Sign in to follow this  
Fiqikhayre

President Abdullahi Yusuf opens new somali wide radio station

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliya oo khudbad uu jeediyey ku eedeeyey Xassan Daahir Aweys

 

Last Updated::2006-12-24 15:27:15

 

Baydhabo:- Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yusuf Ahmed oo maanta khudbad ka jeediyey Furitaanka Idaacada Dowlada oo laga furay magaalada Baydhabo.

 

abdulahi_madaxtooyada_baydhabo.jpg

 

Madaxweyne C/laahi Yusuf Ahmed ayaa khudbadiisa si gaar ah uga hadlay dagaalada socda, asagoo sheegay in Maxaakiimta ay yihiin kuwo dowlad diid ah oo Diinta Islaamka si khaldan u adeegsanaya.

 

Madaxweynaha oo eedeyn si gaar ah dusha uga tuuray Hogaamiyaha Maxaakiimta Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa yiri [.....tan iyo Juun 1992-dii uu dagaal dhex maray Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sida uu sheegay ugu yimi deegaanka Puntland dagaalna ku sameeyey isagoo ku andocoonaya Diinta Islaamka balse uu qabiil ku shaqeysanayey, wixii nakala gaaray waa la ogaa laad baana kaga soo saaray deegaanada aan anigu ka tilinayay...]

 

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri [...Markii 4aad weeyaan oo uu isku dayo (Xassan Daahir Aweys) inuu dagaal galo oo uu diin kusoo gabado, oo hadba shaar noo soo gashto oo uu yiraahdo anagaa SAX ah...]

 

Madaxweyne C/laahi ayaa sheegay in ay doonayaan Maxaakiimta in ay siyaasad khaldan iyo waxaan jirin in ay ku helaan awood ay xukunka dalka ku qabsadaan.

 

C/laahi Yusuf Ahmed ayaa ku dhaliiceeyey Maxaakiimta in ay dalka kusoo hogaamiyeen Ajaanib uu ku sheegay Argagaxiso kuwaasi buu yiri doonaya waxaan dani ugu jirin shacabka Soomaaliyeed oo dagaalka kasoo daalay.

 

[..nimanka Argagixisada ay u yeerteen umadda soomaaliyeed dan uma hayaan, hadaan umada Soomaaliyeed waxba ka harin makala jecla, kuwii xabada kasoo hartayna gaajeey ku dilayaan, waxay ila tahay dadweynaha Soomaaliyeed, Ururka Xasan Daahir uu ka tirsan yahay iyo waxa uu aaminsan yahay sida uu isagu noo sheegayo wax sax ah ma watee, wuxuu wataa wax isaga u gaar ah ana waan ogahay, haatan anigu waxaan ahay Madaxweynihii J. Somaliya isagana waxa uu ka mid yahay Argagixisada aduunka waxaana u danbeyn doonta sidii uu markii hore u cararay...] ayuu yiri Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya asagoo ku sugan magaalada Baydhabo xarunteeda Madaxtooyada.

 

Hussein Farah

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

DFKMG oo furatay Idaacada dalka Soomaaliya oo dhan laga dhageysan karo

 

Last Updated::2006-12-24 15:17:21

 

kuuriya.JPG

 

Baydhabo:- Waxaa maanta xariga laga jaray Idaacada ku hadasha Codka Dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

Idaacadan oo dalka Soomaaliya oo dhan laga dhageysan karo ayaa waxaa Agaasime Guud looga dhigay Xasan Ciise Cali (Kuuriya) oo horey uga soo shaqeeyey idaacadihii Radio Muqdiyso iyo Radio Hargeysa.

 

Idaacadan ayaa laga dhageysan karaa guud ahaan dalka Soomaaliya SW-2 (mawjada 49aad) halka magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda looga dhageysan karo FM 95.2.

 

Idaacadan ayaa ah tii ugu horeysay oo ay sameysato Dowlad kumeel gaar ah tan iyo intii ay dhaceen dagaalada Sokeeye.

 

Waana idaacada kaliya ee wakhtigan laga dhageysan karo guud ahaan dalka Soomaaliya, waxayna furitaankeeda kusoo aaday xili ay dagaalo waaweyn ay ka socdaan dalka Soomaaliya.

 

Idaacadan ayey Wasaarada Warfaafinta ee DFKMG abaabulkeeda waday laga soo bilaabo sanadkii tagay ee 2005.

 

Hussein Farah

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Idaacadan ayaa laga dhageysan karaa guud ahaan dalka Soomaaliya SW-2 (mawjada 49aad) halka magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda looga dhageysan karo FM 95.2.

 

Idaacadan ayaa ah tii ugu horeysay oo ay sameysato Dowlad kumeel gaar ah tan iyo intii ay dhaceen dagaalada Sokeeye.

Its a good move now the media is also in play. The masses shall hear the side of the TFG without any need to rely on the BBC and other local media outlets.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this