Sign in to follow this  
General Duke

Bule-Burde: TFG forces hunt clan courts militia

Recommended Posts

Baladweyn: Ciidamada dawladda Soomaaliya ee ku sugan gobalka Hiiraan oo dagaal Culus maanta galay & khasaarihii dagaaladu geysteen.

31. marts 2008

 

Baladweyn(AllPuntland)- Ciidamada dawladda faderaalka ee Soomaaliya ee ku sugan gudaha gobalka Hiraan ayaa dagaal xoog leh la galay Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Dagaaladan ayaa lugu qaaday ciidamada dawladda Soomaaliya oo galbinayay Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ,waxaana cambaareeyey talaabadaasi Yuusuf Dabageed.

 

Wuxuu ku eedeeyey in ay dagaaladan soo qaadeen dadka ka soo horjeeda Horumarka gobalada Hiiraan & Shabeelada Dhexe ,isagoo weyn carabka ugu dhuftey in dagaaladan laga soo abaabulay gobalka Galguduud.

 

Marka layskugu geeyo labada dhinac Khasaaraha gaaray guud ahaantiis waa 12 qof oo dhimasho ah 14 Dhaawac ,lamana kala saari karo dhimashada & Dhaawac ,balse deegaanadii ay weerarada ka soo qaadeen Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya waxaa tagey Masuuliyiin ka socota Maamulka gobalka Hiiraan.

 

Dagaaladii lugu qaaday ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ayay ka muujiyeen difaac xoog leh mana usuurtagalin Kooxaha dagaalada mar walba qaadi in ay qabsadaan Hub ay leedahay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Dabeecada inta badan Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya ayaa ah in ay weerar gaadmo ah la beegsadaan ciidamada dawladda Soomaaliya ee ku jira kolonyada ,waxa ayna isku horseedaan in lasoo afjaro deegaanada ay joogaan oo ay ciidamadu gudaha ugalaan.

 

Ciidamo fara badan oo ka socda Maamulada Hiiraan & Shabeelada Dhexe ayaa guud ahaan galabta la geeyey goobihii ay dagaaladu ka dhaceen ,taasna waxa ay wel –wel & calool ku taalo ku noqotey Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this