SOO MAAL Posted June 8, 2005 Waxaa magaalada Jowhar kasoo degay wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul wasaare Pro Cali Maxamed Geedi Somaliweyn - Jowhar Garoonka Diyaaradaha -Somalia - 7/06/05 Waxaa timi dayaaradii ugu horeeysay oo sidey hay'adaha qaramada midoobay iyo wariyeyaal uu ka tirsan yahay C/raxmaan Koronto oo ah wariyaha BBC-da waxa ayna soo degtay abaarihii 10:00am barqanimo waxaana lafilayaa ineey goor dhow soo garaan diyaaradii sidey Pro: geedi. Waxaa ka mid ah dadka kasoo hormaray Pro. Geedi Safiirka Baritain ee soomaliya Devid pil safiirka Mareeykanka, safaarada swedan masuul ka socda, safiirka Talyaaniga, safiirka koonfur Afrika u fadhiya Keenya, masuuliyiin UNDP, Saciid warsame oo ah madax ka tirsan WFP oo hadal yar ka jediyey garoonka ayaa sheegay ineey sugayaan ra'iisul wasaaraha oo halsac ka dib soo degi doona iyadoo oo halkaasi ugu sii gudbi doona kiliga Shiinaha oo la doonayo in xariga loo jarro. Dayaaradii labaad ayaa waxa ay soo degtay abaarihii 10:37Am Barqanimo waxa ayna sidaa wafdigii Pro Geedi oo uu ka mid ahaayeen labada Gole ee dowlada Federaalka wasiiro iyo xildhibaano oo aan gartay Mawliid Macaani Maxamuud iyagoo ugu sii gudbay kiliga Shiinaha. Quote Share this post Link to post Share on other sites