RedSea Posted June 20, 2006 Wararka Naga Soo gaadhaaya, Degmada Oog ee Gobolka Sool ayaa sheegaaya in dhamaanba Ciidamadii Somaliland ee ku sugnaa jiidahaasi la galiyay Heegan Culus, isla markaasina waxa ay wararku intaasi ku dareen in dhamaanba la Xidhay Xuduudaha Somaliland la wadaagto Dalka Somalia, iyada oo dhamaanba Jiidahaasi aad loo adkeeyay. Wararku waxa kale oo ay Tibaaxeen, in dhamaanba la adkeeyay Isu socodka Gaadiidka iyada oo baadhitaan xoogle lagu sameynaayo dhamaanba Gaadiidka u kala gooshaaya, Labada dal ee Somaliland iyo Somalia. Ilaa iyo hada lama garanaayo, arinta ka danbeysay Talaabadani hasa ahaatee waxa ay warar Xog-ogaal ahi sheegeen , in ay taalaabadani ka mid tahay, adkaynta Xoojinta amaanka Xuduudaha Somaliland, madama ay xiligani Koonfurta Somalilay ka Socdaal Dagaalo Cul-Culus oo laysu adeegsanaayo Hubka noocayadiisa kala gedisan. Sidoo Kale, waxa wararka qaar sheegayaan in talaabadani ay qaaday wassaarada Gaashaandhiga ee Somaliland , ka dib markiii ay soo xoogaysatay Cabsida laga qabo, in ay Somaliland ka talaabaan Kooxo Xag Jir ah , oo gacan saar la leh Kooxaha Maxakamadaha Islaamiga ah ee Magaalada Muqdisho, talaabadanina la qaaday si looga Hortago khatarta iyo samaynta ay arintani ku yeelan karto Somaliland. Dhinaca kale, Wassiirka Wassaarada Gaashaandhiga Somaliland, Jaamac Gaas Mu-caawiye iyo Qaar ka mid ah Saraakiisha Sare Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ayaa todobaadkanba Ku sugnaa Magaalada Xarunta u ah gobolka Togdheer ee Burco, isla markaasina Shirar Isdaba joog ah ku lahaa Aqalka martida ee magaalada Burco ee (Stead Hous) ka, Waxana masuuliyiintani Ciidamadu, oo uu hormuud u yahay, Taliyaha Aaaga bari ee Ciidamada Col. DHancade iyo Wassiirkooda Gaashaandhigu, Shirar iyo Xog waran la yeesheen Qaar ka mid ah Saraakiisha Sirdoonka ee Gobolka Iyo Waliba Madaxda Maamulada Gobolka Iyo Degmada, Ilaa iyo hada ma jiraa waxa war ah oo ka soo baxay Kulamada masuuliyiinta. Hasa ahaatee Mar aanu isku daynay In aanu , arimahana noocan ah waxa ka weydiino, Mr Mucaawiye waa uu ka gaabsaday in uu waxa war ah ka bixiyo Hawlihiisa uu ka wado aagan. Reported by: Foosi Saleebaan Aw-Bindhe. Burco Ogaal. Quote Share this post Link to post Share on other sites
SOO MAAL Posted June 20, 2006 ma Puntland baa lagu dayanaya? maaha in laga badbadiyo maxaakiimta Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 20, 2006 lol. These courts pose no threat to anyone outside Mogadishu... The world media used to call the warlords powerful, now they claim the courts run Somalia???? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sharmakee Posted June 20, 2006 In the short periods of just few weeks after ousted warlords that possessed large weapons and arms people across somaliya especially the south are ready for full kacdoon so i guess the next target is all the way north LOL why cant we welcome sharia law i dont get it??? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 21, 2006 Sharia law is welcome, through these clan courts I doubt it. Sharmarke, do not be fooled we have to see what and who is behind these courts.. So far we have one set of warlords gone and we have a new set in... Islamic Law is wonderful.......Lets support its implementation in Somalia, but not through clan courts and lootings.. Quote Share this post Link to post Share on other sites