xiinfaniin Posted October 6, 2006 Maxkamadaha Islaamka oo maamul u sameeyay Gobolka Jubbada Hoose Jimco, October 06, 2006(HOL): Maamul ka kooban 18 xub oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha gobolka, Gudoomiyaha Degmada, Waaxyadaha Maareynta Dekedda, Garoonka Diyaaradaha iyo Taliska Booliska gobolka ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Kismaayo kadib markii ay soo xuleen xubnahaasi masuuliyiinta Golaha maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed. Xilalkii maanta la magaacaabay ayaa kala ahaa Gudoomiyaha gobolka J/Hoose Axmed Sh Maxamed (Axmed Madoobe ) Guddoomiye ku xigeenka C/fataax Maxamed Cali Taliyaha booliska C/llaahi Axmed Warsame Ejka Arrimaha bulshada C/raxmaan Axmed Aadan (C/raxmaan Seero) Maaliyadda C/llaahi Axmed Cumar dacwada Iyo warbaahinta Axmed Diiriye Waxbarashada iyo Tacliinta sare Dr. Yuusuf Maxamed Cilmi Garsoorka iyo cadaaladda Sh. C/raxmaan Maxamed Firin Xubnaha loo magacaabay Degmada Kismaayo Duqa magaalada Inj. bashiir Axmed C/llaahi Jarto Ku xigeenkiisa Bashiir Aadan Xasan Arrimaha Caafimaadka Maxamed Dhaqane Mareeyaha Dekedda Ciise Qaasim Howlgalinta Dekedda Cali Maxamed Howlgalinta Maraakiiba Cismaan Maxamed Dheer Xisaabiyaha Dekedda Cabdi Xasan Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Axmed Gaarane Yarow Ku xigeenkiisa C/nuur Jimcaale Qeyre. Dhamaan xubnahaasi ayaa maanta loo magacaabay maamulka gobolka Midowga ayaa waxaa uu ka gedisan yahay maamulkii horay uga jiray magaalada Kismaayo, kaasi oo ka koobnaa 21 xubnood oo lagu soo xulay qaab qeybsiga 4.5. Magaalada Kismaayo ayaa dhawaan waxaa gacan ku heynteeda la wareegay maxkamadaha Islaamka oo haatan inta badan ka taliya gobollo dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana magaalada Kismaayo Maxkamadaha ka hor soo maray labo maamul oo ay kala hoggaaminayeen Jen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan iyo Col. Barre Aadan Shire Hiiraale. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted October 6, 2006 I really don’t know the composition of this new admin (I have recognized only two people out of it), but the fact that the Islamic Courts named an entity to run the city tells me these guys are smart politicians who know what they’re doing! In politics or otherwise, you can’t have unfilled vacuum, or you would risk loosing the momentum you’ve gained. Way to go yaa Courts, I say. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted October 6, 2006 Saan maqley maamulka cussub ee Kismaayo waa mid ku meel gaar ah si kala danbeyn iyo wax maamul u eg looga dareemo magaalada, ma ahan mid laga soo shaqeeyey sida kan Banaadir laga dhisey oo kale, sidaan maqley oo kale warar aan ka helay Dhoobley iyo Afmadow, Qooqaani iyo Taabtaba waxay sheegayaan in maamul qaabeesan loo sameyn doono Jubbooyinka oo dhan Kismaayana u tahay saldhig. PS: kolleey Maxaakimta qaabka ay u kala shaandheyn doonaan waa iney noqotaa qaab farax galisa dadka illeen qabiil baa madaxa naga galee Quote Share this post Link to post Share on other sites