalida ah oo ay Dagaaladu ka dhexeeyaan kuwaas oo ay Jabuuti sheegtay in Puntland ay awood u leedahay ka qeybqaadashada Xalinta Khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya.

 

Xildhibaan Caasho Dhubad Geelle oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee Jamhuuriyada Jabuuti islamarkaasna ka qeybgalaysay kulan ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimada dawlada Puntland ayaa dawlada Puntland ku amaantay sida wanaagsan ee ay uga qeybqaadanayso isku keenista dadka Soomaaliya.

 

Xildhibaanadu waxay intaas kudartay in ay ku faraxsantahay in meel kamid ah gudaha Soomaaliya uu ka dhici karo shir noocan oo kale ah oo ay sheegtay inaysan marna rajeynin,waxaana ay shacabka Puntland & Xukuumada ku dhiiri gelisay inay u istaagaan isku keenista Soomaalida ay Dagaaladu ka dhexeeyaan.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this