Sign in to follow this  
Allamagan

Max'ed Dheere: Lama sheegan karo darajo qof aanu laheyn

Recommended Posts

M. Dhere the mayor, the governor, and now the head of police...

 

Mogadishu 27, May.07 ( Sh.M.Network) Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Max'ed Cumar Xabeeb Max'ed Dheere oo shalay la hadlayay qaar ka mid ah ciidamada dowladda ayaa sheegay in aan la sheegan karin darajo qof aanu laheyn.

 

Max'ed Dheere ayaa sheegay in ay jiraan dad aan heysan decreeto dowladeed oo wata garaadooyin sar sare, kuwaasi oo uu ku tilmaamay waxba kama jiraan.

 

Waxa uu sheegay in wixii ka dambeeyay markii ay dhacday dowladdii hore ee Max'ed Siyaad Barre qofkii garaado dheeri ah qaatay waxaanu la tiigsan doonaa sharciga ayuu yiri Max'ed Dheere.

 

Waxa uu sheegay in maamulkiisa uu hayo liiska ciidamada ayna tahay in ciidamada ay joojiyaan nidaam xumi uu sheegay in ay ka shaqeynayaan, isagoo tilmaamay in la xaadiri doono ciidamadaasi, isla markaana qofkii lagu arko darajo uusan laheyn oo aanu siin madaxweyne ama duq magaalo ay horkeeni doonaan sharciga.

 

Guddoomiyaha gobolka Banadir ayaa waxa uu sheegay in askari kasta laga doonayo in uu diyaar u yahay gudashada waajibaadkiisa, isla markaana aysan jirin cid lagu qasbayo shaqadooda.

 

Waxa uu sheegay in ciidamada booliska la siin doono seminaaro la xiriira howlahooda si sare loogu qaado tayadooda.

 

Waa hadalkii ugu kululaa oo Max'ed Dheere uu u jeediyo ciidamada booliska tan iyo markii loo magacaabay maamulka gobolka Banadir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

loool...tolow yuu u dan leeyahay? Afgudud? G/sare Beebe (what a joke)? Mise isaga laftiisa...? horta jagadan uu xambaarsan yahay ma qaban karaa? Maroodigu takarta saaran uma jeedo!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this